Khudbadii
ugu horteysay ee uu jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo),ka dib markuu ku guulaysatay Doorashadii

Hargeysa July 1st 2010 (TNN)-Walaalayaal waxaan maanta halkan uga
soo tebinayaa umadda reer Somalila nd meel ay joogaanba
hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu dhamaa tay
doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.
Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka,
sidii hufnayd ee hawlkarnimadu ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen
hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh
ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda doorasha da,
oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.
Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka
aynu jaarka nahay ee Eth iopia, oo aan mar qudha ka nasan
taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta
khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha
markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan
qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda
ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo ma hadnaq u
diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo
muujiyay kuna fa rxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.
Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta
labada xisbi ee UDUB, UCI D, iyo taageerayaashooda. Waxaanan
cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo qada rinta ay
qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad
wadatashi.
Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha
Kulmiye ee maanta guu shan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad
mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo
bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo
dalkeena u qa bano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin
ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.
Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan, haddaynu
nahay reer Kulmiye ee Somaliland oo dhan baa guulaysatay, dacal ilaa
dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan
magacaabinna raalli gelin siinaya:
* Waxa guulaysatay taariikhdii
halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii
naftooda u huray xoraynta dalka.
*
Waxaa guulaystay Balli Gubadle,
Xaruntii Halganka.
* Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee
nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera ,albaabk
eena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga
dhawaaqay.
* Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada
madaxbanaanida Somaliland ee Burco.
* Waxa guulaystay shirkii nabadda
dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii dhalay, Distoorka iyo
dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore
iyo tanba ku galnay. Boorame ayaa
guulaysatay.
* Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada
noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi
goboleedka. Ceerigaabo ayaa guulaysatay.
* Waxa guulaysatay hoyga
gadhwadeenimada iyo gaashaanka birta ah.
Oodweyne ayaa guulaysatay.
* Waxa guulstay hoyga garaadka iyo
geesinimada. Gabiley baa guulaysatay.
*
Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee
Laascaanood.
* Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada
iyo degenaanshaha. Saylac baa
guulaysatay.
* Waxa guulaysatay xundhurta iyo
xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa
Hargeysa mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan
marti gelisay ayaa guulaysatay.
* Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo
ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.
* Waxa guulaysaty nabaddii .
* Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo
aan dib u derejo la’aan doonin.
* Waxa guulaystay dhallinyarada
mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu
guri doonin.
* Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan
dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin
bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli
doona.
* Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo
aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha
fikirkooda siyaasadeed.
* Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa
cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban
doono.
* Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo
hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona xukuu madda Kulmiye.
*
Waxa guulaysatay caddaaladda oo la sugi doono.
* Waxa guulaystay bulshada rayidka ah
oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.
* Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag
iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan
u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.
* Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan
oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami loo gu qabto.
*
Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii
ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.
Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa
aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla
markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan
xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.
Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan
taladiina dhug iyo dhaymo u ye elan doono, aniga oo ku soo
dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu wa
xay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan
idinka codsanayaa in aad xilka aad ii doorateen igu garab
gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.
Allaahu akbar.
Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.
Aamiin eebow.”
Timacade News Network (TNN)
Hargeysa Somaliland
|