Madaxweynaha
Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo si diiran loogu soo
dhaweeyay magaalada London

London(TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo Wefti bal aadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka abaaro
07:00 aroornimo ka soo degay garoonka dayuura daha ee
Caalamiga ah ee Heathrow, waxaana halkaasi si diiran ugu soo
dhaweeyay qaar ka mid ah Jaalliyada reer Somaliland ee magaalada
London , wakiilka Somaliland ee UK Axmed Cumar Sangoore, Wakiilka
Somaliland ee dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuule, La-taliyaha
madaxweynaha ee arrimaha caalamka iyo aqoonsiga Dr. Maxamed Rashiid
Sheekh Xasan, Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee UK SSUK Axmed
Daahir Cilmi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye UK Ibraahim Xuseen,
gudoomiye-xigeenka Kulmiye UK Cabdo Bacow.
Booqashada madaxweynaha iyo weftigiisu ku yimaadeen dalkan Britain
waxa ku weheliya marwada 1aad ee Somaliland Aamina-Weris Xaaji
Maxamuud Jirde , Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed C/llaahi
Cumar, wasiirka qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir
ku-xigeenka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, Chief of Cobinet-ka
madaxtooyadda Xersi Xaaji Xasan iyo Xoghayaha gaarka ee madaxweynaha
Cali Axmed Cali.
Madaxweynaha Siilaanyo iyo weftigiisu inta ay joogaan dalkan
Ingiriiska waxa ay la kulmi doonaan wasiiro ka tirsan xukuumada
Ingiriiska, mudanyaasha baarlamaanka, Shirkado ganacsi oo caalami ah
iyo saaxiibada reer Somaliland. Sidoo kale waxa lagu wadaa in
maalinta Sabtida ee bishu 27-ka Nov,2 010, in ay kullan balaadhan la
yeeshaan Jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan UK.
Source:Jamhuuriya Online
|