koox yar oo
udubaysani wakiil kama noqon
karto Gabiley
Marka horeba aniga oo jecel
isbedel siyaasadeed in loo baahan yahay hadana runtii anigu ma ahi
taageeri xisbi gaar ah
Marka horeba aniga oo jecel isbedel siyaasadeed in loo baahan yahay
hadana runtii anigu ma ahi taageeri xisbi gaar ah waayo waxaan ii
muuqan faraq sidaas ah oo u dhexeeya xisbiyada siyaasiga ah ee
somaliland ka jira waxanan u arkaa uun inay yihiin anigana iiga kac
kursiga ee aanay jirin barnaamij siyaasadeed oo lagu kala raaco
laakin waxan jeclaan lahaa in aan arko isbedel oo bal cid kale la ti
jaabiyo intaas waa iga afeef.
Hadaba sida caadiga marka ay soo dhawadaan arrimaha doorashadu waxa
inta badan la arkaa kooxo dhalinyaro iyo haween u badan oo maalinba
hotel xaflad loogu qabto iyada oo lagu magacaabo inay xisbi hebel
kasoo jabeen runtii waana wax iska caadiya oo aan la yaabis lahayn.
Aan usoo noqdo dulucda maqaalkayga, maalin dhawayd ayaa waxa ka
dhacday magaalada gabiley xaflad kuwa aan kor kusoo sheegnay ka mid
ah oo xisbiga udub u qabtay dad u badnaa caruur iyo haween oo ay bud
dhig u ahaayeen soona ururiyeen rag uu ka mid yahay
wakiilkii hore ee xisbiga kulmiye u joogay
gabiley balse dhawan xilkaas laga xayuubiyay kadib markii lagu
eedeeyay arrimo xilgudasho la,aaneed.
Hadana iyada oo qofkastaaba u madax banaan yahay in uu xisbiga uu
doono taageero hadana waxa layaab lahayd in kooxdani sheegatay oo
carabka ku adkaynayeen in ay wakiil ka yihiin dhamaan dadka reer
gabiley taasi oo gef iyo meel ka dhac ku ah kumanaan kun oo shacbiga
reer gabiley ah aragtiyo kala duwana ka leh xisbiyada siyaasada
somaliland ka jira.
Waxan uga digayaa dhalinyarada iyo waxgaradka runta ah ee reer
gabiley in lagu beer laxa wsado xisbi hebel iyo
qabyaalad riqiis ah iyo inaga oo reer
hebel ah aynu hebel taageero u m uujino, taasi oo dhaawici
karto isku duubnida iyo karaamada reer gabiley waxaanan ku
kals oon ahay inta waxaas ku mashquulsani ay tahay tiro yar oo aan
bulshada reer gabiley waxba ka ahayn.
waxan jeclahay in aan halkan uga mahadnoqo qoraal uu
cabdirisaq sh. cali askar arimahan kaga
hadlay oo si adag ugu naqdiyay kooxda noocaas
ah ee bulshada kala qaybinaysa.
|