Maxkamadda gobolka Hargeysa oo qoraal yeedhmo ah u dirtay Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB

 


Hargeysa 13, January 2011 (TNN)- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa muddaysay  dacwa d loo haysto Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax.

Sida lagu sheegay qoraal baafin ah oo uu garsoore Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Dura n) soo saaray, waxa Xoghayaha guud ee UDUB oo bilihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Faran siiska lagu amray inuu muddo bil gudaheed ah ku yimaado Maxkamadda horteeda.

Kiiska Maxkamaddu ugu yeedhay Xoghayaha UDUB, Mr. Jaamac Yaasiin Faarax oo ah dacwad Madani ah, waxa uu ku saabsan yahay dayn xaddigeedu badan yahay oo uu ku leeyahay mu waadin lagu magacaabo Aadan Jaamac Furreh, taasoo la sheegay in xisbigu galay waqtigii ololaha doorashadii lagaga guulaystay ee Madaxtooyada ee badhtamihii sannadkii hore.

 “Maxkamadda gobolka Hargeysa waxay baafinaysaa dacweysanaha magaciisa la yidhaahdo :- Jaamac Yaasiin Faarax, kaasoo ay maxkamadda u taalo dacwad Madani ah oo uu ku soo dacweeyay Aadan Jaamac Furre oo uu qareen u yahay Ibraahim Iidle Saleebaan,” ayuu yidhi qoraalka baafinta ah ee Maxkamaddu soo saartay oo ku taariikhaysan 11 January 2011.

 “Sidaas darteed, maxkamadda gobolka Hargeysa waxay kugu amrayaa inaad ku timaadid m axkamadda gobolka Hargeysa horteeda muddo hal bil ah oo ka bilaabmaysa maalinta la  baa fiyo ee warbaahinta laga sii daayo, si waafaqsan qodobka 122.X.H.M,” ayuu raaciyay qor aalka Maxkamadda gobolka Hargeysa ee loogu yeedhay Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB.
 

 

Spirce: Wargeyska Ogaal