“Madaxweyne Geelle Waa Inuu Ka Dhabeeyo Codsigii Madax wey naha Somaliland” C/qaadir Maxamed Xasan Guddoomiyaha Bulshada Guurtida

 


Hargeysa, January 3, 2011 (TNN)- Guddoomiyaha guddida arimaha bulshada golaha guurtida Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) ayaa ku hambalyeeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ism aaciil Cumar Geele sida uu shacabkiisa uga aqbalay inuu mar sadexaad isu soo sharaxo jagada  madaxwe ynanimada dalkiisa, Kadib markii ay shacabka reer Jabuuti ka codsadeen inuu mar saddexaad jagadaasi isu soo taago.

Sidaa waxa uu Xildhibaanku ku sheegay mar uu shalay galab khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Haat uf,isaga oo tilmaamay in laba jeer oo hore uu ku guuleystay, taas oo ka timid kalsoonida shacabka reer Jabuuti xiligii talada dalka uu kala wareegay madaxweynihii hore Marxuum Xasan Guuleed Abti-doon.

sagoo ka hadlaya guddoomiyuhu arinkaasi waxa uu yidhi “Sababta keentay inuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle mar saddexaad isu soo taago jagada Madaxweynanimada Jabuuti, waxay ahayd, kadib markii uu kala soo dabaashay dalka duruufo kala duwan oo aad u qara-weyna xililgaasi, sida dhaqaalaha, qiima jabka lacagta farangaadka ah, Laydh la’aanta iyo dhamaan-ba adeegyadii asaasiga ahaa ee  dalka asi oo liitay, ayaa waxa aan shaki ka taagnayn inuu madaxweyne Ismaaaciil Cumar Geele inuu muddo kooban uu dalkiisa soo gaadhsiiyey meel aad u sareysa, taas oo maanta Jabuuti la odhan karo waxay ka mid tahay dalalka Mandaqada ugu horeeya haday tahay dhinaca horumarka dhaqan-dhaqaale iyo wixii la mid ah. madaxweyne Geele waxa uu dalkiisa ka soo bad-baadiyey dagaalada sokeeye ee afeeyey   wada mada dariskiisa ah. Waxa kale oo uu ismaaciil Cumar Geele ku guuleystay inuu keeno dalkiisa wadam ada reer Galbeedka oo uu ku qanciyo inay saldhigyo military ka sameystaan, si ay isha ugu hayaan khatarka kaga iman karta Ururada mitidiinta ah oo hada badidoodu ka dagaalama wadanka Soomaaliya. Si kale haddii loo dhigo ay ka soo gasho Jabuuti lacag aad u sareysa oo oo wax weyn ka tarta baahiyaha kala duwan ee dalkiisa”

isagoo hadalkiisa sii wata wax uu yidhi “Waxa kale oo uu ku guuleystay inay dalalka carbeed, gaar ahaan Imaraadka iyo Khaliijkaba dhamaantood inay maalgashi ku sameeyaan, isla markaana ka fuliyaan  masha ariic waa-weyn, iyo caawimooyin balaadhan oo ay siiyaan Jamhuuriyada. Dhammaan-ba talaabooyinka wax ku oolka ah ee aynu kor ku soo xusnay waxa ay timid maskaxda iyo caqliga caafimaadka qaba ee uu kaga duwan yahay Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle hoggaamiyayaasha African-ka ah intoo badan. Waayo waxa uu madaxweyne Geele ku dedaala baahi-tirista iyo raali-gelinta shacabkiisa”.

Waxaanu Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Madaxeynaha jamhuuriyada  J abuuti waxa kale oo uu ku guuleystay deris-wanaaga iyo soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed ee ay  wa daan duruufaha kala duwan ee dalalkoodi ka soo yaacay, taas oo aad loogu soo dhaweeyo aadna loogu amaano sida uu dadkaasi dhibaateysan u gargaaro ama u taakuleeyo. Haddaba, waxa waajib ah inay  h ogaamiyaasha Somaliland inay maraan ama ay kaga deydaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti  tala abooyinka uu qaaday ee ay mahadiyeen dadka reer Jabuuti isla markaana ay kala tashadaan oo ay wax ka weydiiyaan waayo-aragnimada Maskaxdda fiican ee Ilaahay siiyey inay kaga faa’iideystaan sidii ay ugu sahli lahayd Somaliland inuu ka dhaadhiciyo qadiyadeeda beesha caalamka, taas oo ay dhici lahayd ama ay suurageli lahayd, haddii ay sidaa yeelaan, madaxweynaha Jabuuti waxaan ku boorinayaa inuu ka dhabeeyo codsigii madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ugu jeediyay safarkii marti qaadka ahaa ee uu ku tagay dalkaasi, uguna ban dhigay inuu gacan ka gaysto horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland
 

 

Source: Haatuf