JAWAAB MAQAALKII
SANWAA CUMAR YARE EE AHAA WAX A ANU QAB ANAY WIXII
MARXUUM CIGAAL ALAA YARXAMUH QABAN KARI WAAYAY
Abwaan
Siciid Cabdi Dheen
MR
SANWAA SAAXIIB SALAAN QIIMO BADAN MARKA HORE
Waxaan akhriyay
maqaalaad qortay kaas aad ku taageersanayd xisbigaaga
aad ka tirsan tahay ee UDUB.
ANIGU had iyo jeer waxaan jecelahay inaan dhexdhexaad
ahaado run ahaana Waxaan til m aama wixii xaqiiq
ee danta somaliland ku jirto.
Waa xaqiiq in mudane
madaxwayne daahir riyaale qabtay waxyaabo la sheegi karo
waa na xaqiiq sidoo kale in qabyo badan jirto ,kuwaas oo
u baahan in wax laga qabto.
Waan tilmaami karaa in waxyaabo badan dawladu aanay
awood u lahayn , marka la qiime eyo dhinaca
dhaqaalaha dalka oo ah mid aan aad u LIITA.
DHaqaala yariduna
maaha mid aynu mudane madaxwayne daahir riyaale ku
eedayn karno ama ku dhaleecayn karno.
Anoo intaasba
AQOONSAN iyo qaar kaloo badan ayaan hadana saluugay
tacbiirkaaga aad ka bixisay qodobada qaarkood.
Waxaan odhan karaa adoo iga raaliya [ saaxiib
qoraalkaagu waa mid xaqiiqda ka fog ].
Dood wadaaga iyo afkaarta iyo tallo wadaagu waa inoo
asal hadaynu nahay reer somalila nd , hadii afkaar
la is waydaarsadana macnaheedu maaha WAYNU FICILTAMAYNAA,
balse xaqiiqdu waxay tahay ayadoon turxaan lahayn ayaynu
hadalka GOOGOOSAN KARNAA.
Qodobada aad tilmaan waxa ka mida
SAXAAFADA OO XOR AH, waxaad ka dhigatay in waq
tigii cigaal saxaafadu aanay xor ahayn.
Waxaan xasuusta 1994
markaan hargaysa tagay in saxaafadu xor ahayd oo waliba
dhawr jariidood ay soo bixi jireen,waxa ka mid ahaa
Jamhuuriya oo muxaafid ahayd ,waxa ka mid ahayd Iftin oo
mucaarid ahayd.
Waqtigii Cigaal alaa
yarxamuh may jirin cid la xidhay oo dhinaca saxaafada ka
mid ahaa.
SANWAA saaxiiib taasi miyaanay markaa ahayn in aad
qarinayso LIB uu lahaa alaa yarx amuh
MADAXWAYNIHII HORE ee somalilanda mudane marxuum maxamed
xaaji ibraahim cigaal.
WAXBA YAANU XEERKAY IMARIN XOOLANA ISIINE
XAASHEE NIN LIBIN KAA XISDIYAY XUMIHII WAA YAABE
Hadaan barbar dhigo waqtigan aad
amaantay ee aad saxaafada guusha siisay.
-Imisa goor ayaa la
xidhay rag saxaafada ku jira?
-Imisa goor ayaa digniin la siiyay suxufiyiin badan oo
dalka jooga?
-Miyaan la soo saarin qaanuun iyo habdhaqan ay raacaan
suxufiyiintu, oo aan maamulku fara galin wayn ku samayn
habkii xoriyatul qawlka.
-Marka ma odhan karaa waqtigan
SAXAAFADU waa xor?
Waxaad tidhi waqtigii Cigaal
siyaasiyiintu may hadli jirin xoriyadna ma haysan
Taasina ma aha mid
aan kula qabo, ee waqtigii marxuum cigaal alla yarxamuh
siyaasiyiintu way hadli jireen cidna afka may qaban
jirin.Balse waqtigan aad adigu amaantay ee xisbiga
agu talada hayo ayaa siyaasiyiinta xadhig loogu hanjabaa,
MAYD MAXAA UGU DANBEEYAY , KAA LA
SII SIDO.
Maxamed Xaashi ayay ahayd
marii dhawaan loo hanjabaayay ee xadhiga lala rabay mudo
ka hor ayay ahayd markii mujaahid
Muuse Biixi xadhig lala rabay ,DARAWALKII
marwada madaxwaynaha marwo Huda Barkhad ala ha
daayee.ayay ahayd markii la xidhay darawalkeedi,
aaydoo lagu eedeeyay inuu hadalo aan la garwaaqsan ku
hadlay, mudana waa kii xidhnaa.Waxa kaliya ee ragan
xadhiga loola maagayna waa [maxay
sidaa ugu hadlayaan]
Qodobka kale ee aad magacawday waa xuduudaha oo la
gaadhay maamulkuna soo sugay nabad galyadooda.
-Taasi uma baahna tafaasiil badan , waayo xuduudka
somaliland lama gaadhin
walina lama soo afjarin
-DHinaca beelaha
warsangaliga wax yar baa la dhaafay ceerigaabo
-DHinaca beelaha
soolna wali lama gaadhin halkii xuduudu ahayd
-Ta aad tidhi amniga
ayaa la sugayna dee saaxiib hadaanad indhaha ka lalinayn
sawtan laascaanood oo maamulku joogo QARAXYADU KA
SOCDAAN.
-Tiraba 5 sarkaal iyo
ciidamo badan oo milatri iyo polica ayaa lagu
gumaaday.ilaa imikana dadku way CABSANAYAAN oo wadnaha
ayay farta ku hayaan.
QABYAALADA ayaad magacawday in maamulka udub dabar
gooyay.
Qabyaaladu miyaanay saaxiib ahayn tan maanta laga
dhigtay wax caadiya oo aan waliba cidna la gaban.QABIIL
KASTA waxay asxaabta dalka ka jiraa la galaan gogortan
siyaasde ed,waxaanay ka iibsadaan codkooda iyo foodkooda
ayagoo ugu badala mansab
iyo wasiir ayaanu idin
siinaynaa ama gobol ayaanu
idiin magacaabaynaa ama degmo.Filimaayo in ay tahay wax
kugu cusub
In laba wiig ka hore ay Beel
waliba MADAXWAYNAHA
isku hayb yihiin ay madaxtooyada joogeen shirna la
qaateen madaxwaynaha.
Muhimada ugu wayn ee beeluhu SHIRARKAN GAARKA AH ula
qaataan maamulka talada haya waa shay la iska fahmi karo
oon sharaxaad badan u baahnayn.sawtan maalin kasta la
soo bandhigaayo in reer hebel KU BIIRAY xisbiga A asagoo
ka baxay xisbiga B.
Waxaaba aniga ila qumanayd adigoo yidhaa
MAAMULKA UDUB
wuxuu casriyeeyay qabyaa
ladii waxaanu ka dhigay mid loo isticmaalo
siyaasada.
Sidoo kale waqti ka hor ayay ahayd markiii xisbiga
KULMIYE hal beel kaliya kula shiray GA
R,ADAG.Xibiga UCID badiyaa lama arko asagoo beelo la
qaata shirar gaara, balse waxa had iyo jeer la shegaa in
xisbiga UCID shir lagalay ardayda jaamacadaha. ama
ururka haw eenka, ama degmo iyo magaalo shucuub kala
duwani dagan tahay.
Waanan fahmi karaa
inay dadaalkoodu yahay in ay ka dheeraadaan NIDAAMKA
BEELAYS AN .Runtiina hogaanka ucid
mudane faysal cali waraabe waxaan odhan karaa waa
nin ku dhaw habdhaqanka dimuquraadiga iyo cadaalada.
GABAGABDII
saaxiib sanwaaa waa hubaaL inay jiraan waxqabad badan oo
maamulka talada hayaa qab tay, laakiin sheeg oo
soo bandhig KUWAY YIHIIN.Waa xaqiiq inaad heli karayso
guulo badan oo aad mudane madaxwayne daahir riyaale ku
sharafto, balse garo kuway yihiin .
Allaa yarxamuh madaxwaynihii hore ee somaliland
MARXUUM MAXAMED X IBARAAHIM
CI GAAL, sidaan qabo waxa
fiican in looo duceeyo iilkana uu ku jiifo nabadgalyo .Wanaag
mo oyee kolay anigu ma jecli in maanta saaxada siyaasada
in lagu qaadaa dhigo ama la barb ar dhigo siyaasiyiin
hada nool oo ifka jooga.
ALLAA YARXAMUH MARXUUM maxamed x
ibraahim cigaal ha la daayo ODAYGA QABRIGII
SA NABAD HA KU HURDEE una duceeya [
eeebaw janada u waasici inta liibaantayna ka yeel ayaan
leeyahay]
Wabilaahi tawfiiq
Abwaan
Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK |
|