Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Sh. Shariif Uu Damacsan Yahay Inuu
Ra’iisal Wasaare Ka Dhigto Nin Ka Mid Ah Ragii Ka Danbeeyey Xasuuqii
Jaziira Ee Lagu Gumaaday Shacabkii Somaliland Ee Deganaa Muqdisho
“Xasuuqii Ka Dhacay Rwanda Waxa Ka Xumaa Kii Shacbigeena Lagula
Kacay”
“Professor-Da Walaalaha Ah Cilmigoodii Waxa Baabiiyey Cuqdad Nafsi
Ay Ka Qabaan Dalkii Ay U Dhashe en”
Eng. Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, October 12, 2010 (TNN) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka
ah ee UCID Eng. Faysal Cali War aabe ayaa si kulul ugu
eedeeyey Madaxwaynaha xukuumada Taagta daran ee Somalia Sheekh
Shariif Sheekh Axmed inuu cadaystay cadaawada uu u qabo Ummadda
Somaliland, kaas oo sheegay in Sheekh Shariif uu damacsan yahay inuu
Raysal Wasaare ka dhigo nin magaciisa la yidhaahdo
Col. C/qaadir She ekh Cali Diini oo ka mid ahaa
saraakiishii Rajiimkii Siyaad Barre ee ka dambeeyey xasuuqii Xeebta
Jaziira ee laayey dad badan oo reer Somaliland ah oo ku sugnaa
Muqidhso, waxna aan galabsan.
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay Ra’isal wasaaraha uu soo
wado Sheekh Shariif nacaybshi yo uu u qabo Ummada reer
Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka
hadlay arin baryahanba hadal hay nteedu badnayd, taas oo
ahayd in Koox aqoon yahano ah oo ka soo jeeda deegaanka Awdal ay
wada an arin ka dhan ah Somaliland, isaga oo ku eedeeyey inuu
hormood ka yahay Prof. Axmed Ismaaciil
Sa mater iyo walaalkii, balse aanay bulshada reer Awdal la
qabin fikirkooda.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay
mar uu xalay khadka tilifoon ka ugu waramayey Haatuf isaga oo
ku sugan caasimada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa uu kaga had lay
booqashada uu Madaxwayne Siilaanyo shalay ku tagay Miiska
Saraaakiisha ciidamada qaranka, hal kaas oo loogu soo bandhigay
naqshada darajada ciidamada Somaliland.
Ugu horayn Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo ka hadlaya Ra’isal
wasaaraha uu Sh. Shariif Soo wado w axa uu yidhi “Ninka la
yidhaa Col. C/qaadir Sh. Cali Diini ee la sheegayo in Madaxwaynaha
Dawlada Som alia ee taagta daran Sh. Shariif uu ka dhigayo
Ra’isal wasaare waa nin ka soo jeeda Beesha
Mareexa an, inkasta oo ay beeshaas tahay ta qudha ee inoogu
aflagaadada yareyd Beelaha kale, hada ninkan la sheegayo in laga
dhigayo Ra’isal wasaaraha waa nin ka tirsan ragii tacadiyada u
geystey shacbiga S omaliland, waana nimankii sida wayn uga qayb
qaatey xasuuqii Jaziira”
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID mar uu ka hadlayey
dhibaatada shacbiga Somalia ka haysata dagaalada aan kala go’a
lahayn, waxa uu yidhi “Sh. Shariif waxa uu cadeeyey cadaawada uu u
hayo Ummada Somaliland, mar haduu damacsan yahay in uu Ra’isal
wasaare ka dhigo nin ka mid ahaa hogaamiyayaashii dadka reer
Somaliland ee aan waxba galabsan ku xasuuqay Xeebta Jaziira. Aduunku
wuu ogyahay in Somaliland iyo Somalia ay kala mareen laba wado,
waanay ogyihiin dawlada caalamku in aanay Sina iskugu imanayn oo
Somaliland 1991-kii ka tashatey Aayaheedii, Madaxwaynahaas
dawla diisu fashilanteyna waxa u ayaan daro ah in Ciidamo xasuuqaya
shacbigiisa uu dhexmushaaxo. Sh. Shariif Somaliland wax uu yeeli
karaana ma jiraan oo isagiibaa magaaladiisii aan gacantaba ku haynin”
“Sh. Shariif isku heli maayo in uu yidhaa Nabada Somaliland waanu ku
faana, Sh. Shariif Cadaawada uu Somaliland u qabo waxa cadaynaya soo
ururinta hadhaagii faqashtii, waa Nacaybshiyo wayn in uu shacbiga
Somaliland sanka ka marmariyo oo uu Ra’isal wasaare ka dhigo
Hogaamiyayaashii Xasuuqii Jaziira, dhawaana waxa uu Maraykanka
iskugu soo ururiyey Kornayladii ugu axmaqsanaa xiligii dawladii
Milatariga ahayd ee macangaga ahayd ay ka talinaysay halkan”
Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo baaq u diraya xukuumada
Somaliland, waxa uu yidhi “Xukuumada So maliland waxaan u soo
jeedinayaa in ay furto xafiis dadka ka qoro wixii loo geystey oo ay
caalamka ka furtaa kiisas ka dhan ah gacan ku dhiiglayaashaas,
Xasuuqii ka dhacay Rwanda waxa ka xumaa Kii Sha cbigeena
lagula kacay, waa in dawladeenu u hawl gashaa sidii caalamka loo
tusay xasuuqyadii Rwand in kuweenana loo tuso”
Mar uu Guddoomiyaha UCID ka hadlayey arimo Somaliland ka dhan ah oo
la sheegay in ay wadaan koox qurbo joog ah oo ka soo jeeda
Awdal oo uu horkacayo
Prof. Axmed Ismaaciil Samater, waxa uu
yidhi “Arinta laga soo sheegayo Prof. Axmed
Ismaaciil Samatar iyo walaalkii waa arin aad u fool xun,
laakiin figradaas lama qabaan nimankaas shacbiga Gobolka Awdal,
hadalkaas aadka looga xumaadana waxa keenay Saami qaybsigii
xukuumada. Labada Professor ee walaalaha ah Cilmigoodii waxa
baabiiyey Cuqd ad Nafsi ay ka qabaan dalkii ay
u dhasheen”
Mar uu ka hadlayey Socdaalkii Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku tagay
shalay Xarunta Miiska Saraakiis ha ee Ciidamada Qaranka ee
sida warsaaxafeedkii ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in uu
ma daxwaynuhu soo eegayey qorshe nashqad loogu sameyeeyey darajada
ciidamada, waxa uu yidhi “Waa wax wanaagsan oo lagu farxo in
ciidamadeenu helaan darajo, laakiin hadii ay dhacdo in ciidamadana
d hinac laga raro sida mansabyada kale ee xukuumada, waxa dhacaya
saluug ka wayn kan aynu hada ar kayno ee saami qaybsiga
beelaha, markaa waa in laga taxadiraa arintaas. Waa in xukuumada
Siilaanyo ka taxadirtaa Talaabadii xukuumadii Rayaale tababarka
Saraakiisha ugu diri jirtey shaqsiyaadka gaarka ah ee loogu talo
galay”.
Source:Haatuf
|