Aqoonayahan Somali ah Oo La Siiyey Abaal-gud “AWARD” Weyn Oo Dhanka Baananka ah.



 

London (TNN)-Aqoonyahanka weyn ee Jamaal Cali Xuseen oo u shaqeeya Baanka weyn ee Caalamiga ah ee City Bank ee laga leeyahay wadanka Maraykanka, ayaa ku guulaystay "Banking Award" oo ah abaal marin dhanka baananka ah.

Abaal-marintaasina waxa uu aqoonyahankani ku mutaystay kadib markii Baankii uu maamulaayey  qaybtii sa wadamada Tanzania iyo Ivory Coast uu noqday ka ugu tayo fiicnaaday uguna macaashka batay.

Waa markii labaad ee isla sannadkan 2010-ka gudihiisa la guddoonsiiyo abaal-marintaasi (Award), taasi oo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku kasbaday Baankii uu isagu hoggaaminayey oo noqday Baanka ugu fiican “Besta Bank” iyo waliba “Best Investment Bank”.

Hadaba xaflad ballaadhan oo si weyn loo soo agaasimay ilyartuna isqabatay oo ka dhacday hotelka weyn ee Hilton Hotel ee magaalada London ayaa 8-dii bishan December lagu guddoonsiiyey abaal-marintaasi aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Xafladddan oo ahayd mid heerkeedu aad u sarreeyey ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Jariiradda caanka ah ee la yidhaa EMEA Finance oo wax ka qorta arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda ee wadamada Europe, Middle East iyo Wadamada Africa.

Hadaba xafladdan oo loogu magac daray “African Banking Awards Dinner 2010” ayaa ah mid sannadkiiba mar la qabto, waxaana kasoo qayb galay madaxda caalamka ee dhinacyada Baananka, Dhaqaalaha, Diblo maasiyadda iyo madax ka tirsan dawladaha qaar.

Madashaasi oo wadamo kala jaad ah Baanan waaweyn lagu guddoonsiiyey 25 Abaal-gud (Award),  Aqoon yahan Jamaal Cali 3 (Saddex) ayuu u kacay, isagoo metalaaya Baanka Caalamiga ah ee City Bank iyo  wad amadii uu madaxda uga ahaa sannadkaasi 2010-ka ee Ivory Coast iyo Tanzania.

Guushaasi uu soo hooyey Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa ay yididiilo ku abuuraysaa dhammaan  Afr ikaanka, Soomaalida iyo gaar ahaan reer Somaliland oo Aqoonyahanku asal ahaan kasoo jeedo.

Maaha markii ugu horeysay ee Aqoonyahan Jamaal ku guulaysto ama uu helo abaal-marintan, balse tan oo kale waxa uu helay sannadkii kan ka horreeyey ee 2009-ka.


Hadaba Aqoonayahan Jamaal Cali Xuseen oo dhanka kalena ah Abwaan hibo Ilaahay u siiyey curinta  nooc yada kala duwan ee suugaanta sida Gabayada, Maansada (Jiiftada) iyo Heesaha oo dhammaantoodba laga dhagaysto si wayna looga xiiseeyo dalka gudisiisa iyo dibadiisaba.

Dhanka kale Abwaan Aqoonayahan Jamaal Cali Xuseen waa Qoraa aan qalinkiisu dhul u dhicin, buugaagta uu qorayna waxay safka hore kaga jiraan buugaagta loogu xiisaha badanyahay ee sida wayn loo gato.


Heerarkaasi aadka u sarreeya ee nolosha uu ka gaadhay Aqoonayahan Abwaan Jamaal Cali Xuseen, wax ay dhammaanteenba inagu baraarujinaysaa in qofka bani’aademka ahi ka midho dhalin karo wax kasta oo dedaalkeeda uu la yimaado una dhabar adaygo.

Ugu dambayntii haddii aanu nahay bahda Hadhwanaag Media waxaanu Hambalyo u diraynaa Abwaan Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen guushaasi qiimaha badan ee uu soo hooyey. Waxaana hubaal ah inuu dhalinyarada u yahay la hiigsade (Role Model).


Source:Hadhwanaagnews