Adduunka ama Kownka
ad)Qaybtii 14 aad
Xaqsoorka iyo Caddaaladda
Xaqsoorka ama caddaaladdu
waa tiirka nolosha,waana halka ay ka bilaabanto nabadda iyo
horumarku,waa dhimbiil qaadashada sinnaanta iyo eex la'aanta,waana
dareenka dhabta ah ee ka marag kacaya shakhsiyadda iyo qofnimada
wanaagsan.
Caadil waa magac ka mid ah magacyada Illaahay oo sheegaya in
sifooyinka Alle ay ka mid tahay caddaaladdu,Alle subxaana watacaalaa
waa caadil aan cidna dulmiyin:
وما ربك بظلام للعبيد {فصلت}
Aayadda:Rabbigaa ma aha mid dulmiya Addoomada(dadka)
Alle cidna ma dulmiyo ee dadku iyagaa naftooda dulmiya:
فما كان الله ليظلمهم ولكن كانوا أنفسهم يظلمون(الرّوم)
Aayadda:Alle ma aha mid dulmiyaya laakiin iyaga ayaa naftooda
dulmiyaya.
Xadiisul quddus ayaa
Illaahay ku sheegayaa in dulmiga uu naftiisa ka xarrimay,oo dadkana
sidoo kale ka xarrimay oo ay ka dheeraadaan dulmiga oo aanay cidna
dulmiyin:
الحديث القدسي: "يا عبادي
إني حرمت الظلم على نفسي، وجعلته بينكم محرمًا فلا تظالموا". (رواه
مسلم)
Xadiiska:Addoomadaydow
naftayda waan ka xarrimay dulmiga,oo dhexdiinnana waxan ka dhigay
dumiga mid xarriman,ee ha is dulmina.
Alle subxaana watacaalaa
waa caadil u xaq soora Addoomihiisa,oo qof kasta siiya abaalkiisa oo
buuxa iyadoo dhibic wax le'eg laga dhimin:
ومن يعمل من الصّالحات من
ذكر أو أُنثي وهو مؤمن فأُولئك يدخلون الجنّة ولا يظلمون نقيراً(النساء)
Aayadda:qofkii sameeya
camal saalix ah oo wanaagsan isagoo muslin ah,Lab iyo Dheddig kuu
doono ha ahaadee,kuwaasi waxay gelayaan Jannada iyadoo aan waxyar
laga dulmiyaynin.
Qofku samaan iyo xumo wuxuu sameeyo abaalkeeda ayuu helayaa,maadaama
oo loo sheegay xaqa iyo waddada saxa ah iyo ta khaladka ah,loona
sheegay inuu ta xaqa ah raaco oo khayrka doorto:
وجزاء سيّئة سيّئة مثلها
فمن عفا وأصلح فأجره على الله إنّ الله لا يحب الظالمين(الشورى)
Aayadda:Jasaa'iga iyo
abaalka xumuhu waa xume la mid ah,qofka cafis iyo heshiis sameeya
Alle xaggiisa ayuu ajar ku leeyahay,Alle ma jecla kuwa wax dulma.
Alle isagaa korreeyee qofna waxaanu samayn kuma ciqaabo,ee qof kasta
waxa uu sameeyo ayuunbuu helayaa abaalkeeda:
وَأَن لَّيْسَ لِلإنسَانِ
إِلاَّ مَا سَعَى وَأَنَّ سَعْيَهُ سَوْفَ يُرَى ثُمَّ يُجْزَاهُ
الْجَزَاء الأَوْفَى (النجم)
Aayadda:Insaanku wuxu
sameeyo oo camalkeeda la yimaado mooyee waxkale lama waydiinayo,oo
wuxu shaqaystay wuu arkayaa oo waa laga abaalinayaa,abaalmarin
buuxda.
ولكلّ درجات مّمّا عملوا وليوفّيهم أعمالهم وهم لا يظلمون(ألأحقاف)
Aayadda: qof kasta derejadiisu waa wuxuu shaqaystay,oo waa loo
oofinayaa shaqadiisa iyadoo aan la dulmin.
فمن يعمل مثقال ذرّة خيراً يره ومن يعمل مثقال ذرّة شرّاً يره(الزلزلة)
Aayadda:kii sameeyaa wax aad u yar oo khayr ah wuu arkayaa oo
helayaa,kii isna sameeya wax yar oo shar ahi wuu arkayaa oo wuu
helayaa.
Caddaaladda ama xaqsoorku waa siinta qof kasta xaqiisa,iyadoo aanad
waxba ka nusqaamin,xaqiisu ama ha ahaadeen maal ama xidhiidhka
dhaqameed ee uu waajibka u leeyahay,in ixtiraamkiisa iyo qadderinta
uu mudan yahay qof kasta la siiyo,waa khalad in qof ama dad qof ka
badanba inaad xaqooda duudsido oo dulmi ku samayso, sida inaad meel
kaga dhacdo,ama wax aanu u qalmin ku tidhaahdo ama ku samayso, sidoo
kale waxa caddaalad darro ah eexda iyo qaraaba kiilka oo ah
cudurrada dhaqameed ee faraha ba'an innagu haya,qofka waxad ugu
hiilin kartaa khayrka iyo xaqa,laakiin xaq darro uguma hiilin kartid
waa dulmi iyo xaqsor la'aan,oo waxay ku geyaysiinaysaa wax Alle
xarrimay inaad sama yso,oo denbi ka kasbato,qof kasta oo
muslin ah,waa inuu ogaadaa in qofkii xaqa iyo cabsida Alle ku sugan
qudha ay wadaagaan walaaltinimo dhab ah,ee aanu ahay kay is Aabbe
xigaan,haddaanu taas ku dhaqminna waa xaqsoor la'aan iyo caddaalad
darro,uu ku saleeyey doorashadiisa.
ياأيها الذين ءامنوا كونوا قوامين بالقسط شهدآء لله ولو على أنفسكم أو
الوالدين والأقربين إن يكن غنياً أو فغيراً فالله أولى بهما فلا
تتّبعوا الهوى أن تعدلواً(النساء)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow ahaada kuwo ku qumma oo
sameeya xaqsoorka,oo Alle dartii taas uga marag kaca,haba ahaato
nafihiinna,ama waalidiinta,ama dadka qaraabada ah,qofku ama taajir
wax haysta ha ahaado,ama mid faqiir ah ha ahaadee u xaqsoor Alle
ayaa amarkiisu mudan yahay,ee ha ka raacina hawadiina inaad
caddaalad samaysaan.
Waxa Alle u soo diray Rususha oo Kitaabka u soo dejiyey in caddaalad
iyo xaqsoor la sameeyo:
لقد أرسلنا رسلنا بالبينات وأنزلنا معهم الكتاب والميزان ليقوم الناس
بالقسط (الحديد)
Aayadda:xaqiiqa'e waxannu dirnay Rususha iyadoo bayinaad iyo Aayado
cadcad ay wataan,oo waxannu u soo dejinnay Kitaab iyo Miisaan si ay
dadka ugu caddaalad sameeyaan.
Waxa Alle Ummadda faray inay xaqsoor iyo caddaalad sameeyaan,wax
kasta oo ay fulinayaan,oo aanay ku dhaqanka iyo samaynta xaqsoorka
aanay raad ku yeelan wax kale,sida colaad aad cid u hayso ama
nebcaansho iyo wixii la mid ah,laakiin amarka Eebbe aad raacdo oo
faraya caddaaladda iyo xaqsoorka.
(يا أيها الذين آمنوا كونوا قوامين لله شهداء بالقسط ولو على أنفسكم و
لا يجرمنكم شنآن قوم على ألا تعدلوا اعدلوا هو أقرب للتقوى واتقوا الله
إن الله خبير بما تعملون) (سورة المائدة)
Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow noqda kuwo u xaqsoora dar
Illaahay,oo caddaaladda ooga oo ka marag kaca,haba ahaato
nafihiinna'e,yaanayna idinku qaadin oo idinku kellifin cadaawad aad
cid u qabtaan in aydinaan caddaalad falin,sameeya caddaalad isagaa u
dhow cabsida Eebbe'e,oo ka baqa Alle,Isagu waxad samaynaysaan wuxu u
yahay khabiire.
Waxyaalaha dadku inta badan aanay xaqsoorka ka samayn,waxa ka mid ah
miisaanka, oo dad fara badani dhimaan,taas oo khilaafaysa amarka
Eebbe ee ah in xaqsoor iyo caddaalad la sameeyo oo dulmiga laga
dheeraado:
ويلٌ للمطفّفين الّذين إذا اكتالوا على النّاس يستوفون وإذا كالوهم أو
وّزنوهم يخسرون ألا يظنّ أولئك أنّهم مبعوثون ليوم العظيم يوم يقوم
النّاس لربّ العالمين(المطفّفين)
Aayadda: waxa halaag u sugnaaday kuwa mudafifiinta ah ee hadday wax
miisamayan iyagu badsada miisaanka,hadday cid u miisaamayaanna
yareeya oo naaqusa,miyaanay u malaynaynin kuwaasi in la soo saari
doono,maalinta weyn,ee dadku Alle hor taagan yihiin.
Alle subxaana watacaalaa wuxu amrayaa Ummaddoo dhan inay xaqsor iyo
caddaalad ku dhaqmaan,qowl iyo camalba,dad baa hadallo gef ah
yidhaahda,ama gabay iyo hees ama sheeko iyo kaftan,ama
warbixinba,qaabkay doonto ha ahaatee,waxa lagama maarmaan ah in
qofku aanu dulmi samayn oo hadalkiisu xaqsoor xambaarsanaado:
...واذا قلتم فاعدلوا ولو كان ذا قربي وبعهد الله اوفوا ذالكم وصاكم به
لعلكم تذكرون (الانعام)
Aayadda:haddii aad hadal tidhaahdaan cadli sameeya( oo weedhunnu ha
ahaato mid xaqsoor leh) haba ahaado qofka aad la hadlaysaan
qaraabadiinna oofiya cahdiga iyo ballanta Alle,sidaa ayaa la idiin
dardaarmaye,waxa la arkaa inaad waano qaadataane.
Todobada qof ee Alle u hadhaynayo hadhkiisa maalinta aan hadh kale
jirin,hadhkiisa mooyee,waxa ka mid ah Iimaanka(boqorka ama
hoggaamiyaha)caadilka ah:
قال صلى الله عليه وسلم : "سبعة يظلهم الله في ظله، يوم لا ظل إلا ظله:
إمام العادل...
Xadiiska:Rasuulku wuxu yidhi Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha
ahaatee:Todoba Alle ayaa u hadhaynaya hadhkiisa,maalin aan hadh kale
jirin,hadhkiisa mooyee:Iimaanka caadilka ah…
وقال صلى الله عليه وسلم : "إن أحب الناس إلى الله يوم القيامة وأقربهم
منه مجلسًا إمام عادل، وإن أبغض الناس إلى الله يوم القيامة وأشدهم
عذابًا إمام جائر". (الترمذي)
Xadiiska:dadka waxa Alle ugu jecel yahay yowmal qiyaamaha oo ugu
dhow Iimaanka caadilka ah,waxana Alle ugu cadho badan yahay yowmul
qiyaamaa oo cadaabkiisu ugu kulul yahay Iimaamka(Hoggaamiyaha)
dulmiga badan.
Waxa Illaahay dadka farayaa mar kasta inay caddaalad iyo ixsaan
sameeyaan,waxana Alle amrayaa dadka inay ka dheeraadaan xumaha iyo
waxa aan wanaagsanayn:
إن الله يأمر بالعدل والإحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء
والمنكر والبغي يعظكم لعلكم تذكرون(النحل)
Aayadda:Alle wuxu amrayaa in la sameeyo caddaalad iyo ixsaan oo
dadka ehelka ah la xidhiidhiyo,waxanu Alle reebayaa oo diidayaa in
xumaha iyo munkarka iyo xadgudubka la sameeyo,Alle wuu idiin
yaboohayaa oo idiin yeedhayaa waxa la arkaa inaad waano qaadataane.
Waxa Alle ina farayaa in haddii aynu wax xukunno ama u garnaqno aynu
xaqsoor iyo caddaalad samayno:
إن الله يأمركم أن تؤدوا الأمانات إلى أهلها وإذا حكمتم بين الناس أن
تحكموا بالعدل (النساء)
Aayadda:Alle wuxu idin amrayaa in aad Amaanooyinka ehelkooda u
celisaan,oo haddii aad dadka kala xukuntaan ama u kala
garnaqdaan,waa inaad caddaalad ku xukuntaan.
Diinta Islaamku waxay ina baraysaa sida iyo nidaamka loola
dhaqmayo,hadday laba kooxood ama qabiil oo muslin ahi islaayaan:
وإن طائفتان من المؤمنين اقتتلوا فأصلحوا بينهما فإن بغت إحداهما على
الأخرى فقاتلوا التي تبغي حتى تفيء إلى أمر الله فإن فاءت فأصلحوا
بينهما بالعدل وأقسطوا إن الله يحب المقسطين (الحجرات)
Aayadda:haddii laba kooxood oo Muminiinta ka mid ahi,is
laayaan,heshisiiya oo haddii kooxi diiddo heshiiska,la dagaalama
ilaa ay amarka Illaahay u soo noqonayso,hadday soo noqoto si
caddaalad u heshiisiiya,oo xaqsoor sameeya,Alle waa jecel yahay kuwa
sameeya xaqsoorka.
Ummadda Soomaaliyeed oo ah Ummad wada Muslin ah waxa dhaqankooda aad
ka helaysaa caddaaladda iyo xaqsoorka siday u qiimeeyaan oo u
ilaaliyaan,Maahmaah ayaa tidhaahda:Illaahow eex ha nagaga tegin
aqoon darrona ha nagu cadaabin,taas oo kuu caddaynaysa sida dadkani
eexda ugu arkayeen wax aan haba yaraatee la aqbali karin oo Alle ka
dalbayaan in uu ku qaado denbiga abaalkiisa hadday eex sameeyaan,
laakiin haddii ay si aqoon la'aan ah oo aan u kas ahayn ay wax u
sameyaan in Alle u dhaafo,oo aanu ku cadaabin.
Bulshada qof kasta oo ka mid ahi wuxu ku aaddan yahay door ay waajib
ku tahay in uu uga soo dhalaalo si caddaalad ah,oo xilkasnimo iyo
masuulnimo leh:
قال رسول الله صلى اللّه عليه وسلم" كلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته
فالإمام راع و مسئول عن رعيته والمرأة راعية في بيت زوجها و مسئولة عن
رعيتها والخادم راع في مال سيده و مسئول عن رعيته فكلكم راع وكلكم
مسئول عن رعيته"
Xadiiska:Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu
yidhi kulligiin waxa tihiin masuul waxanad ka masuul tihiin waxa la
idin raaciyey ee mas'uulka la idiinka dhigay,Iimaamku waa masuul
waxanu masuul ka yahay Ummadda la raaciyey,Haweenaydu waa mas'uul
waxanay ka masuul tahay,guriga ninkeeda oo la
weydiinayaa,Khaadimkuna waa masuul oo maalka iyo xoolaha
sayidkiisa(kuu u shaqeeyo)ayuu masuul ka yahay oo la weydiinayaa,
kulligiin waxad tihiin masuul waana laydin weydiinayaa waxaad
masuulka ka tihiin.
Caaddil weeye Eebboo
Cid kastaba xaqsoorkiyo
Camalkiisa siiyee
Caddaalad in la sameeyana
Casiis baa amraayoo
Caado inay ahaatoo
Codka hadalkad odhanay
Camalkaad samaynay
Ceebaha ka dhawrtoo
Colaad kaad u haysona
Cadka iyo xaqsoorkii
Cidhif hawga leexine
Caddaaladdu sinnaan iyo
Cabsi Eebbe weeyaan
Cibaadada Illaahay
Cabsidiyo adeecidda
Cidda laga helaayaa
Ceelkii Jannada iyo
Cisi bay ku noolaan
Caasi kii la yimi ee
Canaadkiisu badan yee
Cadiigsiga jeclaystee
Cadha Eebbe galabsada
Cadaabkaa abaal u ah
Cadka iyo lafaha iyo
Cunto intay ka dhigatay
Cammuuddaa ka yeelay
Cusayb kalaa la saariye
Celcelintaa ayaa hurran
Caddaan weeye amarkuye
Casiisow na nabadgeli
Caadilow na samabixi
Carafkii Jannada iyo
Cuddoonkii fardawsaad
Casumaadda nagu sii
Cimri aan gaboobayn
Cunto aan dhamaanayn
Cabbitaanka noocyada
Cayncaynka dalabbada
Caddaaladdaada nagu sii
Alle waxan ka baryaynaa inuu innaga dhigo ku caddaalad iyo
xaq
soor
ku dhaqma oo dulmiga ka
dheeraada.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w
|