“Arinta UCID Maaha Inay Noqoto Waran-Waran Ku Taag, Hadii Uu Faysal
Diiday InuuSharciga Maro, Maaha In Iyaguna Ay Wadada Sharciga Ka
Leexdaan, Faysal Cali Waraabe Waxa Lagu Soo Doortay Shirwayne”

“Xildhibaanada Kulmiye Iyo Udub Ee Baarlamaanku Laftooda Far Ayaa Ku
Godan Oo Dhinac Ayey Ka Raran Yi hiin, Waxaanay Ku Dagaalamayaan In
Lacag Qayrul Caadiya Lagu Diwaangaliyo Ururadda”Eng.
Ismaaciil Aad an Cismaan
Hargeysa (TNN) – Wasiirkii hore
ee dawladii Rayaale ee Arimaha Gudaha Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil
Yare) ayaa ka hadlay khilaafka cakiran ee ka dhextaagan xisbiga
mucaaridka ah ee Ucid iyo halka uu salka ku hayo, isla markaana waxa
uu sheegay in guddoomiyaha sharciga ah ee Ucid uu yahay Eng. Faysal
Cali Waraabe.
Ismaacil Aadan ayaa waxa uu tilmaamay in Guddoomiyaha Ucid xilka uu
xisbigaas u hayo lagaga qaadi karo oo kaliya shirwaynaha xisbigaas,
waxaanu tibaaxay in arinka labada garab ee Ucid inay yihiin
waran-waran ku taag.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay
ee PDP Eng. Ismaaciil Aadan waxa kale oo uu ka hadlay xeerka furista
ururada ee Baarlamaanka horyaala, kaas oo uu sheegay in lacagta uu
ma daxwayne Siilaanyo soo jeediyey in lagu diwaangaliyo ururadu inay
tahay lacag culays lagu saarayo siyaasiy iinta rabta inay furtaan
ururada siyaasada.
Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay in xildhibaanadda
Baarlamaanka ee xisbiyada Kulmiye iyo Ucid in ay ku dagaalamayaan
sidii lacag badan loogu xidhi lahaa furashada ururada, waxaanu
sidaaas ku sheegay mar uu shalay waraysi khaas ah Haatuf ku siiyey
Hutel Guuleed ee magaaladda Hargeysa.
Wasiirkii hore ee daakhiligu waxa uu ka hadlay dilalka soo
noqnoqanay ee ka dhaca Laascaanood iyo waxyaabaha lagaga bixi karo,
waxaanu tilmaamay in loo baahan in dadka deegaanadaas la soo
dhaweeyo.
Ugu horayna isaga oo arinta ururada hadlaya, waxa uu yidhi “Waxaan
Madaxwaynaha uga mahad naqayaa sida uu uga badheedhay qadiyadda
furista ururadda siyaasada, kaas oo si sharciga waafaqsan ka
dhawaajiyey rabitaanka shacbiga reer Somaliland, isla markaana u
gudbiyey golaha sharci dajinta si ay waajibkooda iyaguna ugaga soo
gutaan. Waxa kale oo aan madaxwaynaha ku amaanahay sida uu cidii ku
shaqada lahayd ugu diray wax ka badan inay ku soo sameeyaan
shuruucda xeerkaas, arintaasina waxa ay cadaynaysaa inuu
madaxwaynuhu oofiyey qayb ka mid ah balanqaadadii uu hore u galay.
Hadaan u soo noqdo su’aasha ah waxa aan ka qabo qadarka lacagta ah
ee lagu xidhay furashada ururada, madaxwaynaha Somaliland Axmed
Siilaanyo wakhtigii uu diwaangalinayey xisbul xaakimka wakhtigan ee
Kulmiye waxa lagu diwaan galiyey wax ka yar $700, taas oo lagu
qiimaynayo sarifku wakhtigaas halka uu taagnaa, laakiin hadii la
raaco Rate-kii dawladda u yaalay sarifka wakhtigaas waxa uu
noqonayaa $400. Go’aankan uu madaxwaynuhu ka qaatay lacagta lagu
furanayo ururada ee uu soo jeediyey in lagu furto $25,000 waxa ay
iila muuqataa culays la saarayo daneeyayaasha ururadda siyaasada,
isla markaana waa arin u dan ah cid ala cid wal oo markii hore-ba ka
soo horjeeday in urur la furto sida Udub, Kulmiye iyo Ucid-ba. Waayo
sadexda xisbi ee hada jiraa waxa ay doonayaan in $100,000 in laga
dhigo si aanay cidiba u hungurayn oo aan iyagana meesha looga saarin.
Laakiin marka aynu dib ugu noqono xisbul xaakimka Kulmiye oo lagu
diwaan galiyey wax ka yar $700 in maanta madaxwayne Siilaanyo uu
yidhaahdo $25,000 ha lagu diwaangaliyo waxaan u arkaa arin aan
macquul ahayn, kamanaan filaynin madaxwaynuhu inuu qadarka lacageed
ee intaas leeg inuu yidhaahdo ha lagu diwaangaliyo ururadda
siyaasada, waxaanay noqonaysaa arin ka liicday ninka muwaadinka ah
ee jecel inuu dalkiisa u shaqeeyo. Anagu hadii aanu nahay
daneeyayaasha ururadda gudida arimaha gudaha ee wakiiladda waanu la
kulanay, waananu u sheegnay in arintani ay tahay culays wayn oo la
saarayo muwaadiniinta xaqa u leh in ururo ay furtaan, intayadii
badnayd waxa aanu soo jeedinay in ugu badnaan $5,000 lagu
diwaangaliyo, isla markaana waa macquul $5,000 ilaa ugu badnaan
$10,000 laakiin waxa caqli gal noqon wayday afar jibaarka uu
madaxwaynuhu wixii macquulka ahaa ku afar jibaaray. Waayo cida rabta
inay urur furato waxa jira shuruudo kale oo aan lacag ahayn oo lagu
xidhayo, arintaasna kolay hada baarlamaanka ayaa gacanta ku haya
iyagana kama filayo in wixii madaxwaynuhu soo jeediyey wax ka duwan
ama inay ku dhawaaqi doonaan, waa marka laga tagi waayo ee xaqiiqda
lagu sii siqo waxa u badan tahay wax aan wax wayn ka duwanayn
dhawaaqaas madaxwaynaha in iyaguna ay la shir iman doonaan. Xaga
Baarlamaanka waxa la isku haystaa oo ay raga qaar leeyihiin $20,000
ha laga dhigo qaarna waxa ay leeyihiinba $30,000 ha laga dhigo,
markaa iyagana waxa ii muuqataa waxa ka soo bixi doonaa inay intaas
aynu soo sheegnay inta u dhaxaysa uun ay noqon doonto. Sababta oo ah
aniga iima muuqata in ay Baarlamaanka laftigooda ay arinta ka
eegayaan dhinaca cadaaladda ee waxa ii muuqata inay dhinac ka raran
yihiin qudhoodu, gaar ahaan xildhibaanada Kulmiye iyo Udub waxa ay
ku dagaalamayaan lacag Qayrul caadiya oo badan, si aan cidinaba ula
tartamin, inkasta oo aanay ii muuqan-ba Udub soo bixi karta oo
dhisani. Sababta oo ah inta la isku diyaarinayo tartan Udub malaha
gole dhexe iyo mid fulineed-ba, shirkii anaga barigii nalaga saaray
sadex nin ayuun-bay wax ka go’ayeen oo xisbiga afduubtay walina
kuwii ayuunbuu xisbigu u afduuban yahay”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana oo Ucid ka hadlayana waxa uu yidhi
“Xisbiga Ucid waad aragtaan halka ay iyaguna marayaan oo tii shalay
oo ugu danbaysay gacanta la iskula tagay ee laba garab noqdeen.
Waxaanay u muuqataa in garabka leh Faysal Cali Waraabe meesha ka
dhaadhac inay badan yihiin, isla markaana ay yihiin nimankii isaga
la shaqaynaysay oo majooratiga leh. Laakiin arintu maaha inay noqoto
waran-waran ku taag, hadii uu Faysal diiday inuu sharciga maro maaha
in iyaguna ay wadada sharciga ka leexdaan, waayo Guddoomiyaha Ucid
Faysal Cali Waraabe waxa lagu soo doortay Shirwayne isaga iyo
madaxwayne ku xigeenkiisaba, xoghayahana shirwayne markaa waxa loo
baahan yahay in la fahmo asbaabaha xilka lagaga qaadi karo waxay
noqonayaan shirwayne, inkasta oo aanan anigu xeerkooda aanan haynin
hadana sharci uma arko in guddi fulineed oo fadhiisatay ay tidhaahdo
waanu kaa qaadnay guddoomiye-nimadii. Qolada kalena waxa ay ahayd
inay shirwayne ku dhawaaqaan oo ay dhaqaale-na samaystaan sidaas
ayuun bay xil ka qaadista Faysal inay ku xalaaloobaysa aan u arkaa.
Faysal Cali Waraabe waa guddoomiyaha xisbiga Ucid, isla markaana
waxa uu hore ugu dhawaaqay mar uu Ceeri-gaabo ka hadlayey inuu
xisbiga ku wareejin doono C/raxmaan Ciro. Waxa fiican in dadkeenu ay
fahmaan in ninka Guddoomiyaha xisbiga ahi inuu mar iyo laba iyo
sadex iyo afarba uu isa-soo taagi karo waa hadii uu haysto
kalsoonida xisbigiisa, waxa taas ka duwan oo ay dadkeenu inta badan
isku khaldaan madaxwaynaha ayaa marka uu tartan galo isaga oo
madaxwayne ah oo uu mar iyo laba helo madaxwayne-nimada aan mar
sadexaad distuurkeenu u ogolayn inuu isa soo sharaxo. Waxaanan
aamin-sanahay in waxa qudha ee ay maanta ku kala bixi karaan
garabyada isku haysa xisbiga Ucid inay tahay sharciga iyo Maxkamadda
oo ay iskula noqdaan, isla markaana ay shirwayne qabsadaan oo uu
Faysal isa soo taago lagagana helo tartankaas xisbiga dhexdiisa”.
Ismaaciil Aadan Cismaan mar uu ka hadlayey qabyaaladda iyo saamaynta
ay Somaliland ku leedahay, waxa uu yidhi “Waxa aad moodaa in kolba
dawladii timaadaa ay Qabyaaladii ay soo foqayso oo ay boodhka ka
tumayso, waxaan qabaa in aynaan taas waxba inoo soo kordhinayn oo
aan dib u dhac ahayn, sababta oo ah hadii aynu qabyaalad wax ku
qaybsano oo aynu isku taageerno halka aynu maanta taaganahay in aynu
dib uga dhacno mooyaane waxba inoo soo kordhi maayaan. Qabyaaladda
marka xaga diinta loo noqdo Ilaahay ayaa yidhi waxa aanu qabaa’il
idinka dhiganay si aad iskugu kala garataan oo dee qabaa’il kala
duwan waynu kala nahay, laakiin waxa aan quruxbadnayn inaynu xaga
xun kaga dhaqano oo aynu dadka ku soo kala dhawaysano. Anigu
madaxwayne Siilaanyo waan kala taliyey arintaas, waxaan ku idhi
madaxwayne maanta kol hadii aad ku guulaysatay taladii dalka,
maadaama oo deegaan walba la odhanayo ha loo magacaabo Badhasaabadda
u dhashay gobolkaas, taas ka daa waxaad u magacawdaa gobol walba nin
aan u dhalan Badhasaab uga dhig. Taliye-yaasha qaybaha ee mid walba
la odhanayo hebel baa u dhashay deegaankaas ka daa oo si dadku isku
dhexgalaan nin walba deegaan aanu u dhalan u magacaw, taasi waxay
keenaysaa in dadkeenii is dhexgalaan oo qabyaaladiina meeshii ka
baxdo”.
Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan mar uu ka hadlayey kala duwanaanta
dawladii Somaliland iskaga danbeeyey ee hogaaminayayaashoodii waxa
ay dalka ku soo kordhiyeen, waxa uu yidhi
“Xaga kala duwanaanshaha dawladihii dalka soo maray hadii aynu ku
yar hakano, dawladdii Marxuum Cigaal Somaliland wax wayn ayuu ku soo
kordhiyey oo waxa uu inoo sameeyey aas aaskii dawladd-nimo.
Waxyaabaha maanta keenay in aynu halkaa joognana waxa keenay
hanaankii uu inoo jeexay, sababta oo ah waxa uu inoo soo sameeyey
Inkaa’niyaadkii dawladd-nimo oo dhan, haday noqon lahayd Qaramaynta
ciidamadda, lacag inoo gaar ah oo aynu helno, dib u heshiisiintii
beelaha Somaliland, astaantii iyo calankeenii iyo dhamaanba hanaanka
dawladdi ku shaqayso. Rayaale laftiisa inkas oo uu ahaa nin aanu
siyaasada in badan ku soo wada jirnay oo aanu isku jeclayn siyaasada
in badan, kuna colownay markii uu diiday waxa aanu xaqa u leenahay
muwaadiniin ahaan, intii aan xilka hayey waxaan ula shaqaynayey si
daacad-nimo ah, markii uu xilka iga qaadayna kumaan mucaaridin ee
waxaan siin jiray wixii talo oday-nimo uu iiga baahdo oo dhan,
laakiin waxaanu kala fogaanay oo aanu kala tagnay maalintii aanu
nidhi xaq ayaanu u leenahay in aanu isla kaa soo taagno oo aanu kula
tartan, waa kii taas noo diiday ee albaabada naga xidhay ee yidhi
ilama tartami kartaan oo ay isaga iyo Axmed Yuusuf Yaasiin iyaga
iskugu dhawaaqeen inta ay soo urursadeen dad aanaan garanayn oo aan
xisbiga ahaynba. Isku soo wada duuboo Rayaale mudadii uu joogay wax
ayuu qabtay tamartay doonto ha leekaatee oo dalka meel ayuu soo
gaadhsiiyey. Madaxwayne Siilaanyo-na mudadaa sanadka ah ee uu joogay
wax ayuu qabtay inta u hadhayna waxaan Ilaahay uga rajaynayaa inuu
wax uun qabto. Run ahaantii ma jecli in mucaaridadu ay inaga noqoto
mid wax burburisa ee waa in ay noqoto mid wax dhista”.
Eng. Ismaaciil isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka
hadlaya isbadal ku yimid dad aan Kulmiye ugu ololayn jiray oo hada
ku mucaarid ah, waxa uu yidhi
“Hadii aanu nahay qolooyinka is-badal-doonka ee daneeyayaasha
ururada waxa aanu xukuumadda ka horjoognaa qolooyinkii wakhiyadii
Kulmiye uu ahaa mucaaridka ee aan anaguna ka tirsanayn Udub ee xataa
inay Ajal u gooyaan ay ka suurtoobaysay heer ay Kulmiye jacaylku ka
gaadhay ayaa maanta meel walba ka leh waar waxani dawladna maaha tii
Rayaale ayaa dhaantay. Waxaanu ku nidhaahdnaa waar waa xukuumadii
aad shalay doorateene u kaadiyo ha laba jirsatee, Waxaanan
madaxwayne Siilaanyo ugu baaqayaa inuu ilaaliyo cadaaladda iyo
sinaanta.
S: Maadaama oo ay u dhawdahay in ay golaha sharci dajintu ay soo
fasaxaan furista ururada siyaasada, rajo intee leeg ayaad ka qabtaa
in ururkaaga PDP uu ku soo bixi doono tartanka ururadda siyaasada?
J: Run ahaantii wax walba waxa uu ku xidhan yahay qadarka Alle, qof
walba waxa uu Ilaahay u qoray ayuu calfanayaa oo maalintii uu
dhashay loo qoray, markaa taasi waa Qaybka oo anigu ma garan karo oo
xaga Ilaahay ayey ku maqan tahay. Laakiin hadii aan ka hadlo
fikirkayga binu-aadam-nimo iyo waxa aan filayo, waxaan 100% ku rajo
waynaha in ururkaygu soo bixi doono oo uu ka mid noqon doono sadexda
xisbi ee ku soo baxa, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu taas iga
aqbalo.
S: Hadii ay dhacdo in ururkaagu ku soo baxo sida aad sheegtay inaad
rajaynayso, maxaad is leedahay waad ku soo kordhin doontaa
Somaliland?
J: Anagu hadii aanu ku guulaysano tartanka ururadda, isla markaana
aanu ku guulaysano talada dalka wax badan ayaanu ku soo kordhin
doonaa hadii Alle yidhaahdo, shaqo abuuris badan ayaanu samayn
doonaa oo dhalinyarada ayaanu siyaasada u ogolaan doonaa inay ka
qayb galaan rag iyo dumar-ba. Waayo waxa loo baahan yahay ee
aduunyadu maanta isku dhaaftay waa hadba sida looga faa’idaysto
maskaxda cusub iyo dhalinyarada. Maanta anigu nin yar ma yihi waxaan
ahay dhawr iyo kontan jira, isla markaana waxaan garan karayaa
wakhtigii aan 30 jirka ahaa wixii aan qaban karayey in aanan maanta
qaban karaynin, sababta oo ah barina waxa aan maanta qaban karo way
igu sii adkaanaysaa oo da’daydii ayaa sii kordhaysa. Insha Allaah
hadii ay dhacdo inaanu taladda dalka mar uun ku guulaysano
dawladda-yadu waxa ay noqon doontaa mid ay dadku fajacaan oo
dhabanka gacanta la saaro, waxa dhici doonta in la arko nin
dhalinyar ah oo aqoonyahan ah oo wasiir ah oo 30 jir ah.
Masuuliyiinta waawayn ee dalka waxa ay noqon doonaan dad la
taliyayaal ah oo khibradooda laga faa’idaysto.
Hadii ay dhacdo inaanu taladda dalka ku guulaysano waxaanu mihiimad
wayn siin doonaan waxa ay tabanayaa shacbiga goboladda Sool, Awdal
iyo Sanaag bari, sababta oo ah waa milixda Somaliland dhamaan
deegaanadaas oo dhami.
S: Sideed u aragtaa socdaalkii dhawaan madaxwayne Siilaanyo iyo
waftigii uu hogaaminayey ay kaga qayb galeen wanqalka dalka cusub ee
Koonfurta Suudaan iyo saaxiibkaas cusub ee ay Somaliland ku yeelatay
Afrika?
J: Run ahaantii xidhiidhkaas cusub ee aynu la yeelanay Koonfurt
Suudaan waa mid aan soo dhawaynayo,isla markaana meeqaamkeenii kor
ayuu u soo qaaday oo madaxwaynaheenii sida meeqaamka
madaxwaynayaasha kale ayaa loo soo dhaweeyey. Hadana waa in xaqiiqda
loo sheego shacbigeena, anigu wax wayn oo soo kordhay uma arko in
dal Afrikan ah ah oo waliba hada aduunyada ku soo biiray oo aan
saamayn wayn-ba ku lahayn Afrika. Dalkan cusub ee Koonfurta
Suudaan-na wax ka duwan mawqifka ay dawladdaha kale ee African-ka
ahi ay Somaliland ka taagan yihiin ilama aha inuu ka istaagayo
qadiyadeena, laakiin siyaasiyan hadana marka dhinac laga eego waa
wax lagu farxo in madaxwaynaheena meeqaamkaas lagu soo dhaweeyo.
Waad ogayd wakhtigii aanu anagu xukuumadii hore ka tirsananayn si
aan loo soo dhawayn madaxwaynihii wakhtigaas ayaa loo soo dhaweeyey
madaxwayne Siilaanyo, sababta oo ah waxa madaarka ku soo dhaweeyey
madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana waxa loo dhigay
Rooga cas ee loo dhigo madaxda caalamka, waxaana loo garaacay
Muusigeenii oo ciidamadii ayaa salaamay, markaa anigu waxaan u arkaa
wali in darajadaas mid la mid ah oo lagu soo dhaweeyo
madaxwaynaheena inaanay jirin. Soo dhawayntaas uu madaxwayne
Siilaanyo kala kulmay wakhtigaas dalka Djibouti waxaan u arkaa in ay
ahayd Meeqaamkii ugu sareeyey ee madaxwayne ay Somaliland leedahay
lagu soo dhawayn lahaa tii ugu saraysay. Run ahaantiina waan uga
mahadnaqayaa madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacbigiisa-ba,
xaqiiqdiina waa madaxwayne ina jecel oo mar walba ka taliya
xasiloonida mandaqada, isla markaana mar walba ku hawlan sidii uu
dabka uga bakhtiin lahaa shacbiga walaalaheen ah ee reer Somalia ee
dhibaatadu haysato mudada 20-ka sano ka badan.
S: Shalay (doraad) markii uu madaxwayne Axmed Siilaanyo u ambabaxay
magaaladda Boorama ee uu sii maray Gabiley, waxa la sheegay in dad
ay kala hortageen markii hore mudaharaad, markaa sideed u aragtaa
waji-gabaxaas uu madaxwayne Siilaanyo kala kulmay deegeenkii uu
codka ugu badan ka helay?
J: Reer Gabiley waxa ay ka mid yihiin reer Somaliland, gobolka
Gabiley-na waa tii loo magacaabay hadii aynu eegno shuruudihii gobol
looga baah-naana waa gobol wada buuxiyey, markii hore-na waxa uu
ahaa Degmo A ah. Waxaanu kaalinta koowaad kaga jirtaa Gabiley
meelaha goboladda loo magacaabay meesha ugu horaysa ee shuruucdii
gobolnimo buuxisay hadii ay noqoto xag dhaqaale iyo xag kale-ba.
Hadii aan dib ugu soo noqdo intan yar ee dhacday shalay anigu wax
wayn uma arko, madaxwayne inuu meel tago oo cidi qaylisaa waa mid
meesha ku jirta. Waayo adigaaba hadii aanay taasi dhicin wax kale
isa siinayo, waayo taasi waxay keenaysaa in madaxwaynaha iyo
dadkiisu ay is xaal waraystaan oo uu yidhaahdo soo fadhiista oo
maxaa jira sida dhacda oo uu madaxwayne Siilaanyo-ba sameeyey shalay
markii uu ku dhaxay Gabiley.
Waxay aniga iila muuqatay in inyar oo ka mid ah madaxda Kulmiye oo
ah kuwa yar cadhaysan inay inyar wax yar gashatay oo ay arinta ka
danbeysay.
Laakiin markii siyaasiyiintii ruug cadaadiga ahaa ee Abiib Diiriye
iyo ay ka midka ahaayeen markii ay tageen waxay sameeyeen oo aan aad
ugu amaanayaa waxaan ugu yeedhay Gurmadkii guusha ahaa ee Abiib
Diiriye uu ka galay soo dhawayntii madaxwaynaha ayaa ahayd mid si
wayn loogu diirsaday.
Markii ay siyaasiyiintaa gobolka ka soo jeeda ee uu Abiib ka midka
yahay markii ay tageen Gabiley ee uu madaxwaynuhuna ka soo noqday
Boorama waynagii arkaynay sidii uu loo soo dhaweeyey ee qiimaha
lahayd. Waxaanan aad ugu farxay markii aan Tv-ga ka daawaday
madaxwaynihii oo goob kasta lug ku soo maray. Waxa kale oo aan
hambalyeynayaa wax qabadka ay maayarka degmadda Gabiley Marwo Khadr
Xaaji Gaydh ay ku soo kordhisay gobolka mudadii yarayd ee ay xilkaas
haysay.
S: Sideed u aragtaa dilalka soo noqnoqanaya ee markasta ka dhaca
magaaladda Laascaanood, sideese ha loo abaaro arinta gobolkaas ayaad
odhan lahayd?
J: Inkasta oo wakhtigii aan anigu wasiirka daakhiliga ahaa aan la
galin Laascaanood oo ciidamadeenuna aanay sida ay maanta u dhaafeen
aanay u dhaafin, hadana anigu waxaan qabaa in dhibaatadda ka soo
noqnoqanaysa gobolkaas in lagaga bixi karo iyada oo la soo dhaweeyey
dadka gobolkaas, isla markaana la dhagayso waxa ay tabanayaan oo cid
walba iyaga looga sad buriyo.
Source:Haatuf
|