Kacdoonkii Ardeydii iyo Kacaankii UFFO
Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane”

Febraayo 20,2015
Mareegaha
Farshaxan
Qaybtii 1aad
Waxay tidhi
"Hoogey
Hayaay Cabdi-Qaadir
Hareer qabo awrka” Markuu hayinkeedu
Hagaag isu taagey Ayey tidhi " haakah"
Hebloo gabanteed ah Hilowna basteeda
Malaa u han weynna Karaamadan hiirta
Ku soo hormanaysa Hilmaanina weydey
Wadaadka hoggiisa Ka soo hangallaystay
Siduu ugu hiishey Ayaa tidhi "hooyo
Muxuu horta sheekhu Inoo yahay haybta"?
Waxay tidhi
"heedhe
Hibooy ratigeennu
Markuu hingan waayo Ayaan huriwaaga
Haleel cuskadaaye Habeen ma wadaagno
Haddaan magaciisa Dantaydu higgaadin
Ma soo hadal qaado" Ujeediyo haatan
Nin tiisa u heegan Halyeynimadiisa
Hashiisa ku dheelmay Iddiisa ku hoystey
Inuu hantidayda Habaynta xilkayga
Dhismaa hodankayga Hiddaa sharafkayga
Waxaan nolol haysto Horsed ka ahaado
Ka haayir idhaahdo Ayaa ka hagaagsan
Maansada
Hambaber , Abwaan maxamed IBraahin Warsame “Hadraawi”
1982
|
“Xafiiska
Nabad-Sugida ayaa lagaa doonayaa” ayaa aheyd weedha
dhaga ha aqoonyahan Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane” ku soo
dhacdey.Faras Magaalaha Hargeysa ayuu dhex jibaaxayey
aqoonyahan Axmed Maxamed. Waa maalin Isniin ah xilli ay
cadceedu godkeeda ka soo durugtay oo barqo ku dhawaad ay
aheyd. Taariikhdu waxay ku beegnayd bishii Noofember
2dii, 1981kii.
Waa gu’ tilmaamo gaar
ah ku leh bulshada reer Soomalland. Waa gu’gii dhi
dibada loo taagey ururka SNM. Waa gu’gii uu mudane
Ibraahin Maygaag Sa mater (IHUN) si cad ugu biiray
halganka la dagaalanka dawladii Afweyne,w axaanu iska
casilay xilkii daljire eek a hayey dalka Jarmalka.Waa gu’
taarii kh badan leh.; Waa gu’gii odoyaasha iyo waayeelka
reer Soomaliland ay wa kiiladii dawladii Afweyne si cad
ugu sheegeen inay talada aqoonyahanada ku raacsan
yihiin;Waa gu’gii odayaashu hankooga gobanimo muujiyeen
ee ay u quus gooyeen dawladii aqoonyahanada
dabargoynaysay.
Waa gu’gii odayaashu garab-istaageen aqoonyahanada, una
hiiliyeen.Waa gu’gii aqoonyahanadu taladda dalka iyo
waxqabadkaba u heelanaadeen.Waa gu’gii dawlad hagratey
dalka iyo dadka aan waxqabad laga sugin.Waa gu’gii
ubaxii iyo mustaqbalkii wadanku ku dhiiradey inay
baylah-tiraan hawlaha dawladu dayacdey. Waa gu’
tillmaaman xusuus gaar ahna ku leh dadka inay dalkooga
wax u qabtaan jecel.Waa gu’ wax badan laga baran karo.
Hawlo uu uga baahnaa Faras-Magaalaha Hargeysa ayuu Axmed
Jabane u soo tafaxeytay aroortaa. Maqalkii odhaahdaasi
waxay qayb laxaad leh ka qaadatey inuu hawshuu u socday
soo af-jaro.Waxaa markiiba maankiisa ku soo ururay in
arintani ay raad ku leedahay hawlihii samo-falka ahaa ee
ay ka wadeen dhakhtarka Hargeysa iyo Dugsiyada Hargeysa.
Waxaa kaloo barigaa dhib badani soo gaadhey biriijka (Dalagdalagta)
ay dadku maraaan ee ku taala dooxa Hargeysa Kilaab
agtiisa.Aqoonyahan Axmed Maxamed Jabane wuxuu ka mid
ahaa dadkii kaalin laxaad leh ka geystay in dib loo
dhiso oo ay dadku isticmaali karaan. Hawlaha samo-falka
ee maankiis a ku soo ururay ayey tanina ka mid aheyd.
Wuxuuse maankiisu warcelin uga waayey wanaaga la sa
meeyo dadka waa loogu hiiliyaa ama lagu mahadiyaayee
maxaa keenay Nabad-sugidaa lagaa doona yaa!!!!
Qof kasta oo xilligaa maqla dhawaaqa “Nabad-sugidaa
lagaa doonayaa” waxay u aheyd geeridiisii oo loo
sheegay.Hase yeeshee aqoonyahanadan uu ka mid ahaa Axmed
Jabane geeriduba dhib iyo culays kumay hayn.Waxaa dhib
badan ku hayey baylahaha batey iyo dhaliilaha tiro
beelay ee dalka yaalay.Wuxuu aqoonyahan Axmed Maxamed
Jabane farax iyo raynrayn dareemi jiray, ididiilana gali
jirtay markuu ka qayb qaato hawlaha samo-falka ee
mashruuc dhamaado ku kalena gudagalkiisa la
qorshaysanayo.Waaxay aheyd arinta isku keentay
dhalinyaradan ee hawlgalisay.
Axmed Maxamed Jabane iyo aqoonyahanadii UFFO way
filayeen in dawladu ku soo maqan tahay.Waxay dawladu u
heelaneyd dabar-goynta hawlaha samo-falka ee ay ka
wadeen xarunta caafimaadka iyo dugsiyada sare ee
magaalada Hargeysa. Sidaa darteed waxay dhalintani
diyaar u ahaayeen fal-celin kasta oo dawladii xilligaasi
ka timaada.Markaa Axmed dhawaaqa uu maqlay muu dhibin ee
intuu eegay dhinicii dhawaaqa ayuu u sheegay inuu
iminkaba tagi karo,waanu kaga dhameeyey. Aqoonyahan
Axmed si fiican ayuu u garanayaa ninkan fariinta u soo
gudbiyey,garashana wuu u lahaa, inkastoo aanu la sii
hadalkiisa ku sii raaginba,qiimana aaney u samaynayn.
Mar kaliya ayuu Axmed Jabane hawluhuu u socday ka soo
istaagey,una dhaqaaqey dhinicii xafiiska Nabad-sugida oo
markaa ahaan jiray halka iminka ay tahay wasaarada
dibu-dajintu. Wuxuu Axmed Jabane yimid xafiiskii una
sheegay inay soo gaadhey in xafiiska laga doonayo. Waxaa
loo tilmaamey xafiiska taliyaha. Xilligan waxaa
gudoomiye ka ahaa xarunta Nabad Sugida Xassan Maxamed
Nuur (Shaaati –guduud).
Gudoomiye Shaati-Guduud iyo shaqaalihii kaleba aad bay
ula yaabeen dhiiranaanta Mudane Axmed .Waxaaney
kooxdaasi maankooga ka maaxeysay waydiimaha ahaa
“Miyaanu ogayn danbiga uu galay ciqaabta uu ku mudanayo”?
“Yaa ku yidhi dayactira hawlaha dawladu si badheedh ah u
dayacdey”?
“Kaxeeya oo xidha” ayaa mar kaliya ku soo duulay dhagaha
Mudane Axmed Maxamed Jabane. Xafiiska dhawaaqaasi ka soo
baxey waa Shaati-Guduud oo muujinayey inuu u diran yahay
hawlaha loo igmadey.Talo uu wax ku gooyo iyo arin ka soo
go’day midna ma jirin.Wuxuu talityahaasi raacey sidii
loo hawlgaliyey una fuliyey amarka ka yimid qaybtii
26aad ee Jamhuuriyadii Soomaaliya.Wuxuu ahaa la hayste
aan is-ogayn.Niman buu u dirnaa oo uu u dabranaa.Aqoon
iyo waayo-aragnimana wuu u lahaa hawlo badan.Hankiisaa
hooseeyey oo u dirmayey hilaaca aduunyada.
Kooxdani dhalinyarada
aheyd dadka ay u dagaalamayeen ayuu ka mid ahaa,waanuse
is-ogayn. Wux uu kaalin la wadaagayey dad farabadan.
Isla xilliyadan muddo gaaban ka hor ayaa wafdi ay
dawladii Ina Siyaad Barre(Afweyne) soo dirtay so
gaadheen magaalada Hargeysa. Laba wasiir oo loo soo xul
ay inay ka soo jeedeen dhulka iminka ah Soomaaliland
ayey ahaayeen. Sida Shaati-guduud ayey u du
lmanaayeen.Waana ta keentay in dhalinyaradii UFFO ay u
garaabeen kuna yidhaahdeen: “Waanu ogn ahay inaydaan
dhibta taala dhulka waxba ka qaban kareyn,waxaanuse
idinka codsaneyn aa in aad warbixintaa aanu idin siinay
gaadhsiisaan maamulka idin soo diray”.
Abwaan Cali Sugule (Dun-Carbeed)
oo ka waramayey wafdiyada xilligaa imanayey Hargeysa ee
ka soo jeeday degaanka waa kii lahaa:
Waxay Deeqii tidhi ma
nalkii damay inoo daarayaan
Maxay doonayaan maxay diidadayaan
Dakadii Berberii way dilaacsan tahayee ma daboolayaan
Dugsigii waxbarey iyo dariiqyadii may soo dayeen
Dadkii way bukaanee ma dawey inoo sidaan
Waa Darkii midninmada dunsaheyee
Miyey duub-castiisa dabaalayaan
Darajadu Haddaaney dumbuqaba xukumin
Dable kama adkee maxay doonayaan
Iyagaa dulmanoo talo dawladeed laga dayriyoo loo
doodayee
laba doqon maqaar maxay doomayaan
Waxay Deeqii tidhi duqii baa rartayoo wuu dala’sadayoo
Digdig iyo mashxaradiyo durbaan loo tumay
ka doonayaan dumarkiyo caruurtii ay dubteen
Dadka noocaasi goor walba iyo xilli walba way nool
yihiin,dawlad walbana way ku jiraan.Mar kale ayaa maanso
uu isla xilligaa tiriyey abwaan
Aadan Tarabi uu ku soo qaadey wafdigaa. Waxaanu
abwaanku yidhi:
Taa waxaa ka dhigan ilma
Dhuux ku nool
ilma dhuxul ku raage Dhitadii u tiil haamihii dhaqdhaqe
Af-dhabaandhabyadii dhirkay foofku helay dhaqayeysan
jiray
Labadii dhunkane wali waa dhankii
Dhanaanaatayoo dhuxdhux baa jirtoo way dhahratayoo
Talo dhacantay bay dhirindhirinayaan dhegna looma laha
Laysku jilib dhigyoo runta laysku dhiib looma
dhawrsaninee
Baha dhuux ku nool dhaca baa la yidhi
Dherigii karyoo dhardhaaradii burbure
Dhaantiiyo amaan dhagdhagtii la waa
Dhirkii baa damqadey dhaymo looma helin
Dheri iyo maraa loo kala dhaqdhaqaaq
Sidaa ayuu
Axmed Maxamed Jabane ku
noqday aqoonyahankii ugu horeeyey ee xabsiga loo taxaabe
y kooxda lagu baadi-sooco dhalinyaradii
UFFO.
Bishan Febraayo 20da,2014 ayaa bulshada reer
Soomalailand xusaysaa kacdoonkii ardeyda iyo kaca ankii
dhalinta UFFO. SIdaa darteed ayey margeeta Farshaxan
idinla wadaageysaa taariikh nololeedkii iyo sooyaalkii
halgameed ee mudana Axmed Maxamed Yuusuf kuna magac
dheer Jabane. Maalintani waxay u suntan tahay ardeydii
iyo hooyooyinkii kaalmeystay dhagaxa si ay u
badbaadiyaan aqoony ahanadooda UFFO.
Xus:
-Suldaan Xasan Barre(IHUN)
wuxuu ka mid ahaa hormoodkii kaalin laxaad leh ka geysan
jiray hawlah a ay wadeen kooxda UFFO.Wuxuu Suldaan Xasan
Barre u ahaa garab iyo gaashaan kooxda dhalinyar ada
UFFO.
Mahadnaq:
Waxaanu aad ugu
mahadnaqeynaa dhamaan ardeydii kacdoonka
hogaaminaysey,maamulayaashii dugsiyada sare ee xilligaa
iyo kooxda UFFO oo si hagar la’aaneed uga qayb qaatey
barnaamijyada taariikhda 20ka Febraayo eenu soo
bandhignay ilaa iminka iyo kuwo soo socdaba..
La soco qaybaha danbe
Xigasho:
-Wareysi: Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane”
Bahda Mareegaha Farshaxan
-Wareysi : Axmed Muxumed Madar
Bahda Mareegaha Farshaxan
-Wareysi Maxamed Baaruud
Bahda Mareegaha Farshaxan
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha
Farshaxan
www.farshaxan.com
iyo
www.farshaxan.org
|