Ilma samatar aqoontey sheegtan ma waxay kala garan wayaayn xaga iyo baadilka?. Mise waa ku xumayn reer somaliland !
 


 

Nimankan walaal ee tariikhda beenta ka sheega mar walba, tariikhda leeyihin umada reer somaliland is idh ahda qari tariikhda sida dharaarta u cad ee umada somaliyeed aqoonsantahay:

Hadaba maxa ku kaalifay inay umadda dhan tariikhdeed ka been sheegan ?

Waa maxay xumaanta u hayaan dalkay ka dhasheen?

Ariintani waxay u baahan tahay in lagu sameeyo baadhi taan (Research).



Haddii aan u daadago dulucda maqaalkan , Axmed Ismaciil Samatar warraysigii u siiyay BBC, wuxu amaan dusha uga tuuray Nimankii Somali kala dilay! Sabaabta u ah burburkii Somaliyeed, waxa kale dhaleeceyay Niman daacad ah oo la dulmay, marka ilma Samatar, ariintoodu miyaaney  ahayn xaga ka hiili una hiili baadi lka, bal haddaba akhriistayal waa kuma Nimanka amaanta aan u qalmin siiyayn Nimankasi waa Abdirisaq Haji Hussein ( abdirisaq balaq balaq) iyo marxuun Aadan Cabbdale Cismaan (Aadan cadde), bal in yar ay nu ka taaban tariikhdooda iyo siday Somali madax isku galiyeen iyo dadkii Somali wayn jeclaa siday u nacsi iyeen.


Markii reer Somaliland u soo carfaysay saxan saxadii xoorriyaddu waxay dhamaan u hanqal taagayn som aliweyn shantii somaliyeed inay meel wax kula qaybsaddan,haddaba golihii sharci dejinta ee somaliland l ana soo doortay 17. Feb.1960 kii , ayaa fadhigoodi ugu horreeyay qabsaday 5 April 1960 kii , kuna qabsoo may hoolka shiirarka ee Goodirka Hargeysa, shirkaas waxa ka soo qayb galay 33 Xildhibaan oo ka kala soc day saddexdii xisbi SNL, USP IYO NUF, waxa kalo shirka marti ku ah badhasaabkii Somaliland Douglas.

Waxa maalinta shirgudoonka golaha loo doortay Jaamac Cabdillahi Qaalib, markii la gudo galay ajandihii ugu horeeyay ee goluhu ka doodi doono ka soo uu soo jeediyay Xil. Maxamuud Biixi (shuuriye) oo ka soo baxay Hargeysa Xusbiga SNL ka mid ah, ajandaha oo ah xornimo iyo midnimo, kadiba waxa la guda galay doodi ajandaha bal door xildhibaan hadaaladoodi aynu soo dheegano, xildhibaan micheal mariano oo ka tirsanaa Xisbiga NUF, lagana soo doortay Ceel Afwayn ayaa yidhi “ Soomaali oo dhanba doonaysa midow ga koonfure iyo waqooyi waxay midowga Somalia iyo somaliland u horseedi doonta Somali oo dhan siday u midoobi lahayd”.

Waxa kalo isna madasha isla soo tagay xildhibaan Ibraahim Cismaan Food (basbaas) , oo ka soo baxay deg mada Cadaadley isna wuxu yidhi “ shanta Soomaaliyeed waxay doonaya hal dawlad ,marka Soomaaliya wa xay xornimadeeda qaadanaysaa 1 july , annakuna waa in aanu maalintaasi qaadana xornimadayada si ay u suurto gasho inaan la midowno soomaaliya” iyo xildhibaan X. Ibraahim Nuur, oo ka tirsanaa xisbiga USP lagana soo dortay degmada Dila ,isna ariinta wuxu ka yidhi “ waxay Soomaaaliya qaadanaysaa xornimade edi kowda bisha Julay ,annakuna waa inaynu isku maalin qaadan si ay suurtogasho in isla maalintaasi aanu midowno”.

Waxa halkaas ka caad inay xildhibaanadi reer Somaliland isku raacsanayn in lagu biiro Somaliya bila shur uud , markiiba waxa wafti loo diray muqdisho 15 April 1960 , u hogaaminayo Mohamed Xaaji Ibraajim ciga al , Cali Garaad Jamac , Xil. Xaaji Ibraahim Nuur , Axmed Haji Ducaale , Xil yuusuf Iman , Xil Mohamed Ali Fa arax , Xil. Abdillahi Maxamuud Qablax iyo Xildhiban Muse Rabile Good .

Waftigan oo siday ajandii xildhibaanada reer ka soo doodayn iyo raabitaanka reer soomaaliland, waftiga reer somaliland waxa Air Port Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyihii Barlamaan ka Somalia, Aadan cabdalle Cismaan (aadan cade),  oo waardiye (bodyguard ) Siyaad Barre watay, markii shirkaas soo dhamaaday midoowgi bila shuruud ah ayaa hadan wafti loo diray London bishi May 2 1960 kii ,waftigan waxa hoogaam inayay Mohamed Xaji Ibraahim Cigaal , Cali garaad jaamac , Xaaji Ibraahim Nuur , Axmed Xaji ducaale iyo Maxamuud Cabdi Carrale.

Mmarka Ingiriiskii la kulmay soona hordhigeen ajandii xornimada ee xildhibaanadu ka doodayn iyo inay uma dda reer somaliland doonayso xornimadooda qaatan 1 july ,marka gumaysii Ingiriisku ka aqbaly inay xorni mada siiyan 26 June , sidii ayuu Mohamed Xaji Ibraahim Cigaal , gacantiisa ku saxiixay inay xornimada qaat an 26 June . Mohamed Xaji Ibraahim Cigaal oo BBC waraysatay ,markii heshiiska soo saxeexay ayaa hadal dheer jeediyay hadii aynu in yar kasoo qadano wuxu yidhi “ waxaynu u qaylinayney dawlad, maanta dawl adnimadii helnay, markas inaagu maanta ajinabi dibadda u saarna ama wadanka ka erina dhammaatay, ta si oo u inaga baxaya, maalinta July aynu israacayn inaagaa dalkeena iyo diinteena u talin doona niman So maliyeed hogaanka u qaban doonan ,marka caalamku waa ina eegayaa bal siday isku taalino”.

Waxa kalo inoo caadaynayaa inay balansan yihin markii Dougless u Hargeysa yimid 27/5/ 1958, waxa gab ay kula garnaqsaday Cumar Xuseen Gorse ( Cumar Australia), geerarkii beens heeg oo ula jeeday Ingiris ka been noo sheegay ,markii bixiyey dhulka hawdka (reserve area). Hadii tuducyo ka soo qaadanno khuse eya Somaliya wuxu yidhi.


Albaabkaa Xamar weyn

Iftiinka ka baxaaya

Indhaahaygu jiraan

Abtiirsiina ma guurto

Uunkay noogu xigaan

Arwaaxdayadu iyo kooduna

Waa ushaa iyo diirka

Odayna waa ka walaalo

Lixdankan is ognahay



Markaas waa inoo cad bulshadda reer Somaliland dhamaantooda inay doonay midowga jiibo Somali madax martay.

Haddaba caadaalad daaradii u samayeeeyey  Aadan Cadde aynu eegno, markii reer somaliland bila shuru ud la’aan ku biirany Somalia 1 july 1960 kii ,waxa malmo ka bacdi la dhisay dawladii somalia, barlaamanka waa laga dhigay 120 xildhibaan reer waqooyiga waa la siisay 33 xildhibaan reer koonfureedkina waxay  qa atayn 87 xildhibaan gudoomiya barlaamkan waxa loo doortay nin reer koonfureed ah isla malmahas  dhex dooda ayaa wax barlamaanka iska soo sharaxay aadan cade oo aqlaabiyadda haysta balmaanka cidi  kula may tartamiin sida ayuu madaxwayn ku noqday aadan cadde wuxuu ku dhaqaaqay cdaalad daridii ugu  ho rraysay waxannu raysal wasaare u magaacabay c/rashiid cali sharmaarke oo reer koonfureed  ahaa.Halk ay reer somaliland ka sugayeen mar hadii madaxwayn iyo gudoomiyaha baarlamaanka noqdeen reer  koon fureed in la siiyo raysal wasaaraha tiina maxay dhiciin, ka dar oo dibi dhal dawladii cabdirashiidna soo  dhis ay wasaaraddii ugu waa wayn sida wasiirka maaliyada , wasiirka dibadda , Taliyaha ciidanka qaranka iyo boliska , wasiirka dhaakiliga etc reer koonfureedka qaatay somaliland wuxu siiyey sadex wasaaradood oo aan markaa jirinba sida difaaca iyo beeraha iyo reer miyiga , aadan cade ariinta kamu hadal oo waa sidu doonayay laba nin ee u waatay waa cabdirisaaq xaji xuseen( abdirisaq balaq balaq) iyo siyaad bare  (afw eyn) labadiina midna wasiirka ariimada gudaba laga dhigay midna tali ku xigeenka somalia sidii ayaa barl a amka lagu horgeeyay xildhibaanadi reer somaliland way diidayn in la ansixiyo lakiin waa laga codbana 87 xildhibaan reer koonfureedka ansixiyey. Maalinta reer somalilandkii ku faraxsan somaliwayn gabaal baasba u duumay muruq iyo dabiinto ruugan.

Dhinac kale bal isna aynu eegno cabdirisaaq xaaji xusseen oo ah Ninkii bilaabay fidmada somaliyeed , hada aladiisan ka dareemayso cuqdaad gar ah uu ila waligii u haya isaago maanta 90 jira been sheega, Bal  had daba marii wasiirka ariimada gudabaha somalia ah, markii xukumada la dhameeyay ummada reer  somalila nd ka cadhootay sida wax loo gaybiyey.xumaanti ay waday kooxdii aadan cade iyo cabdirisaq markay  ciid amadii qaranka ee madaxda laga wada dhigay reer koonfureed oon lahay tobobar milatari, halkay kuwa reer somaliland tobobar milatari haystay oo ku soo gaatayn ingiriiska, taasina abuurtay cadho saraakiisha iyaago u arkay wanaag ahi ka soo jeedin maaamulka koonfureed,waxay saraakiil dhalinyaro ahi go’aan ku gaadheen inay qori caaradii ku soo celiyaan madaxbanaanidii ka luntay immada reer somaliland 17/12/1962 kacdoonka military waa ka fashiilmay markii la dilay hogaamiyihii Abdillahi siciid caabi intii kale waa la qabqabtay markii ariintasi dhacday abdirisaaq xaji xuseen ( balaq balaq) ayaa ka hadlay bbcda  wu xu yidhi reer waqooyin waalan ee bila shuruud iska yimid inay wadan dib u kala jaran ka yeeli maayo, sar aakiishan yar yar khiyaamo qaran ba lagu qaaday dil toogasho ah, maalinta wixi ka dhanbaysey wuxu soo saray qorshe ku salaysan sidii cagta hoosteeda loo galin laha somaliland wuxuu soo jeediyey

1. In  dhamaan saraakiisha ciidamada milatari , booliska , macalimiinta , shaqaalah dawladda cidkasta oo masuul ahuna dhashay somaliland loo soo badalo koonfure .

 2, in si hoos hoos ah loo curyaamiyo dhaqaalahooda , oo aan mashaariic badan laga fulin, dadkoodana  cii danka lagu badin , waraaqaha ganacsiga ay xamaar usoo doontan ,wixi shaqo ahna xamar laga qoro, Arii nta waxa ka gows adeegay abdirashiid ali sharmarke una arkay khalad laga galaayo ummad dhan marka abdirisaaq oo saaxiib la ah aadan cade kana midka ah Ninkii 87 xildhibaan u qorsheyay koonfurta ayaa u arkay inaan qorshihiisa fulay intu cabdirashiid jooga loona arkay abdirashiid nin u arkay in reer somaliland la xumeeyey balan qaadya haga horumarinta u balan qaaday waxna u qaban doono ,markiiba aadan cade , cabdirisaaq balaq balaq iyo afweyn ayaa shiray.


Maddaxwayne aadan cade wuxu raysal wasaare u magacaabay c/risaaq xaaji xuseen( balaq balaq) 1964, magaacaabista la magaacaabay Abdirisaaq balaq balaq raysal wasaare waxay naxdin wayn ku riday reer somaliland iyagoo u arkayey nin isaaqoo wasiirka daakhiliga ah saaray cuna qabataynta iyo cadaadiska mar haduu noqday raysal wasaare inay xeradood ba’day.

Markii cabdirisaaq balaq balaq laga ansixiyey barlaamka reer koonfureed ah 87 xildhibaan ayuu bilaabay sidu u bahdili laha reer somaliland wuxu cabdirisaaq ku dhaqaaqay sidu u sharciyayn laha midnimada , si uu gacan birr ah ugu qabto reer somaliland, c/risaaq balaq balaq wuxu markiiba soo bandhigay shan  qod ob oo uu ku doonayay inuu sharci u helo cadaadiska reer somaliland ,waxannu baarlamaankii reer koonfureedka u badna soo hor dhigay shantan qodob.

1) in distoorkii ay somaliland codka ku diideen la ansixiyo si midnimadu ansax u noqoto.

2) in 1 July loo aqoonsado maalintii midnimada iyo maalin qaran, 26-ka June maalin gobol.

3) In dakada iyo madaarka Xamar laga dhigo meelaha laga soo dajin karo, laga dhoofin karo(Caalami) inta kalena laga dhigo daakhili aan waxba laga soo dajin Karin isagoo u jeeda dakada bebera iyo madaarka Hargeysa.

4) In xisbiga SYL laga dhigo xisbi kaliya oo qaran isagoo u jeeda in SNL oo dhalisay xornimadii somaliland taariikhda laga saaro.

5)In dalka wixii Gaalkacyo ka hooseeya loo aqoonsado Waqooyi, isagoo uga danlahaa laba arimood in uu taariikhda ka tirtiro xuduudii mustacmarka ee u dhaxaysay somaliland iyo Somalia iyo in uu ku xalaashado jagadan reysal wasaaraha uu haysto oo loo aqoonsado nin reer waqooyi ah.

Iyadoo dadkii reer somaliland yaaban yihiin ayuu cabdirisaaq balaq balaq airport hargeysa ka soo dhagay waxaanu ummadii reer waqooyiga kala kulmay waji gabax iyo mudahaaradyo lagala hor yimid dhinac  galb eedku u dhaafay isaago sii maray gabiley reer gabileyna mudaharad iyo gabayo ayaay kala horyimaadayn eerayadii abwaanadu kaga turjamayeen aragtida shacbigooda waxaa ka mid ahaa erayadii C/laahi  Sulda an Timacade(AHUN) isaagoo af mugii ugu sheegay goob fagaaro ah kula garnaqsaday ayuu waxa yidhi  Sul dan Timacade “ dawlad soo gashay manihiine, danteenna laba diiday, dakadii xamarbaa leh, Berbera daad ku ha qaado, labaddaa kala daaya, oo yaan loo daymo la’aan” halkaas wuxu ku cadeenaya dakadii  barba re reer waqooyiga laga cuna qabateeyay, abdirisaaq balaq balaq isaago gafuurka buuray oo waji gabax kala soo kulmay hargeysa iyo gabiley ayuu u dhaafay borama markuu borama gaadhay reer borama  dhab arkey u jeediyayn cadho kaga dhoofay somaliland isla markiiba safarkiisa waa soo gabo gabeeya  muqdhi so dhib ugu noqday , hadan wuxu soo saaray qaraar ah inaan laga dhisi karayn fooq saddex dabaq ah wa qooyi, in ganacsadu muqdisho dagaan , in basaabooradda laga bixiyo muqdisho marku sii laba jibaaray  ca daadiskii ku hayaay reer waqooyiga ayuu C/laahi Suldaan Timacade Muqdisho kaga dabo tagay si u cabaa shadii dad wayn reer Somaliland u gudbiyo marku arkay inaan cidba dan ka lahayn oon aan dhag loo  dhug ayn cabashadooda ayuu Cabdillahi Suldaan Timacade ,si cadho leh ugu cabiray gabay uu ku tilmaamayo waxay u socdeen iyo waxay la kulmey, bal dhoor tuduc ka soo qadano “ Halkaan dawlad soo koradhiyo,da r ajo eegaaayey ,ayuun baa sidii buul duqeed daaha loo rifaye, ninowna dawlad baa Xamar fadhida, haw durbaan tumin” .Waa kaloo ka mid ah gabayagii u ka tiriyey sida cadha leh gabaygii Maandeeq, ee C/laahi Suldan Timacade ku lahaa:

Annagoo gantaalaha dhaciyo ,haysan qori gaaban

Hashaan gaadda weynow libaax ,u gabaan waayey

Inaan Gorato Cawl  uga tagaa ,waa hal soo gudhaye.



Markii gaadhay 1967kii oo ah tartankii doorashada ayaa waxa iso sharaxay c/rashiid cali sharmaarke iyo aadan cabdule cismaan( aadan cade), dadka reer somaliland way ku kacsanaayan dawladii aadan cadde waxay si aan kala hadhlahay ugu codeeyan c/rashiid cali sharmaarke tartanka doorashadu waxay guushu ku raacday c/rashiid ali sharmarke, waxaanu raysal wasaare u magaacaby mohamed xaji ibraahim cigaal oo reer somaliland ah. Maalinta reer somaliland waxa usoo noolaatay rajaadi , xaga maamuulka ciidanka iyaago qayb laxaad leh ka helay sida taliya ciidaanka booliska laga dhigay janaraal jamac ali qoorsheel oo reer somaliland ah iyo taliye ku xigeenka ciidamada qaranka oo laga dhigay sareeyo guuto maxamed  cayn aanshe oo isna reer somaliland ah, xaga horumariinta mashaariic oo au ka mid ahay biyo gaalintii  Hargey sa , biriishka iyo wadad dheere ee burco ila baladwayne ah , iskuul iyo ceelal biyo ah.

Dhinac kale markii dawladii abdirashiid reer waqooyigu meela fiican ka helayn ayaa wax ka xanaaqay  C/ri saaq balaq balaq ,oo ahaa  ninkii curyaamiyay Gobal waqooyi , una arkay in shantii qodob ee muda soo dhi say daaqada laga tuuray ,waxanu aad uga cadhooday booska Taliyaha Booliiska ee loo magacaabay Qoorsheel, markiiba u bilaabay sidu dib uga sifayn laha Ninka reer waqooyiga, markiiba cabdirisaaq wuxu bilaabay shiraar Isaago la shiray saaxiibkii Aadan Cade iyo Afwayn Barre, waxay ka doodayn in C/rashiid ama ina Cigaal dilaan, lakiin dilka ina cigaal , waxay u arkeen in reer Somaliland cadhoon doonan, ka dibna iyagu halis ku gali doonaan, marka waxay go’aan ku gaadhayn in la khaarajiyo Abdirashiid Cali Sharmaarke isagoo lagu dilaayay reer Waqooyi ayuu la saaxiib yahay.

Kooxdii C/risaaq hogaaminayay, Cabdillaahu Yusuf iyo Siyaad Barre u xilsaaray fulinta hawsha ,waliban c/risaaq ,wuxu go’aamiyay inay Ninka dilay Cabdirashiid noqdan nin Majeertayn ah ,si aan loosii dabo galin oo la yidhahdo laba nin oo isku reer is dilay, sidii ayuu hawsha Siyaad Barre ku fuliyey laguna dilay Cabdira shiid Cali Sharmarke, laascanood 15.10.1969, isaago ku guuraya nin reer Somaliland ah oon fahansanayn Ninka fikirka dilka iyo inqilaabka keenay Cabdirisaaq Balaq Balaq yahay.


Haddaba Ilma Samaatar ,Nimankay ku sheegayaan daacadda iyo dadkii ugu wanaagsan ,miyaanay  ahayn kuwa  Tariikhda Madoow leh,  ee Somali kala dilay. Waxan aad ula yaabay marku Ninka aqoonyahanka isku sheega Axmed Isamatar BBC ka yidhi “ Doorashadii 1967 kii ,Abdirashiid iyo ina Cigaal way ku shuubteen” cajiib!!

Waa su’aal , mucaarid iyo muxaafid keeba ku shuban kara doorashada? , dee illayn waxa tartaamayay Aadan Cadde ,oo ahaa madaxwaynaha Somaliya iyo cabdirashiid , oo ahaa Musharax mucaarid ka hogaami nayay, bal caqligiisa eeg Ninka leh Aadan Caaddo madax wayn ah iyo Cabdirisaaq Balaq Balaq ,oo Raysal w asaare ah, ayaa laga shuubtey kk.

Waxa ariin aad looga xumaado ah ,Qof u hiilinaya Baadilka kana fiilinaya Xaqa. Maanta inay been ka sheeg aan Tariikhda Mohamed Haji Ibraahim Cigaal , oo xag darro lagu xidhay 8 sanno, Tariikh wayn ku leh Soma alia iyo Somalilandba,  iyo Cabdirashiid Cali Sharmarke, oo gacan ka gar daran dhishay ,oo doonayso inaad tariikhdooda sida qoraxda u cad, inay gariyaan.

Budh cadka Tariikhdu , waa Ila Samatar,oo  mar kastaba  ammaanan Cabdirisaaq Balaq Balaq , Aadan Cad de iyo Afwayn Barre, siiba Cabdirisaaq , oo labada  walaalihii  u haystaan Boqor , bal ha soo sheegan Cabd irisaaq Balaq Balaq wuxu Soomaali u qabtay?.



Fiiro gar ah : Qofkii dhibsada maqaalka ama qoralka raali ha iga ahaado tariikhda somaliland wax maqal iyo buugaag lagu soo koobi karo maha.
 

 

 

 

 

Mohamed Cabdillahi (Mohamed Dheere)
Malaysia KL