Siyaasi
Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) Oo Ah Nin Ka Soo Hor Jeeda
Mabda’a Somaliland Oo Saaka Yimi Hargeysa
Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare) oo Saxaafadda kula hadlay qolka
nasashada ee Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ,ayaa sheegay
inuu dalka u yimid inuu soo....
Hargeysa (TNN) Siyaasiga Caanka ah ee Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac
Yare) oo ah Nin Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, Laakiin aaminsan
mabda’a Soomali-weyn ayaa maan ta ka soo Degay Garoonka Diyaaraduhu
ka hadaan ee Egal Airport International.
Jaamac Maxamed Qaalib ayaa waxa Madaarka Hargeysa ku Soo dhaweeyey
MayirKa Mag aaladda Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ,
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Boqolaal Qof oo
kala Duwan, Madax dhaqmeedyo, Aqoonyahano iyo Waliba Bul sho kale oo
fara badan.
Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare) oo Saxaafadda kula hadlay qolka
nasashada ee Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu
dalka u yimid inuu soo boo qdo eheladiisa iyo Qaraabadiisa
isla-markaana aanu wax cafis ah soo weydiinsan xukuu mada Madaxwayne
Axmed Siilaanyo, isaga oo tilmaamay in qof gurigiisa imanayaa aanu u
baahnayn inuu cid ogolaanshiyo waydiisto.
Jaamac Maxamed Qaalib, oo la waydiiyay inuu ka noqday mabd’iisii
Soomali-weyn ayaa sh eegay inaanu wakhtigan ka hadlayn Soomali-weyn
iyo Somaliland midna balse uu dalka u yimid oo kaliya inuu
eheladiisa soo booqdo.
Si kastaba ha ahaatee Lama Ogaa Talaabadda ay ka Qaadi doonto
Xukuumadda Axmed Siilaanyo Masuulkan, Wallow uu Imaashiyaha Jaamac
Maxamed Qaalib ku soo beegmayo Wakhti ay horre Dalka u yimaadeen
Siyaasyiin Aaminsan Mabda,a Somali Weyn.
Cali-Mahd Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|