Komishankii Hore waa Dembiileyaal, Waana in Ma xkamad Lagu soo Saaro Waqtigii iyo Hantidii Bad nayd ee…” Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne



Urur-siyaasadeedka UDHIS oo ku baaqay in maxkamad la soo taago Komishankii hore, Golaha Wakiillada iyo askarta dilay dadkii mudaharaadayey


Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen  (D hegaweyne) oo ka tirsan masuuliyiinta urur-siyaasadeedka UDHIS, ayaa  Komish ankii hore ee doorashooyinka ku tilmaamay dembiilayaal qaran oo ay waajib  ta hay in maxkamad lagu soo taago dunuubtii ay ka galeen shacabka Somaliland.


Mujaahid Dhegaweyne waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo madaxda  ur urka UDHIS ku qabteen shalay xaruntooda Hargeysa, waxaannu ku baaqay in maxkamad la horkeeno Komishankii doorashooyinka ee iscasilay oo ay ku  eedee yeen inay shacbiga ka lumiyeen hanti iyo wakhti badan oo lagu qaban lahaa  do orashooyin.


“Anigu Komishanka cusub aad ugu sii dheeraan mayo, keliya waan  hambalyeyn ayaa, waxaanan leeyahay waxaad mudan doontaan sidii kuwii hore hadday ku fashilmaan taariikhda ayaa qori doonta, Komishankii horena waa dambiilayaal, waanna in maxkamad lagu soo taagaa waqtigii ay dadweynaha ka lumiyeen iyo hantidii ay lunsadeen, waanna inay shacabku kala xisaabtamaan saddexda xisbi qaranka iyo Golaha Guurtida,” ayuu yidhi Dhegaweyne.


Ibraahim Dhegaweyne waxa uu sheegay in aannu wax hadal ah ka odhaynayn xubnaha komishanka cusub, balse eegayo wixii ay la yimaaddaan, isagoo ugu hanjabay hadday xilkooda ku fashilmaan in la marin doono jidkii khaatumo-xum ada ee kuwii ka horreeyey.


Sidoo kale, mujaahid Ibraahim Dhegaweyne waxa uu ku baaqay in maxkamad la soo taago dadka dilay dadkii ku dhintay mudaharaadyadii dhowaan ka dhacay caasimadda Hargeysa ee keenay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba  isu gu jiray, “Waxaan leennahay xisbiyada iyo golihii [Golaha Wakiillada] ee ku  baa qay inay shacabku mudaharaadaan iyo askartii dilka geystay waa in iyagana  m axkamad la soo taago. Waxaan la leennahay wixii la laayey iyo wixii xumaaday waa in meel lagu ogaado, illeyn dadku maaha hangool marka loo baahdo la  istic maalo.”


Muj. Ibraahin Cabdillaahi Xuseen, waxa uu ku eedeeyey saddexda xisbi inay  shu ruucdii dalka ku tunteen oo iyagu markay doonaan gacmahooda ku  beddalaya an.


Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Saddexda xisbi waxay eegayaan kurisga Madaxweynaha, maanta golayaashii degaanku toddoba sanno ayey  ma rayaan, ilaa haddana lama hadal hayo, yaa xaq u siiyey inay isku raacaan in  do orashada madaxtooyada soo horreysiiyaan oo wax dib u dhigaan?


Ummaddu waxay u baahan tahay in hoosta laga soo dhiso, waxayna u baahan tahay golayaal dan ka leh oo aan qurbe kaga iman, dantoodana aan garanayn uma baahna, waxana la yaab leh in shaqaalaha dawladdu hadday Komishan  tah ay iyo hadday kuwo kaleba tahay markay imanayaan aanay cid kala wareegin, markay tagayaana aanay cid ku wareejin.”


Guddoomiyaha ururka UDHIS Md. Ciise Curaagte, ayaa sheegay in urur ahaan ay bogaadinayaan toddobada xubnood ee loo soo xulay Guddida Doorashooyinka Qaranka, “Komishanka cusub waxaannu ka dardaaraynaa wixii ay ka tageen  Ko mishankii hore oo kale, waxaannu leenahay dalkiina u shaqeeya. Toddobada nin ee la soo xulay waa garsooreyaal uu ku xidhan yahay masiirkii dalku, marka loo eego qof qof waa niman karti leh oo dhex dhexaad ah,” ayuu yidhi Ciise  Cura agte.


Waxa uu Ciise Curaagte xisbiyada dalka u soo jeediyay inay ka midho dhaliyaan heshiiskii beesha caalamku dusha kaga keentay oo ay soo celiyaan sumcaddii Somaliland ee hoos u dhacday markii doorashooyinkii dhawr jeer dib u dhaceen.


Mr. Siciid X. Axmed Qulunbe oo ka mid ah masuuliyiinta UDHIS, ayaa isaguna ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale in ay shuruucdii dalka ka dhigtay kuwo gacanteeda ku soo ururay oo siday doonto ugu tagrifasho. Sidoo kalena waxa uu sheegay in axsaabta qaranku dalka khiyaameeyeen, sharcigiina iskala baxeen.


Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Maxamed Axmed Cabdillaahi (Dakhare), xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-Xaashi iyo Maxamed Axmed  Jawa ahari, kuwaasoo sheegay in wufuud wacyigelin ah ay u dirayaan gobollada dalka iyo waddamada Khaliijka si dadweynaha looga warrarmo masiirkooda.




Source: Jamhuuriya Online