Ina Ka Badan 200 oo Qof oo ahaa Taageerayaashii KULMIYE Ee G/Gabilay oo Ku Soo Biiray UDUB

 

Munaasibad balaadhan oo lagu soo dhawaynayo in ka badan 200 oo qof oo ka mid ahaa taageerayaashii iyo abaabulayaashii xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabilay , ayaa si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga Talada haya ee UDUB.

Xafladan oo si weyn loo soo agaasimay waxa xalay ay dhacday Magaalo Madaxda gobolka Gabilay ee Gabilay.

Garabyada Haweenka iyo dhalinyarada waxa horkacaysay Marwo Foosiya Dubad Dhagoole ooh ore uga mid ahayd qaban qaabiyayaasha waaweyn ee xisbiga KULMIYE , waxaanay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay wakhtigan in qof waliba uu ka tashado mustaqbalkiisa iyo xisbiga uu codkiisa siinayo.

Marwadu waxa ay tidhi “Waxaan u farayaa fariin dhamaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE in ay wax ku qaataan saan saanta siyaasadeed ee xilligan , isla markaana ay qaataan go’aan wax ku ool ah oo saamayn ku yeelan doona mustaqbalka qoysaskooda iyo kan qarankaba”.

Foosiya waxay xustay in iyada iyo taageerayaasheedii xisbiga KULMIYE ku hungoobay ay cod iyo cududba la garab taagan yihiin xisbiga UDUB.
Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay Faadumo Yuusuf , Maryan Haddi iyo dhalinyaro ka mid ah gobolka Gabilay iyo Magaalada Arabsiyo oo kalsoonidii kala noqday Xisbiga KULMIYE , waxana ay dhamaantood ku tilmaameen in UDUB ay kaalin weyn ka qaadatay dib u dhiska iyo horumarinta Gobolka Gabilay.

 

 



Source:SN