Ururka Hal-Abuurka Somaliland jiiftan waxa aan ugu magac daray Hal-Abuur

 


Waxaan dhamaan idinku samaya salaanta muslinka meel aad kala joogtaanba rag iyo  du marba.Waxa kale oo salaamaya shaqaalaha shabakada LongLiveSomaliland sida ay  dad keeda ugu hagar baxday iyo akhristayaashaba.

Maansadan waxa aan kaga hadlaya Hal-Abuurka inta karaankay ah,  iyada oo aanan Ab waan ahayn , hadana isku daygaygu waxa uu keenay intan, waxa ay soo baxday 1-1-10 sanadkan (Miilaadiga ah)

 

 

 

Hal-abuurku waa door
waa hibo ilaahay
dadka qaar u hidiyo
hayb iyo qabiil ma leh

******

Hal-abuurku waa door
garashada hogediyo
hoobayda luuqdiyo
maansooyin hidiyoo
heesaha macaanee
codka lagu hadaaqee
hoobal uu farshaxanimo
habsami u qaadee
muusig lagu hanaanshuu
hal-abuur yaqaana

******

midhahana hibeeyoo
ka higaadi maankiyo
xiisaha halkiisoo
waa hadiyad qaaliya

******

hal-abuurku waa door
waayaha hiraayiyo
humaagya u muuqdoo
dadka oon hadaynbu
hibashada tusaayoo

******

waa hormoodka shacabkiyo
haatuf aan la arago
ku hagoogta dhiilada
hayaydiyo qayladda
bal u hado hawiyo bari

******

salaan hadaladiisii......................salaan carabay
sowkii hal gabayeed
hakiyaay intu yidhi
heshiis lagu ahaadee
nabad lagu halaanhalay
waa hidiyo farax
samo haadiskaa jira

******

hal-abuurku waa door
hantaaqada jacayl iyo
hibashada kalgacalkee
nimuu helay u taahiyo
xiisaha hankow dhaca
waa kuwa hibeeyee
gaawaha u haystee
intu daro hadhuubada
dadka hoo yidhaahdee

******

laba kala hagaagiyo
laba aan ku hiilayn
hoo dhama yidhaaddee
haasaawe dhaliyee
aqal hiradle taagaa

******

hal-abuur amaantii
ha,adda kuma dhameeyoo
gabay kuma helaayee
hal abuurku waa door
hootadiisa qaatoo
cadow halis ahaadiyo
gumaystaha hor joogoo
habrashadu ka dheertahay

******

waa habow tilmaamaha
hoga lagu dhacaayiyo
haadaanta sheegee
halaqiyo goodkiyo
halistaba u faytee
u hayaay dhawaaqee
hojiyaayda odhan kara

******

ha-abuurku waa door
hanaqaadka guushiyo
danta haybinteedaba
cidi uga horaynoo
isagaa halowsiga
nafta haysan karinoo
xil buu hoos u dayayaa

******

hal-abuurku waa door
waa barre hadoodilan
aqoon aan hadhaynoo
hadba waayo joogtoo
tiraab lagu hal-beegaa

******

hal-abuurku waa door
waa gaadh dab haystoo
maalintii hadh-galinoo
habeen seexanaynoo
inta hogo-tusaaliyo
guubaabo huriyoo
halka ay ka dhawdahay
hadba hurin ku saaroo
guutooyin hawl gala
hada-hada ku heli kara

******

hal-abuurku waa door
dhaqan laga helaayoo
hidihii awow buu
huwadaa dhankiisoo
hayb uu lahaabuu
qof-aan helin tusaayoo
ummad buu hor kacaya
maahmaah horaa tidhi
hadduu maago geeluba
hasha tii da.a wayn iyo
duqbaa lagu hagaajaa..

******

hal-abuurku waa door
haakah raaxo odhannoo
isagoo helaayuu
inta howsha guud iyo
geediga hayaanka ah
hir-caleenle jecel yahay
inu qaado hilinkoo
dhul habaasle lagu furin

******

hal-abuurku waa door
daacadow hamiyayoo
hakad galin wanaagoo
dulmanaha u hiishoo
sida loo hagranayiyo
hadimada ka diga oo
cidna hayb ku raacayn

******

hal-abuurku waa door
wa hadhac qabow iyo
geed lagu hirtaayoo
la hareero joogaa
waa hogo da,aysiyo
fadadkoo is haystiyo
mayay iyo hilaac iyo
onkod howda gurayoo
dhagtu haysan waydiyo
heegadiyo daruurtiyo
mahiigaan han-qadhayiyo
dhool soo hiraayoo
hinqashada la wada sugo

******

hal-abuurku waa kaa
intaan helay intaan haday
halkan waan ka sheegee
kamaalow hubaalee
jamaalow halkii dhiman
hor alle ku geeraar
muusaw habkaagii
adna hadal na deeqsii
faysalow bal haybtaa........bahda ha-abuur baan leeyahay
hal-abuur wuxuu yahay
hooygeena soo gali
hubantina ku maansood.............

 



Dhamaad hadaan wax gafay waa shaydaan iyo naftayda, hadaan saxayna ilaah baa mah adi u sugantahay,ilaahay hayna ilaliyo if iyo aakhiro labadaba.

 

 

Mowlid Aden (Qolqol)