1-Gabilayeey Guurti talisiyo, Geesi baan kugu ogaa.
Gabilayeey ,Gafuur cade aan wax tariniyo, Garaad laawaan arkaa
2-Gabilayeey, Gorof buuxa iyo Gadhoodh baan kugu ogaa
Gabilayeey ,Gorofkoo madhiyo, Gaajaan arkaa
3-Gabilayeey ,Garoonkoo Beeraniyo
, Gasiin baan kugu ogaa
Gabilayeey ,Garoonkii mashruucoo gubtiyo, Gontanaamaan arkaa
4-Gabilayeey ,Gamboolay Haween iyo Garaad badan baan ogaa
Gabilayeey, Gadh wadayaal
Haween iyo Guul daraan arkaa
5-Gabilayeey ,Gagadii mash xaradiyo
, Gobol baan kugu ogaa
Gabilayeey , Gaga doo cidliyo
, Gobola’an baan arkaa
7-Gabilayeey, Geesigii Bade iyo
Guushii Xabiib baan ogaa.
Gabilayeey ,Geelle xukunkiisii iyo Gasaar baan arkaa.
8-Gabilayeey ,Golle Dawladnimo iyo Gogol wanaag baan ogaa
Gabilayeey, Gurxan aan la maqal iyo Gadood baan arkaa.
9-Gabilayeey ,Gaadhkii xadkana ,Gaardigiisaan ogaa
Gabilayeey ,gilgikii
Axmaariyo Gujadii
Tigree baan arkaa
10 - Gabilayeey , gurmad heer sariyo Gaashaan baan ogaa
Gabilayeey, Gaashaan dalooliyo, Gudun af daran baan arkaa
11-Gabilayeey, Guhaankii Xaruuriyo
, Gabaygii Timacadaan ogaa
Gabilayeey ,Gaf kaagii horiyo, Gaws qabsi baan arkaa.
|