ANIGAA ISKA KIIN OG

 


 

Golaha Murtida iyo madadaalada (Tiyaatarka)-waa sidii loo yiqiine-ee magaalada  Harg eysa ayey ahayd xilli cadaadiska iyo cabudhisku aad u weynaa oo diidmada lagala  hor jeedo kelitaliskii Kacaankii xoogga ku haystay dalkii Soomaaliya ay cirka isku  shareert ay. Waxa khudbad la sara kacay Jeneraal Gaanni oo ahaa taliyii qaybtii 26aad ee  xoo gga dalka soomaaliyeed. Dadweyne aad u tiro badan oo cabsiyi keentay baa buux  dha afiyey Tiyaatarka.

Jeneraalku wuxu ka mid ahaa ragga dalka ugu awoodda badan. Wuu ka wood badnaa ragga dhiggiisa ah ee qaybaha tan la midka ah ka taliya. Awooddiisu aad bay uga  sarr aysay jagada uu hayo. Markuu khudbadda bilaabay ayaa sacab iyo durbaan lala  sara kacay. Durbaankii iyo sacabkii baa joogsan waayey. Intuu samada ka qayliyey buu yidhi, “Joojiya!!, Anigaa Iska kiin og”.

Dad badani waxay u qaateen inuu sikhraansan yahay hayeeshee arrintu intaa way ka qoto dheerayd. Wuxu ogaa wuxuu sameeyey falceliska ka iman karaa inaanu ahayn  s acab, durbaan iyo soo dhoweyn. Runtii bay ahayd oo isaga ayaa iska ogaa. Garasho  k ama madhnayn laakiin, falka uu sameeyeyna ma ahayn mid aqoondarro u gaysay balse wuxu ahaa mid badheedh uu u sameeyey. Wuxu ogaa halka uu bulshada ka taagan  y ahay.

Waayahan dambe ee siyaasaddu sii murugtay meel kastaba ha la joogee waxa loo baa hnaa inay rag badani sidiisa iska keen ogaadaan. Nasiibdarradoodu waa hadday  saca bka rumaystaan, sacabka salka ku haya danaha gaarka ah, maalin dagaalka iyo mijinta qaadka ah. Garasha xumidoodu waa hadday eegi waayaan inay sacabkan mutaysteen iyo inkale. Doqonniimadoodu waa hadday garan waayaan in sacabku iyaga u dhacayo iyo inuu dhaafsiisan yahay.

Hadday miisaanka naftooda iyo culayska qofnimadooda  ga ran waayaan waxa dhacay sa in sacabku kala joogsan waayo, hadduu joogsan waayana maxaa xigaya?

 

 

 

Xasan C. Madar