Marwo Cibaado Maax Cilmi oo Ka sharaxan Golaha Deegaanka Gabiley ayaa ugu baaqdey Qurba jooga reer Gabiley in ay kaalmo gaadhsiiyaan oo caawiyaan qoys xanuun ba' ani haleelay oo mudo dul fadhiyay Tog-wajaale
 

 

Marwo Cibaado Maax Cilmi

 

Tog-Wajaale (TNN)- Marwo Cibaado Maax Cilmi oo ka mid ah Xubnaha Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye uga Sharaxan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley isla markaana inta badan ka qeyb qaadata Arim aha Bulshada Deegaanadan ayaa baaq usoo jeedisay Qurba jooga Gobolka Gabiley in ay soo caawiy aan Qoys danyar ah oo dhibaato Caafimaad daro haysato qoyskaas oo hada ku sugan Gudaha Maga alada Gabiley.



Marwo Cibaado Maax Cilmi oo ka mid ah Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye uga Sharaxan Golaha Deegaa nka Degmada Gabiley waxey baaqan usoo Gudbisey Shabakada Wararka Timacade News kaga cods aneysaa Guud ahaanba Qurba jooga Reer Somaliland iyo Qurba jooga kasoo jeeda Gobolkan Gabiley in ilaalahy dartii kaalmo ugu soo deeqaan Qoyskan Xanuuunka ba'ani haleelay oo isaga iyo Qoyskiisa ba uu haleelay Xanuun halis ah oo curyaamiyey, kuna sii fidiya Qeybaha jidhkooda, waxey ugu baaq dey in ilaaahy inagu eegayo oo la inoogu naxariisanayo wixii kaalmo ah ee aynu u fidino ayay Tidhi Marwo Cibaado Maax Cilmi.



Ninkaas oo hore u ahaan jirey Ganacsade uu Ganacsigiisii baabay Sahal Cusmaan Cabdi oo ahaa Gan acsade markii hore faraha ku hayay inta kale ee qoyskiisa ah ee dhibaatadaa Xanuun haleeshay ha seyeeshee, uu hada ka baabay ganacsigaasi, kaas oo mudo badan dul fadhiyay Magaalada Tog-Waj aale oo uu ka doonayay in laga caawiyo dhinbaatada Caafimaad daro ee Saamaynta ku yeelatey oo uu u geeriyooday mid ka mid ah qoyskiisa Xanuunkani asiibay.



Waxaa kale oo ay baaqan u soo jeedisay Marwo Cibado Maax Cilmi in ay Bulshada kale ee ku nool Gu daha Gobolka Gabiley in ay iyaguna ilaahay dartii u caawiyaan oo ay u kaalmeeyaan Qoyskan dhibaa taeysan ee danyarta ah taas, oo la inooga baahan yahey in aynu u naxariisano oo inagana illaahay inoogu naxariisto Waxaanay Marwo Cibaado Maax Cilmi sigaar ah ula hadashay Ganacsatada kala du wan ee Somaliland iyo kuwa Gabiley kasoo jeedaaba in ay kaalmo u fidiyaan qoyskaa danyarta ah e e baahida iyo Xanuunku isugu biirey ee aan loo adkeysan karin dibatada haysata.



Waa markii u horeysay ee Xubin ka mid ah Xubnaha u tartamaya Golahan Deegaanka Degmada Gabil ey, uu naxariis u muujiyo Qoys ku dhibaateysan Gudaha Magaalada Gabiley iyadoo, Marwo Cibaado Maax Cilmi aad uga duwan boqolka Murashax ee u tartamya in ay ka mid noqdaan 21KA Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo ay awal hore kaga qeyb qaadan jirtey Arimaha Bulshada iyo taageerada danyarta.


 




Wariye C/raxmaan-Hiiraan
Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland
Email:hiiraan2007@gmail.com