Xildhibaanno KULMIYE ah oo si
Kulul u Weeraray Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa
“Madaxweyne, marka golaha la furo haddaad horkeeni weydi
siyaasaddaada iyo qorshihiina wada hadallada arrimaha Soomaaliya waxa
loo qaadanayaa inaad ku jirto khimaayo
Qaran, t
allaabadii ku
habboonaydna waa lagaa qaadi doonaa”
“Madaxweyne, wixii aad Cabdiraxmaan-tuur baday weli cid lagama
gaadhin, wixii ay isbeddel-doonkii ASAD iyo Saleebaan-gaal Ina
Cigaal badeen weli xubin lagama gaadhin, wixii aynu Daa hir Rayaale…”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
“Xukuumadda Siilaanyo ee hadda muddada labada sanno ah jirtaa waxay
la kawsatay inay ku tumato sharcigii iyo dastuurkii dalka u yaallay”
“Somaliland laga xukumi maayo xafiis u eg kii madaxtooyada Siyaad
Barre, waxaanan leeyah ay in….” Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte
Hargeysa (TNN)- Md. Siciid Cilmi Rooble iyo Md. Ibraahim Jaamac
Rayte oo ka mid ah xildhibaan nada ugu miisaanka culus ee xisbiga
talada haya ee KULMIYE ee ku jira Golaha Wakiillada Som aliland, ayaa
si kulul u weeraray Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda uu
hoggaamiyo, iyag oo sidoo kalena sharci-darro ku tilmaamay xukunkii
Maxkamadda Gobolka Hargeysa toddobaa dkan ku ridday saraakiisha iyo
xubnaha ku eedaysnaa raashinkii la lunsaday.
Labada xildhibaan oo si wadajir ah shir-jaraa’id shalay ugu qabtay
hudheelka Guuleed ee mag aalada Hargeysa, waxay si adag uga hadleen
xukunkii maxkamaddu ku riday masuuliyiinta xi lalka laga qaaday ee
xidhan, cidda ku ceebaysan lunsigii raashinka caawimada ahaa,
doorkii boolisku ku lahaa raashinkaas la leexsaday, iyagoo sheegay
in xukuumaddu farogelin ku sama ysay garsoorka dalka, waxayna ku
baaqeen in madaxweynuhu siyaasaddiisa arrimaha dibadd a iyo
wadahadallada Soomaaliya u gudbiyo Golaha Wakiillada, haddii taas la
fulin waayana loo arki doono khiyaamo qaran oo tallaabadeeda laga
qaadi doono.
Sidoo kale, waxay labada mudane golayaasha Guurtida iyo Wakiillada
ugu baaqeen inay saara an guddiyo si madaxbannaan u baadha
fadeexadaha raashinkii mucaawimada ahaa ee la luns aday iyo
farogelinta xukuumaddu ku samaysay garsoorka dalka.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ugu horreyn halkaas ka hadlay,
ayaa sheegay in xukuu mad du muddadii ay jirtay ku tumatay sharciga
iyo dastuurka dalka u yaal; “Xukuumadda Siila anyo ee hadda muddada
labada sanno ah jirtaa waxay la kawsatay inay ku tumado sharcigii
iyo dastuurkii dalka u yaallay. Tallaabo kastoo xukuumaddu ku kacday
waxay ahayd mid sharciga baalmarsan, waxaanan jecelahay in aan
xukuumadda ugu baaqo inay ku soo noqoto ku dhaqanka sharciga iyo
nidaamka dalku qaatay ee dastuuriga ah ee dimuqraadiga ah, haddii
laga soo noqon waayana dariiqan hadda la hayaa wuxuu inoo
horseedayaa burbur iyo colaad, si taas looga badbaadana waa in
xukuumaddu ku soo noqoto ku dhaqanka sharciga,” ayuu yidhi Md.
Rayte.
Waxa kaloo Md. Rayte oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada
ee aqoonta u leh sharcig a uu ka hadlay xukunka Maxkamadda Gobolka
Hargeysa toddobaadkan ku riday masuuliyiinta iyo xubnaha ku
eedaysnaa lunsiga raashinka mucaawimada ah, isagoo xukunkaasna ku
sifeey ey mid baalmarsan sharciga oo cid kaloo garsoorka ka baxsan
go’aankiisa lahayd, waxaannu intaa ku daray in aanay maxkamaddu
xukunkeeda ku salayn hadalladii iyo waxyaabihii markha atiyaashu ka
marag-kaceen oo uu sheegay inay ahaayeen qaar muujinaya in aanay
jirin cid arkaysay masuuliyiinta eedaysnaa oo faraha kula jira
lunsiga raashinka mucaawimada ahaa.
“Xukunkii maxkamaddu wuxuu ahaa mid habayaaree aanay ku salaysnayn
sharciga oo baal marsan, kumanuu salaysnayn wixii markhaatiyaashii
xeer-ilaalintu soo kaxaysatay ka hor sheegeen maxkamadda,
xukunkaasina waxa uu ahaa mid cid aan garsoorka ahayn soo goysay oo
dabada ka waday. Intii kiiskaasi socdayba waan la socday oo
goob-joog baan ka ahaa wixii markhaati walba sheegay, ummadda oo
dhanna arrintaas way ogayd, waxaanan kiiskan mudadaas uga aamusnaa
aniga oo xaqdhawraya sharciga nidaamka garsoorka oo kiis maxkamadda
ku jira in laga hadlo ma aha, balse waxa jirtay in xukuumaddu
intaasba ka hadlaysay oo ay ragga xidhan siiba xukumeen.
Taliye-ku-xigeenka booliska oo xilligaas ahaa ku-simaha taliyuhu
laba jeer buu ka hadlay kiiskan, si guud ayuuna u xukumay in ragga
xidhan dambiilayaal yihiin. Madaxweyne-ku-xigeenku kiiska oo socda
ayuu ka hadlay, madaxweynaha laftiisu shirkii KULMIYE ayuu arrintan
kaga hadlay, taasoo macnaheedu tahay in xukunkii maxkamadda oo aan
dhicin nimankaas la sii xukumay, taasina waxay ka soo horjeedaa
nidaamka iyo sharciga aynu ku dhisanahay, markaa sababta aan maanta
uga hadlay waxa weeye xukunkaas baa dhacay oo waa inaan tilmaamo in
xukunkaas dhacay aannu habayaraatee ku salaysnay sharciga dalka u
yaal iyo nidaamkii waaqaca ahaa ee ka caddaaday maxkamadda horteeda
ee ay 21 ka markhaati isaga dambeeyeen.”
Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in dhacii loo gaystay raashinka
mucaawimada ahaa fadeexad fadeexad weyn oo aan dhinacna u
dhaafsanayn xukuumadda, isagoo carrabka ku dhuftay inay ahayd in
xukuumaddu raashinkaas mucaawimada ah gacanta ku qabato oo ay dadkii
loogu talogalay si siman ugu qaybiso.
Md. Rayte waxa uu sheegay in boobku dhacay markii madaxtooyaddu
maamulka raashinkaas u gacangelisay NGO cusub oo sifo qaloocan u
lunsaday raashinka mucaawimada ahaa, balse aanay masuuliyiintii
xilka laga qaaday ee xukuman wax lug ah iyo shaqo ku lahayn maamulka
iyo gacan-ku-haynta deeqdaas.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inay maxkamadda ka hor caddaatay in
raashinka la lunsaday gaadhayo ilaa konton gaadhi, oo meel ay mareen
cid cadayn kartaa aanay jirin, laakiin waxa qudha ee la ogyahay
yahay in raashinkaasi yaalo bakhaarrada magaalada oo guri aan soo
ibsan oo lagu karin uu yar yahay, isla markaana in raashinkaasi
aannu 80% gaadhin dadkii loogu talogalay, masuuliyaddiisana aanay
lahayn badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa, agaasimihii guud ee
Dib-u-dejinta iyo la-taliyihii madaxweyne-ku-xigeenka.
Isagoo Md. Ibraahim sharraxaad ka bixinayey cidda lahayd
masuuliyadda raashinka la lunsaday, waxa uu yidhi; “Raashinkaas ilaa
maalintii dekedda Berbera laga soo rarayey ilaa intii uu Hargeysa
soo gaadhayey waxa gacanta ku hayey ciidanka booliska oo gaadhi
walba askar baa la socotay, sidaa darteed raashinku marna gacanta
dawladda kama bixin. Su’aasha koowaad ee la isweydiinayo waa
raashinka gacanta booliska ku jiray sidee ayuu uga baxay gacanta
dawladda? Waxa maxkamadda ka caddaatay in taliye-ku-xigeenka
booliska iyo ninkii bakhaarka haystay ee xukunka lagu riday ay ilaa
toddoba jeer wadahadleen, isagoo taliye-ku-xigeenka oo markaas
taliyaha ku-meelgaadhka ahaa uu maxkamadda horteeda ka dafiray in
aanay ninkaas wadahadal, iyadoo markii la soo helay inta jeer ay
wadahadleena caddaatay in isaga oo dhaartay uu maxkamadda horteeda
been ka sheegay, taasoo aanay wax natiijo ahi ka iman, sababtoo ah
maxkamadda horteeda haddaad been ku dhaarato waa dambi ka mid ah
dambiyada xeerka ciqaabta, iyadoo garsooruhuna awood u lahaa inuu
tallaabo qaado.
Ta kale ee dhacday waxay ahayd in maalintii u dambaysay ay
xeer-ilaalintu ka noqotay qodobaddii ay markii hore ku soo oogtay ee
lunsiga hantida ahaa, waxayna yidhaahdeen waxba may lunsan iyagu ee
awooddoodii baa laga faa’iidaystay, maxkamaddana kagamay hor caddaan
cidda awoodooda ka faa’iidaysatay iyo sida looga faa’iidaystayba,
xukunkaasna maxkamadda waa loo yeedhiyey oo waa lagu soo
farogeliyey.’
‘Waxaad mooddaaa in waddanka laga xukumo xafiis qudha oo u eg kii
madaxtooyadii Siyaad Barre, taasina dhici mayso oo waddankani
distoor iyo xeerar buu leeyahay, halkanna dimuqraadiyad baa lagaga
dhaqmayaa oo Somaliland laga xukumi maayo xafiis u eg kii
madaxtooyadii Siyaad Barre, waxaanan leeyahay in maxaabiista
shaqsiga u xidhan ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ka mid
yahay sida ugu dhaqsaha badan xorriyadooda loogu soo celiyo. Boqorku
muddo saddex bilood ka badan ayuu maxkamad la’aan u xidhan yahay,
waana caddaalad-darro xorriyaddiisa lagula kacay, sharaftiisa iyo
karaamadiisa lagula kacay.
Saraakiisha xukunku ku dhacay ee ku eedaysnaa musuqa raashinka la
lunsaday waa in xorriyadoodii loo soo celiyo oo magdhaw laga siiyo
wixi lagula kacay, waxaanan goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidaba ugu
baaqayaa inay saaraan guddiyo si madaxbannaan u baadha fadeexaddii
raashinka la musuqay iyo farogelinta lagu sameeyey garsoorka dalka,
ummaddana warbixin ku soo celiyaan oo tallaabo sharci ah ka qaadaan
golayaashu,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaan Rayte.
Sidoo kale, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa isaguna sheegay in
ujeedadii isbeddelka loo doonayey aanay ahayn in Daahir Rayaale la
beddelo, balse qorshihii KULMIYE u dejisnaa iyo dastuurkii uu
samaystay ahaa in wax laga qabto garsoorka, hay’adda shaqaalaha iyo
golaayasha qaranka oo mid waliba waajibkiisa dastuuriga ah iyo
shaqadiisa u madaxbannaan yahay, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay
go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee lagu xukumay
masuuliyiinta ku eedaysnaa musuqmaasuqa.
Waxa kaloo uu Md. Rooble si weyn u dhaliilay hoggaaminta talada
dalka ee Madaxweyne Siilaanyo, isagoo farta ku fiiqay siyaasadda
arrimaha dibedda, heshiisyada xukuumaddu gasho oo uu ku tilmaamay in
aan weli la horkeenin Golaha Wakiillada, ‘Iyadoo ay jiraan heshiisyo
badan oo xukuumaddu gashay muddadii ay talada dalka haysay.”
Xildhibaanku waxa uu tusaale u soo qaatay nabadgelyada dalka ka
jirta oo uu ku sifeeyey inay jiraan mushkiladdu is dul-fuulay oo aan
waxba laga qaban xallintooda, wuxuuna si gaar ah u tibaaxay
muskhiladaha degaanka Kalshaale iyo warshadda sibidhka ee Berbera oo
wax-ka-qabashadoodu dhaafi wayday guddiyo xukuumaddu u saarto.
“Siyaad Barre dadka wuu xidhi jiray, looyarna looma qaban jirin.
Rayaale annagoo KULMIYE ah ayuu na xidhi jiray oo kuwa ka soo
horjeeda ayuu xidhi jiray, muddo dabadeedna wuu soo dayn jiray,
laakiin nimaadka Siilaanyo wuxuu xidhay kuwii ugu dhawaa ee u soo
halgamay. Waynu ogayn sidii loo xidhay badhasaabkii Hargeysa iyo
agaasimihii dib-u-dejinta waxay ahayd fool-xun, waxana ku dhacay
xukun sharci-darro ah, iyadoo ay ahayd in maxkamaddu go’aankeeda ku
salayso 17kii markhaati ee ay dhegaysatay.
Madaxweynaha waxaan leeyahay wixii aynu muddada dheer ku baaqaynay
iyo garsoorkii aynu lahayn waynu hagaajinaynaa oo madaxbannaani buu
helayaa waynu ka baaqsanay oo waxaynu korodhsanay daal, markaa
waxaannu leenahay sharci-darrada iyo caddaalad-darrada ma oggolin.
Madaxweyne waxaa lagaa filayey garsoor iyo caddaalad madaxbannaan
iyo in aad ummaddan taariikh uga tagto. Laba sannadood ayaa lagu
xaqdhawrayey oo aan cid kula hadal; madaxweyne wixii aad
Cabdiraxmaan-tuur baday weli ciddi lagama gaadhin, wixii ay
isbeddel-doonkii ASAD iyo Saleebaan-gaal Ina Cigaal badeen weli
xubin lagama gaadhin, wixii aynu Daahir Rayaale iyo xukuumaddiisii
badnay weli cid lagama gaadhin, markaa madaxweyne maanta ummaddu
hadalkii iyo dhaliishii way bilaabaysaa ee marka lagula hadlo
cabbanaanta iska daa oo saddexda habeenimo ha hadlin oo
mucaaridkaaga ha u jawaabin, waxaana leeyahay hadaad imika is daba
qaban weydi taariikh madow ayaad ka tagaysaa,” ayuu yidhi Md. Siciid
Cilmi.
Geesta kale, waxa uu ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay
Golaha Wakiillada horgeyso siyaasadda ay ka damacsan tahay
wadahadallada Soomaaliya, “Madaxweyne, marka golaha la furo haddaad
horkeeni weydi siyaasaddaada iyo qorshihiina wadahadallada arrimaha
Soomaaliya, waxa loo qaadanayaa oo ummaddu u arki doontaa inaad ku
jirto khimaayo qaran, tallaabadii ku habboonaydna waa lagaa qaadi
doonaa,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray xildhibaan Rooble.
source:Jamhuuriya
|