Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Qatar oo xaf lad soo dhawayn
iyo xog waraysiya ku qaabilay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Sheekh
Aadan Siiro)
Doha Qatar
(TNN)-Waxa Xalay oo taariikhdu ahayd 21
Feberuary 2010 ka dhacay magaalada Doha ee Dalka Qatar , Xaflad si
heersare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayay Sheekha Caanka
ah ee reer Somaliland Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Sheekh Aadan
Siiro) oo dhawaan socdaal rasmiya ku soo gaadhay magaalada Doha ee
Dalka Qatar.
Xaflada Xalay oo ay soo Agaasimeen dhalinyarta Jaaliyada reer
Somaliland ee ku dhaqan Doha , marki sheekhu soo gaadhay Huteelka
xafladu ka dhacaysay ayaa waxa mar kaliya la isla oog saday sacab
iyo farxad lagu qaabilay Sheekha oo aad loo ga sugayay magaalada
Doha dadkuna ay aad ugu farxeen imaatinkiisa.
Bilawgii hore ee xaflada waxa ka hadlay Cumar Xuseen Ducaale oo ku
hadlayay magaca Jaaliy ada reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka
Qatar , cumar wuxu aad ugu dheeraaday taariikhda sh eikh Aadan
Siiro iyo kaalinta uu kaga jiro culimada iyo bulshada Soomaalilaand
, doorki shariifka ahaa ee uu ka soo qaatay Halgankii dalka lagaga
xoreeyey taliskii dhiigya cabka ahaa ee Siyaad Barre iyo kaalinta uu
manta kaga jiro Bulshada reer Somaliland , waxa kale oo uu Cumar
tilmaa may Kaalintii uu Sheekhu ku lahaa dibu dhiskii dalka oo ilaa
maanta aanu ka nasan mar kaliya sidii uu wax u tari lahaa
bulshadiisa hadday tahay aqoon iyo wax qabad ba , ugu danbayntii
Cu mar Xuseen Ducaale wuxu cod baahiyaha si xushmad iyo qadarin leh
ugu soo dhaweeyey Caal imka Reer Somaliland Sheekh Aadan Xaaji
Maxamuud oo ku bilaabay Hadaladisii kalmado ay ka mid yihiin “
Ilahay baa Mahadleh Ilaha (SWT) nimco inoo siiyey Islaamnimada ee
inaga dhigay dad muslimiin ah , wuxu sheekhu si guud u salaamay
dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland sida culimada,
odayaasha , aqoon yahanka , dhalin yarada iyo haweenka reer
Somaliland meelkasta oo ay joogaan wuxu mahadnaq balaadhan u soo
jeediyey Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Qatar gaar
ahaan dhalin yaradii soo qaban qaabisay xafladan quruxda badan ,
sheekhu wuxu halka ka sheegay sababta uu Dalkan Qatar u yimid in
ayna aha yn dan gaara oo uu isagu leeyahay balse ay tahay dan
caama oo uu ugu adeegayo shacbiga reer Somaliland wuxu tilmaamay in
Islaamnimadu ay tahay in wixi wanaagsan aad ugu adeegto dadkaaga iyo
dalkaaga mar kasta iyo goob kasta oo aad joogto , Islaamnimadu waa
in naftaada iyo nafta dadka kale aad ku ilaaliso oo aad kaga
ilaaliso wixi xun oo dhan , wuxu sheekhu tilma amay in
Somaliland ay tahay wadan jira oo xuduudo sugan leh , Dastuurkiisu
ku salaysan yahay Diinta Islaamka , calankeeduna uu ku qoran yahay
kalimatul Tawxiid wax ka sareeya aysan jirin.
Sheekh Aadan Siiro oo markii uu hotelka xaflada lagu qabanayay hore
ugu arki wayay Calanki Jamhuuiriyada Somaliland ayaa si kaftan ah u
yidhi in ayna indhihiisa qaban Calankii Tawxiidku ku xardhanaa ee
Jamhuuriyada Somaliland isla markaana uu jeclaan lahaa in goobta la
sudho hadalkaasi oo sacad badan ka dhacay aad loogu wada riyaaqay
sida wadaniyada leh ee uu u tabayo calankii wadankiisa meel kasta oo
uu joogo ( inkastoo dad badan ay xidhnaayeen shaa dhadh iyo
garamo calanka Somaliland ah ) , waxa si cag fudud u dhaqaaqay qaban
qaabiyaashi xaflada oo goobta soo sudhay calankii isla markana
luqunta u sudhay sheikha Calanka Jamhu uriyada Soomalilaand
halkaas oo marki calanka luqunta loo sudhay uu aad ugu duceeyey
bulsh ada reer Somaliland.
Qudbadii sheekha oo dhinacyo badan taabanaysay waxa sheekhu ku nuux
nuuxsaday in Somal iland u baahan tahay isbedel , isbedelkaasi
oo ah mid ku dhisan xigmad iyo caqli oo ah in nolosha bulshada
halkan hore looga si dhaqaajiyo, wuxu sheekhu tilmaanay in Islaamku
ogol yahay Isbedel ku dhisan xigmad , shareecada Islaamka in lagu
xukumo wadankana uu ku baaqayo si gradually ah oo xigmad iyo aqoon
ku dhisan , isagoo si faahfaahinaya isbedelku noocu yahayna wuxu
yidhi ,” Wixi hore wax ka yar in la keeno islaamku ma ogola ,wixi
hore wax ka sii liita in la keeno Islaamku ma ogola ,wixi wax la mid
ah Islaamku ma ogola , wixi wax ka wanaagsan ayuu islaamku ina
farayaaa oo kaliya “ , – sheekhu wuxu ku dheeraaday nimcada reer
Somaliland haystaan oo ay ugu horayso Nabada iyo Khayraadka dihin ee
wadanku leeyahay , mar uu ka hadlayay Nabada wuxu yidhi “Hargeysa
iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland wakhtiga aad doonto ayaad socon
kartaa adigoo Ilahay moyee cid kale aan ka cabsoonayn” waxay tani
muu jinaysaa heerka nabada ee aynu haysano oo ay tahay in Ilahay
loogu mahad naqo markaad bar bardhigo dhibaatooyinki wadankan soo
maray oo ay jirtay wakhtiyada qaar in labada duhurni mo la
xaroon jiray cabsi darted.
Sheekhu waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday , Xoriyada diinta
Islaamka ee ka jirta Somaliland oo ku tilmaamay in ayna ka jirin
wadamo badan oo waa wayn oo Islaam ah , wuxu tusaale u soo qaatay
waagii sideetameeyadii isagoo Hargeysa Cashar tafsiir ah ka dhigaya
in loogu hanjabay marar badan in la dili doono haddii aanu joojin
duruuska Islaamiga ah ee uu wado , maantana ay ka dhisan yihiin in
ka badan 380 Masjid oo 28 cashar oo tafsiira ahi ka socdaan
magaalada Har geysa oo kaliya maxaad u malayn magaalooyinka
kale ee Somaliland , Waxa Dugsiyada Islaam iga ah oo kaliya ku
jira 120,000 oo arday oo 60.000 oo hablood oo xijaabani ay ku jiraan
, waxa jooga in ka badan 30,000 oo qof oo xufaada waa nimcooyinka
Ilahay in loogu mahad naqo ay tahay manay suurto gasheen la’aanteed
haddii aanay amni iyo dawladnimo ka jirin Somaliland.
Sheekhu mar uu ka hadlayay , baahida wadanka taal waxa ka mid ah
biyo la’aanta Hargeysa oo uu ku tilmaamay in si dag dag ah wax looga
qabto “ Magaalada Hargeysa oo caasimadi Somalil and ah waxa
biyaha u soo qaada laba pipe oo duugoobay oo u baahan in la badalo ,
caasimada oo hadda ay ku nool yihiin 1.5 Million qof kuma filna in
laba bayb oo duugoobay biyaha u soo qaadaan.wakhtigi la dhisay ,
dadka manta magaalada ku nool na ay ka badan yihiin dadki ku noolaa
wakhtigii la galiyey biyaha magaalada Hargeysa.
Sheekhu wuxu kula dardaarmay Bulshada reer Somaliland ee qurbaha ku
nool in ayna Iloobin wadankoodi oo ay tahay halka kaliya ee ay
sharaf tooda iyo karaamadoodu taalo , wuxu ku waaniyay bulshada inay
diintooda iyo wadankoodaba ilaashadaan kuna dadaalaan sidii ay wax
ugu qaban lahaayeen meelkasta oo ay joogaan.
Qudbada sheekha oo aad u dheerayd socotayna in ka badan laba
saacadood , ka dib waxa la guda galay in hadalka lagu wareejiyo
xubno ka mid ah Jaaliyada Reer Somaliland ee Qatar wa xana
halka ka hadlay Yuusuf Maxamed Faarax ( Buux) iyo Axmed Bare oo ku
Hambalyey shee kha booqashada uu ku yimid Dalka Qatar iyo
qudbada qiimaha badan ee uu halkaa ka jeediyey sidoo kalena
tilmaamay geesinimada sheekha iyo wax qabadkiisa tirada badan.
Ka dib waxa la guda galay in suaalo dhawr ah uu sheekhu halkaa kaga
jawaabay dhamaantood si farxad iyo qaneeco leh uu uga jawaabay ,
su’aal ka mid ahayd suaalaha xiisaha leh ayaa wa xay ahayd in
Somaliland xidhidh la samaysan karto Israil iyo inkale wuxu sheekhu
kaga jawaa bay “ Maadama oo Somaliland tahay Dal Muslim ah in
ayna banaanayn in xidhidh lala samaysto Israil inta ay haysato
dhulka Muslimiinta” Somaliland na sida dastuurka ku qoran ee ku cad
ilaa Charter ki ururka SNM ee dalkan xoreeyey, shirarkii nabadaynta
ee kala duwanaa ee dalka ka dhacay mid walba waxa sal u ahaa in wixi
Diinta Islaamka ka hor imanaya ayna banaanayn.
Waxa kale oo suaalaha sheekha la waydiiyey , ka mid ahaa midnimada
umada Muslimiinta ah ?? , waxaanu ku tilmaamay in midnimada umada
muslimiinta ahi ay tahay waajib la ina faray , laakiin ay jirto
duruufo badan oo ay ka mid tahay maalinta 57 ka dawladood ee
Islaamku ay midoobaan haddii Somaliland ka hadho ay qaldan tahay ,
wakhtiga aynu maanta joogno maadama oo ayna rajadasi muuqan in nin
walba gurigiisa hagaajisto ayaa waajibku yahay.
Gabo gabadii , xaflada waxa sheekha lala boobay salaan iyo mucaanaqo
uu qof walba is leeya hay sheekha yaanu kaaga horayn , waxaana
xaflada ka muuqatay gacal siyaado ah oo loo qab ay Sheekh
Aadan siiro oo ah sheikh muujiyey Wadaniyad iyo wax qaban joogto ah
ilaa yaraa ntiisiina ku can baxay firfircooni iyo inu u adeego
danta umada markasta , Ilahay ha ka Abaal mariyo wanaaga uu bulshada
mar walba ka dhex wado Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Aadan Siiro)
cimrigana ha u siyaadiyo.
By:Maxamed Dubbe
Doha, Qatar
mohamedkhadar@msn.com
|