Qaar Ka Tirsan Salaadiinta Beelaha Waqooyiga Iyo Galbeedka Hargaysa
Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Maayarka Gabiley

"Qof kasta oo wax qabta Taariikhda ayaa xusta, waxaana wanaagsan
Qofku marka uu ka tago meesha, in uu kaga tago Waxqabad" Badhasaabka
Gobolka Gabiley.
Gabiley(TNN)-Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan ayaa
manta Gallinkii danbe ka qa yb-galay Munaasibad lagu gudoonsiinayey
Maayarka Magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji
Gay dh Shahaado Sharaf lagu
maamuusayey Wax-qabadka ay ka samaysay Magaalada Muddadii ay jo
ogtay, taasi oo ay u hibeeyeen Qaar ka tirsan Salaadiinta Beelaha
dega Waqooyiga iyo Galbeedka Hargaysa.
Xafladii lagu gudoonsiinayey Shahaado Sharafta Maayarka Gabiley, oo
ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay
goob-joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cu mar Magan,
Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday oo ka tirsan Salaadiinta Gobolka
Gabiley, Chief Ca aqil Muxumed Faarax (Faaliye Dheere), Caaqil
Maxamed Cabdi Qawdhan, Caaqil C/laahi Aw Nuur, Caaqil Maxamed Xasan
Caynaanshe, Oday Cumar Barkhad Bulaale, Gudoomiyaha Xisbi-Muxaafadka
Kulmiye Ammiin Muuse Xirsi, qaar ka tirsan Madaxda Urrurada Bulshada,
iyo Urrurada Haweenka, iyo waliba Xubno ka tirsan Dhallin-yarada
Gobolka, ayaa lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Deegaanka
Gabiley ee Xarunta Dawlada/hoose.
Furitaankii Xafladan lagu gudoonsiinayey Shahaado-Sharafta waxa ugu
horreyn ka hadlay Badha saabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan oo
si wayn ugu mahad celiyey Salaadiinta iskood isku Xilqaamay ee
Maayarka ku maamuusay Shahaado Sharafta, waxaanu sheegay in uu si
wayn ugu hambalyeynayo Maayarka wax-qabadkan ay samaysay Muddadan ay
joogtay, “Marka hore waxa an aad iyo aad ugu mahad celinayaa
Salaadiintan isa soo xilqaamay ee gartay in ay Maayarka Ga biley
Marwo Khadra Xaaji Gaydh gudoonsiiyaan Shahaado Sharaf ay ku
maamuusayaan Waxqabad ka ay ka samaysay Magaalada muddadii ay
joogtay, Aniga Laftayduna aad iyo aad ayaan ugu ham balyeynayaa
doorkaa ay ka qaadatay horumarinta Degmada. Qof kasta oo wax qabtana
Taariikh da ayaa xusta, waxaana wanaagsan Qofku marka uu ka tago
meesha, in uu kaga tago Waxqabad lagu xasuusto, waanan
hambalyeynayaa”. Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolku Xuseen Cumar Magan.
Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo isagu hogaaminayay raxantan ka midka ah
Salaadiinta Beelaha Waqo oyiga iyo Galbeedka Hargaysa oo Isaguna
halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Shahaadadani uu sam eeyey Shan
bilood ka hor oo uu u qoondeeyey in uu gudoonsiiyo Gudoomiyaha
Golaha Deegaanka Gabiley, “Waxa manta ii farxad ah in aan
Gudoomiyaha Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh aan gudoonsiiyo
Shahaado Sharaftan oo aan sameeyey Shan bilood ka hor, oo aan u
qoondeeyey in aan ku maamuuso markaan arkay Waxqabadkeeda laga soo
sheegayo iyo sida wacan ee ay wax u qabatay, tan iyo muddadaana oo
aan hayey Shahaadadani, Maalinba maalin ayay ii dhiibaysay, waxaanu
Alle qadaray in aan Maanta gudoonsiiyo. Waxaana ku qoran Duco aanu
ugu ducaynayno Maayarka iyo Degmadaba. Gobolkani waa Gobolkaygii Cid
iga xigtaana ma jirto”. Ayuu yidhi Suldaan Xiis Barre Yuusuf.
Waxa Isaguna halkaa ka hadlay Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle oo
sheegay in Wax-qabadkan iyo Gurrigan quruxda badan ee ay dhex
joogaanba aanay Iyagu dhex joogin Magaalada ‘eh ay Warb aahinta kala
socdeen, halkaana ka hambalyeeyeen, waxaanu tilmaamay Suldaanku
hadii sidaa ay ku sii wado Maayarku in ay mutaysan doonto in la
yidhaa Madaxwayne noo noqo, “Waxa na keen ay halkani waa Caashaq,
Caashaqan na keenayna waa Wax-qabadkan laga soo sheegayey Gabiley
iyo Gurrigan Quruxda badan ee aynu dhex joognaba Warbaahinta
ayuunbaanu kala soconay, taas ina waa mid aanaanu ka arag
Magaalooyinka kale oo dhan, Illayn annagu maanu joogine, waanan ku
hambalyeynayaa aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa, waxaan leeyahay
hadii Khadra Xaaji Gaydh halkaa ka sii wado Dadaalkeedaa waxaabay
mutaysan doontaa in la yidhaa Madaxwayne noo noqo”. Ayuu yidhi
Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle.
Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed iyo Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday
oo Iyaguna halkaa ka ha dlay ayaa si wayn ugu mahad celiyey Maamulka
Gobolka iyo ka Degmadaba iyo Shacabka reer Gab iley oo ay ku
hambalyeeyeen sida wacan ee ay ula shaqeeyeen Gudoomiyaha, taasi oo
ay hoosta ka xarriiqeen in aanay waxba qaban kartaan hadaan Madaxda
kale ee Degmada iyo Dadwaynaha Reer Gabileyba dhinacooda ka
badhi-taageerin. Waxaanay ugu duceeyeen in Alle u xoojiyo Dadaa lka
ay wadaan ee ay ku doonayaan in ay ku horumariyaan Gobolkoodan iyo
Degmadoodan . waxaanay ku waaniyeen in aanay ka caajisin ee ay
halkaa ka sii wadaan.
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Amiin
Muuse Xirsi, Chief Caaqil Muxu med Faarax (Faaliye-Dheere), Caaqil
Maxamed Cabdi Qawdhan, Caaqil Maxamed Xasan Caynaans he, Caaqil C/laahi
Aw Nuur, iyo Oday Cumar Barkhad Bullaale, oo dhamaantood si wayn ugu
mahad celiyey Salaadiinta masaafada u soo gashay in ay Shahaado
sharaf gudoonsiiyaan Maayarka Gabil ey oo ay ku tilmaameen in
muddadii Sanad ku dhawaadka ahayd ee ay joogtay ay arkeen Waxqab ad
ay Dawladda hoose ee Gabiley ku tallaabsatay, waxaanay xuseen in
Intii ay joogeen Maayaradii ka horreeyey aan hal Suuli ahna lagu soo
kordhinin Xarrunta Dawladda/Hoose. Waxaanay u soo jeediyeen
Salaadiintani in ay fadhiga ka kacaan oo Deegaanada ay Salaadiinta u
yihiin oo dhan Kor meer joogto ah ku sameeyaan, kuna qiimeeyaan
Deegaan kasta iyo meel kasta waxa ay qabsatay. Kuna abaal siiyaan
Sida Shahaado-Sharaftan oo kale, waxaanay sheegeen in ay ku mahad
san yih iin hawshan ay qabteena.
Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland
|