ILAAHAY BAA U JOOGGA!!!


 

 

Asalaamu Alaykum


Salaan ka dib, wararka ay isu dirayaan hayadaha iyo shaqaalaha ajaanibka ah ee ka shaqeeya Somaliland waxay tahay in ay ka soo baxaan ama aanay tegin Somaliland bilaha soo socda taas oo ay sabab uga dhigayaan in uu wadanku khatar ku jiro lagana cabsi qabo in ay  dagaalamay aan dawladda oo adeegsanaysa ciidamada iyo xisbiyada mucaaridka ah oo soo hubeeyay  shic ib.

Haddii ay haddaba arrintaasu jirto, waxay ahayd maadaama aanaynu ka bixi karin xisaabtankii nafteena uu ilaahay inala xisaabtamayay taas oo aan u arko in qof kasta ku culus tahay in uu ka soo baxo waajibaadkii uu ilaahay inaga rabay, waxay ahayd in ay dadku ka ordaan  masuuliy ad kale oo u keenta xisaabtan kale uu ilaahay la xisaabtamo taas oo aad u culustahay  ciqaabt eedu. May ahayn in ay maanta dadku u tafa xaytaan oo ay naftoodu ku degayso oo kaliya in ay wadanka madax ka noqdaan ama ay kursiga ku dheganaadaan, dhaqaalaha wadankana  iya ga uun haystaan oo iska leeyihiin.

Waxaan aamin sanahay in aan Somaliland la siinayn ictiraaf dawladnimo haddii kun doorasho la kalo iyo haddii aan la galinba. Waxaa dadkeenii lagu mashquuliyay in doorasho taas oo ka  jeedi say qabsashadii mashaariicda horumarka. Mashruuca doorashada waxaa ku hoos laaban in  da gaal laga dhex rido dadka walaalaha ah ee wada dhashay kuna wada nool nabadda.

Waxaan talo u soo gudbin lahaa dhamaan dadka jecel nabad kuwad noolaanshaha in ay ka  tas hadaan sidii ay dalka iyo dadka uga saari lahaayeen marxaladda uu ku jiro, waxaan u jeedaa  w aa arrin meel u taal in dawladdo iyo dad badan ku tashadeen in ay dagaal ka ridaan Somaliland.

Guurtidu waa in ay ka sii tashadaan cidda ay u magacaabayaan madaxweyen iyo ku xigeen si ay wadanka uga badbaadiyaan jahawareer ku yimaada, hantida dadka oo la dhaco, iyo dadka dhiiggooda oo loo daadiyo siyaasad dibedda laga soo dhoobdhoobay.

Fadlan ogow in ay doorashada wadaan oo maamulayaan isla dadkii shalay lagu eedeeyay in ay wax kharibayaan, kuwaas oo samaystay magac cusub dadkuse waa kuwii hore ciddise kama hadasho waayo waxay kicinaysaa xasaasiyad hor leh.

Waxaan codsi u soo jeedinayaa dadka website-yada, jaraa'idka iyo raadiyowyada maamula in aanay dadka ka ilaaliyaan in ay shicib weynaha u soo gudbiyaan qoraalada iyo doodaha ay soo gudbinayaan dadka lacagaha ku soo qaatay in ay dadka iska hor keenaan amase abuuraan arr imaha doqoni ma garatayga ah si ay u qariyaan ujeedadooda ku maldaha iyagoo dadka u  tusa aya sii oo ay u gudbinayaa dood si qof kastaa uga dhiibto rayigiisa. Haddii aan ka soo qaato waxaa ka mid ah arrinta hadda meel kasta ku qoran ee labadii marxuum ilaahay ha u naxariisto eh Cabdiraxman Ahmed Ali iyo Mohamed Haaji Ibrahim Cigaal, halkii ay odhan lahaayeen u duceeya ay u baratansiinayaan si casabiyad iyo qabiil loogu kala hiiliyo. Waxa kale oo ka mid ah baratanka ama cayda dadka ku kala nool magaalooyinka dalka iwm.

Waxay ila tahay culays weyn ayaa saaran dadka hadda maamula dalka mid dawlad ku jira, mid guurti ah, mid parliament-ka ku jira iyo ciidamada kala duwan ee dalka shaqadda u haya. Culayskaas oo ka jira xag siyaasadeed mid bulsho iyo mid dhaqaaleba.

Waxaan idinku guubaabinayaa idinka oo og maanta waxaa agagaarkiina iyo meel idinka fog ka dhacaya aanaydin wadanka u nicin oo dab u qabadsiin nacaybka qof maamul u haya waayo,qo f ku wuu dhiman karaa wuuna iska tegi karaa laakiin dhibaatada wadanka gaadhaa in uu ka soo kobtay waxay qaadanaysaa 20 ilaa 30 sano iyo wixii ka badan. Fadlan ku fakir in aad  wadanka aga iyo dadkaaga in aad jeclaato ee aanay kuu muuqan in hesho magac, mansab iyo xoolo.

Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa, maadaama ay guurtidu shalay doorteen  Cabdirax man Ahmed Ali, Mohamed xaaji Ibrahim Cigaal, iyo Daahir Riyaaleh Kaahinba in ay iminkana  gu ntiga dhiisha iska dhigaan sidii ay uga sii tabaabushaysan lahaayeen oo wadanka iyo  dadkiisa ba u badbaadin lahaayeen haddii sida lala rabaa ay rumowdo. Ilaahay ayaan ka baryayaa in ay wax kastaa khayr iyo fiicnaan ku dhamaadaan.
 


Wabilaahi Towfiiq
 

 

 

 

 

Walaalkiin Caydiid Axmed Jamac
Melbourne
Australia