Jaamacada Gabiley ma Private baa mise waa mid Public ah? 
 

 

 


Bilihii u danbeeyey waxaa dhagta dadka ku soo dhacayey hadal haynta Jaamacada Gabiley iyo Dugsi gii Sare ee Timacade horena loo odhan jiray Dusiga Qalax, weedhaha dadka soo gaadhayey waxay m uujinayeen in laba dhinac oo wax isku diidan jiraan Gobolka Gabiley dhexdiisa.

Hadaba qoraalkan waa mid ka xog-waramaya arinkaa kor ku xusan, soo bandhigaya xaqiiqada ka jirta Gobolka iyo waxa la isla maan-dhaafsan yahay.

Waxaan dadweynaha iyo masuuliinta xukuumadda ka bogsiinaynaa hadalada suuqa lagu soo tuuray ee aanay waxba ka jirin, ka hadalka noocaas ah soo tuurayaana uu leeyahay ujeedo gaara oo uu dhu fays ka dhiganaayo hadalkaa, waxaa ka mid ah, (reer baa loo diidayaa jaamacada, magaca Timacade ayaa la diidayaa , Jaamacad ma rabaan reer Gabiley) intaas aan soo sheegay waxba kama jiraan ee taa ha la ogaado.

Waxaan kale aan ku darayaa xogwaran aan filayo badan kiinu aad  ogtihiin, jaamacada maanta ka jir ta Gabiley waxaa lagu dhisay tabaruc, dadweynaha gobolka ee dibada, gudaha iyo dawladuba iska ka ashadeen, ee maaha mid koox ama shaqsi lacag gaar ah uu galiyey ama u hayo, intaas waxaan ku dh aafayaa wargalintaa hore.

Hadda waakan war-murtiyeedkii Bulshada Gabiley badankeedu aaminsan tahay.

1. Bulshada, Aqoon-yahanka, Odayaasha, Wax-garadka Gobolku waxay is waydiiyeen su?aal ah, ( Ja amacadu ma mid shaqsi ama koox (Private) ay gaar u leeyihiinbaa?, Mise waa Jaamacad dowli (Pub lic) ah oo dadweynaha Gobolka oo dhan iyo Wasaarada Tacliinta sare ee Somaliland uu ka dhexeeyo sidii loo maamulilahaa iyo sidii loo dhisi-lahaa Jaamacada Gabiley?.

Kadib dood dheer oo is-qancis ah iyo rog-rog badan markuu dhex maray dadweynaha Gobolka waxay jawaabtu noqotay.

Jaamacadu waa in ay noqotaa mid
public ah, si ay jaamacadaa public ahi u hirgasho waa in talaabooy inkan la qaadaa.

(a) Talaabada koowaad ee la qaadayaa, Samaynta Gudiga (Board) jaamacada maamulayaa, waa in uu noqdo mid Bulshada, Aqoon-yahanka, Odayaasha, Wax-garadka Gobolka ay soo xulaan, ka dibna was aarada waxabarasha iyo tacliinta sare loo gudbiyaa si ay u ansixiso gudigaa raaliga laga wada yahay.


(b) Gudigaa (Board) ayaa talaabada labaad qaadaya, oo la wareegaya maamulka Jaamacada iyo Dhis maha Jaamacada, iyagoo wada tashi la samaynaya wasaarada iyo dadweynaha Gobolka.


(c) Maamulka hada jira waan u mahad naqaynaa, inta uu hayey amaanadaa,soona qaaday lacagihii dadweynuhu ku soo deeqeen Jaamacada Gabiley,Dhulka ha iska dhigo jaamacada uu ninka kalidii deg ta ku sito, danta guud waa la wada leeyahay ee qofna gaar uma laha, waxaanad ka mid noqotaa Buls ha weynta Gobolka ee wanaaga wada doonaysa.


(d) Bulshada, Aqoon-yahanka, Odayaasha, Wax-garadka Gobolku waxaanay marnaba ogolayn, in Jaa macada koox gaar ah oo aan la soo wada xulin ay maamulka Jaamacada u gaar noqoto.


(e) Bulshada, Aqoon-yahanka, Odayaasha, Wax-garadka Gobolku waxay Wasiirka Waxbarashada iyo masuuliinta kale ee wasaarada waxbarashada ka codsanayaan, in ay aad uga fiirsadaan arinkaa Jaa macada Gabiley, waxaanu uga digaynaa in ay hoosaasiyaan koox dhanka wasaarada waxbarashada aad ugu soo fadalo cad, kana soo boodaya talo-wadaagii Gobolka Gabiley uu la yeelan lahaa, si gaar ahna wax u doonaysa.


(f) Kooxda Jaamacada tunka ku sidata, waxaan leenahay, Waar danta guud aan wada ilaalino, kaala ya aan wada tashanee oo aan iska ilaalino waxii mustaqbalka Gobolkeena mad-madow ku keenaya.

 

 

 

 

Mukhtar Hersi Hassan
Gabiley, Somaliland
Email: mukhtarhersi53@gmail.com