waa quruun dhaniyo
kumaan qofoo
kala qaybsanoo
qaarba noocyihiin
*****
waa quruun dhanoo
qoobadaa ilaah
qaadir siiyay iyo
qaybtay dagaan
qalibigaba ku hayn
*****
waa quruun dhanoo
wadda qoodh ahoo
qaalimada didshoo
qalaacadda ku dila..........................qalaaco xaga
awrtuun ka daya hadaad igu dhaantaan
*****
waa qoon dhanoo
qalladkii horiyo
qadafkay galeen
qalbigaba ku hayn
*****
waa qoon dhanoo
waxay quudayaan
intay qaadhsadeen
qolqol-lada ku xidha
*****
waa qoon dhanoo
is qaniinsanoo
qool iyo mareeg
isu dhiga qodxa
*****
waa qoon dhanoo
qaran doonayoo
qabiil iyoo xunkii
qalbiyada ku sida
*****
waa qoon dhanoo
qushi wada ahoo
xilka qabashadii
nina qira ku hayn
*****
waa qoon dhanoo
qarax miino iyo
jalaafaa qubkood
isku wada qiroo
qarqarsiya ninkood
*****
waa qoon dhanoo
qalqalooca iyo
laaluush qariban
qandiyada ku sida
*****
waa qoon dhanoo
il qarsoonidiyo
xanta wada qastoo
qosolkana ku dara
*****
waa qoon dhanoo
ballo qaadatoo
quudkii jinkiyo
qaadkiyo barjaha
qarash galiya oo
qasnadaa camiran
qollo kale u rara
*****
aan kuu kale qoree
kuman kuman u qabo
kuman qaawanoon
qaydsare lahayn
*****
kuman qaxoo
qaaradaa aduun
dawarsiga ku quban
kuman qolof dhacoo
diftu qalatyoo
ishu qabanahayn
*****
iyo kuman qaracan
qalqaloocsamoo
qawlkiiba xidhay
kuman wali qalayl
qorigii sitoo
qayrkood higsada
*****
iyo kuman qusuur
ku qaxweeya oo
quraac subag leh iyo
qaddo wacan ku cuna
*****
kuman qarafsadoo
daasad qaata oo
qaybtiyo xaqood
lagu qowlaloo
quful lagu jabsaday
*****
iyo kuman qunbaha
qadaar buuxsadoo...............qadaar waad garanaysaan
baan filaya]
haamaha qotama
qasanadaha gashaday
*****
kuman qurus aduun
qaadir siiyayo
qaybtiyo filkood
ogoon quudiyo
ceebi qabanhay
*****
kuman quudhsigiyo
qarqarsiga abiid
ka qatoobinoo
qaysaraanta jecel
*****
kuman wali qamuun
qoortuun luloo
quduradiyo la yaab
qaadan waayay oo
ka qashdhaca hankood
*****
qardajeexa kuman
qoor kale maroo
tallo qabanqabkeed
ku qabowdayoo
teenaba qawada
*****
kumanaan qas iyo
qandaraas sitoo
qoon kale warkood
qiilkow horkaca
*****
iyo kuman qarwoo
dhufaysyada qotoo
qarni hore halkii
qamadidda xasuus
qalax joga wali
*****
iyo kuman qaldhaba
iyo kuman qarsadda
iyo kuman qaldama
iyo kuman qudhoo
amar qaata oo
*****
qalaaddaa sidii.........................qalaad orgiga
qayladiisa
qayladuun wadoo
qabqabtay yaqaan
*****
kuman quustayoo
qalwaduun gallo
qiiq foox shitoo
quraan kuun akhriya
*****
kumanaam qofoo
kala qaabadoo
qumanuhu dhamaan
qoortowgu jiro
*****
kuu qeexayoo
kuu kal qalee
aan soo qobtolo
ido qaawan baa
riyo qoonsadoo
ka qashaafayee
qudh u fiirso taa
*****
qallad kuma hadline
markay qawlayaan
waa qoonka kali
is qaadqaade ee
*****
quruumaha dhamaan
inay qurux sidaan
qubanaha ka dara
isu qabe qof ihi
uma qabe hor joog
*****
qaadirkeena wayn
kibir kaadan waa
noloshaan qiyaas
qorshe lagu salayn
habna loo qormayn
qabyo weeye abid
*****
joogto qabatinkeed
qabri baa ka dhaw
qoraxdii dhacdana
qoonyahow annuu
qoomamaan ahoo
qiiraan mutaa
*****
waxaan quudayaa
inaad qaran jiriyo
......................................inta
ogaan baan u baneeyay inaan ku xidho inta baarlamanka la
furayo mahadsanid
|