Caawa oo kale iyo habeenkii Xasuuqa Jasiira

Hargeysa (Longlivesomaliland
News) - Caawa oo ay taariikhdu ahayd 17 Julay 2009, waxa ay ku
beegnayd sannad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay xasu uqii
xeebta Jasiira ee 17 Julay 1989, oo ay
dawladii Maxamed Siyaad Barre dhe gta dhiiga u dartay 47 qof
oo reer Somaliland ah oo xilligaas ku noolaa magaa lada
Muqdisho.
47-kaas qof oo aan waxba galabsan, waxa dawladii Maxamed Siyaad
Barre ku ururisay halka loo yaqaan Xeebta Jasiira, oo lagu
khaarajiyay 46 qof oo dadkaas ka mid ahaa. Mid ka mid ahaa dadkaas
oo ay ciidamadii arxanka darnaa ee xasuuqa sameeyay u haysteen inuu
geeriyooday ayaa ka badbaaday. Dadkaas sababta lagu laayay waxay
ahayd oo keliya qabiilka ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen ee Isaaqa.
Haddaba, waxa habeenkaas Magaalada Muqdisho ku sugnaa Dr.
Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo xiligaas ahaa Suxufi ka tirsan
laanta afka Somaliga ee BBC-da, haddana ah murashaxa madaxweyne ku
xigeen ee xisbiga UCID. Dr. Maxamed-Rashiid waxa uu wakhtigas
Muqdisho u tagay inuu kaga qayb galo shir caalami ah oo halkaas ka
socday iyo inuu ka soo tabiyo wixii warar ah ee ku saabsan xaaladii
Somaliya ee cakirnayd.
Dr. Maxamed-Rashiid, waxa uu markii xasuuqu dhacay ka dib magaalada
Muqdisho kaga baxay si qarsoodi ah, maadaama ciidamadii ammaanka ee
Siyaad Barre raadinayeen, iyada oo lagu eedaynayay inuu ka soo
horjeedo rajiimkaas, waxaanu magaalada ka baxay subaxnimadii ku
xigtay habeenkii xasuuqu dhacay.
Haddaba, wargeyska Geeska Afrika, ayaa Dr. Maxamed-Rashiid oo hadda
ku sugan Hargeysa sannadkii 2007 ka waraystay dhacdadaas foosha xun
ee ay gaysatay dawladii Siyaad Barre. Waxaanan cadadkan maanta
akhristayaasha ugu soo gudbinaynaa xog warankii Maxamed-Rashiid
Sheekh Xasan.
Ugu horayn waxa uu Geeska Afrika Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan
weydiiyay su’aal ahayd
Xog waran naga sii Xasuuqaas Xeebta Jasiira, adiga oo xilligaas ahaa
Suxufi ka tirsan BBC-da oo Muqdisho ku sugnaa?, waxaanu ku jawaabay
“Horta inaynu maalintaas xasuusano oo xusnaa waxay inaga mudantahay
qadarin, waayo dad badan oo dhallinyaro ah ayaan la socon
taariikhdaas. Xasuuqaasi waxa uu ku yimid arrimo badan oo ka
horeeyay. Waxa jiray laba arrimood oo kala ah Dawladii Siyaad Barre
oo markaas doonaysay inay xukunka sii hayso iyo dadkii doonayay inay
ridaan oo ay hormood ka ahayd Jabhadii SNM. Siyaad Barre waxa uu
isticmaalayay hababka kelitaliyayaasha sida inaan la iska warqabin.
Markaas anigu habeenkaas oo ahayd 14 July 1989, waxaan joogay
Muqdisho. Waxay ahayd markii ugu horaysay ee nidaamkii Maxamed
Siyaad Barre Muqdisho lagaga kaco ee Mudaharaad lagu soo qaado. Waxa
uu Mudaharaadkaasi socday toddobaad, waxaanu ka soo kacay markii ugu
horaysay dhinaca Masaajidada, waayo kelitalisnimadiisii waxay
taabatay Diinta, Sidaas darteed ayay Ehlu diinku si gaar ah uga
damqanayeen. Markii dadkii kaceen, waxa uu kala hortagay quwad,
waxaanu adeegsaday koofiyad casta oo isaga (Siyaad) si gaar ah uga
amar qaadanayay.
Markii mudaharaadkaasi dhacay, waxa ay dawladii Siyaad Barre
mudaharaadkaas saldhiga uga dhigtay dagaalkii ka socday Somaliland
ee SNM hoggaaminaysay. Markii uu arkay in dagaalkii lagaga
guulaystay ayuu isticmaalay inuu dadkaas si gaar ah ula soo baxo oo
uu cabudhiyo, waxaanu si gaar ah yoolka u saaray dadka ka soo jeeda
Somaliland weliba kuwa Isaaqa ah. Waxa la raadsaday guryahoodii,
dabadeedna waxa la yidhi dhallinyarada da’daas ah ee aad guryahaas
ku aragtaan soo ururiya, dabadeedna habeen madow ayaa gawaadhi lagu
qaaday, halkaas ayaana lagu xasuuqay. Eebe amarkiisa qof ay aaseen
oo ay u haysteen inuu dhintay ayaa xasuuqaas ka soo badbaaday oo
umadii soo gaadhsiiyay wixii dhacay.
Anigu markaas waxaan ka tirsanaa BBC-da waxaanan Muqdisho ka dirayay
warbixino, oo waxaan Muqdisho kaga qayb galay shir caalami ah oo ka
dhacay. Dawladda Maxamed Siyaad Barre aniga xilligaas way I
raadinaysay, waayo waxa ay xog ku haysay inaan ka mid ahay dadka ka
soo horjeeda. Nin aanu saaxiib nahay ayaa habeenkii xasuuqu dhacay
Telefoon ii soo diray waxaanu igu yidhi ‘Laba arrimood ayaan kuu
sheegayaa, midi waxa weeye in dawladu adiga (Dr. Maxamed-rashiid) ku
raadinayso ee haddii aad ka bixi karayso si dhaqso ah uga bax
magaalada. Midda labaadna waxa weeye waxa la xasuuqay dad reer
Somaliland ah. Markaas warkaas ayaa jira ee raadso.’
Warkii ayaan xaqiiqadisii raadiyay, markii aan helayna waxay ila
noqotay inaanan warka warqad ku qorin, sababtoo ah maadaama dawladu
I raadinayso waxaan is idhi haddii aad warqad iyo qallin ku qorto
arrintu way ka sii darnaanaysaa, markaas warkii maskaxda ayaan ku
qabsaday, diyaaradiina waxa ii soo diyaariyay dad aanu asxaab ahayn,
waxaanan magaaladii ka baxay markii dadkaas reer Somaliland xalay oo
kale la dilay. Diyaaradii u horaysay ayaan ka raacay Muqdisho,
Frankfort (Jarmalka) ayaan BBC-da kala hadlay, waxaana la igu yidhi
‘Warkaas (Xasuuqa) waa la raadinayaa ee diyaaradda ugu soo horaysay
ka soo raac Frankfort, waxaana Madaarka London ee Heathrow kugu
sugaya gaadhi BBC-du leedahay, sidaad u soo socotana waxaad
imanaysaa xarunta BBC-da ee Bush House.’
Sidaad la socoto, reer galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyay waxa ay
la socdeen Siyaad Barre, waayo waa kuwii yidhi Ruushka ka saar
Somaliya ee uu isna ka saaray, haddana ururada xuquuqal insaanka iyo
diblomaasiyiinta dunidu waxay ogaayeen inuu Siyaad gacmaha dhiig
kula jiro, waxase la raadinayay wax xaqiiqo ah, markaas waxa la
doonayay wax xaqiiqadaas ka warama. Sidaas darteed ayay BBC-du
garatay in warka aan sidaa uu yahay warka dunida ugu mihiimsan ee uu
caalamku markaas u baahnaa.
Waxa aan Madaarka ka soo baxay iyada oo gabadhii BBC-da qaybta
Somaliga haysatay igu sugayso kadinka madaarka, waxaanay igu tidhi
‘Waxa warkaaga sugaysa Idaacada oo dhan sida Ingiriisida, Carabiga
iyo Sawaxaliga iyo Somaliga, waayo waa war la wada raadinayo.’
Waxaan ku idhi warkii madaxa ayaan ku sidaa waxaanay tidhi ‘Haye;
gal barnaamijka BBC-da ka baxa ee 24 hours.’ Waanan ka waramay
warkii, dadka Somalida ahina waxay ogaadeen markii uu warkii ka
baxay laanta Afka Somaliga.’
Arrintaasi waxay ahayd arrin taariikhi ah, waxaanu warkaasi keenay
inuu Siyaad Barre ka baaqdo shir Midowga Afrika ku lahaa Addis
Ababa, waxaana markaas la ogaaday oo ay xiitaa Madaxdii reer
Somaliland ee dawlada Siyaad ku jirtay dareentay in aqalkii ku
dumayo oo way ka soo baxeen.
Dhacdadaas uu 47-ka qof Siyaad Barre ku dilay ee uu qarin kari
waayay, waxaan odhan karaa waxay ahayd waxyaabihii ugu waaweynaa ee
dedejiyay inuu meesha ka baxo.”
Maxamed Rashiid oo la weydiiyay su’aal ahayd Digtoore, markii adiga
oo Muqdisho ku sugan aad warkan xasuuqa maqashay ee haddana aad
maqashay in adigiina lagu raadinayo maxaad dareentay?, waxa uu yidhi
“Markaan runta kuu sheego anigu ismaan lahayn waad ka bixi karaysaa
oo diyaaradda waad raaci karaysaa, laakiin dad reer Somaliland ah oo
ay ku jireen rag aanu saaxiibo nahay oo uu ka mid ahaa Marxuum
Ibrahim, ayaa mahadda ugu weyn iska lahaa. Sidii Muqdisho la iiga
soo saari lahaa waxa uu la kaashaday dad kale oo reer Somaliland ah,
waxaana lagu guntaday sidii magaalada la iiga saari lahaa.”
Dhinaca kale, Jamaal Xuseen Muxumed oo dadka qaabkan arxan daradda
ah loo xasuuqay ay ku jireen Todoba ruux oo qoyskiisa ahaa oo uu ku
jiro Aabihii ayaa waxa uu ugu baaqay hay’adaha xuquuqda aadamaha,
kuwa qaramada midoobay, garyaqaanadda iyo xeerbeegtida u
dhaqdhaqaaqda daba-galka dhagar-qabayaasha iyo guud ahaan waddamada
yurub iyo maraykan oo xubnihii falkan ugu gabaday shaadhka dawladdii
bahalka ahayd ee Siyaad Barre ee masuulka ka ahaa qaarkood joogaan
dalalkooda maxkamad la soo taago. “waxaanu iyagana ka codsanaynaa
dawaladaha waawayn ee daneeya ama sheegta dimuqraadiyada sida
Midawga Yurub iyo Woqooyiga Ameerica ee ay ku sugan yihiin dhagar
qabayaashii siyaad barre dimuqraadiyadiinu ma waxay noqotay inaad
dalalkiina u ogolaataan oo ay ku noolaadaan oo waliba aad wax ku
siisaan. Shakhsiyadihii ama xubnihii taliskii Barre ee xasuuqa iyo
gumaadka u gaystay shacabkan Somaliland . Inaad dalalkiina dajisaan
halkii maxkamad caalamiya ka soo taagi lahaydeen” Ayuu yidhi Jamaal
waxaana uu beesha caalamku ka codsaday in Xasuuqa lagula kacay reer
Somaliland loo tixgeliyo oo ay la mid noqdaan xasuuqyadda ka dhacay
caalamka sida midkii ka dhacay Bosnia iyo Ruwanda in dambiilayaasha
geystay mar ay noqotaba caddaaladda la hor keeno.
Source:
www.geeska.net
|