ILA QOSOL
Nabad
akhristayaal,
Wadaad Soomaaliyeed ayaa beri reer adhiley ah soo martiyey. Markii ay reerkii arkeen haybadda diineed ee ka muuqata, ayay wadaadkii aad u karaameeyeen oo ay is yidhaahdeen ducada kala hadha - si ay dad iyo d uunyaba u barakoobaan! Markii uu adhigii reerku fiidkii soo xero galay, ayaa wadaadkii loo loogey (qalay) lax tabis ah -waa tu shilis oo aan sannadkaasi dhalin oo wada baruur ah! Laf iyo lud wixii ay lahaydna, habeenimadii ayuu sheekhii ku war diyey! Socodkii uu soo galay iyo hilbihii uu xalay ka hirqaday awgood, dacar ama qaras ayaa wadaadkii ku kacday! Haddaba, isaga oo bastii ah oo laqanyo la jiifa; ayaa subixiina markii adhigu dareerayey, wan saddex jir ah adhigii laga soo reebay oo meel agtiisa lagu soo xidhay - si maalinimada loogu qalo wadaadka.
Warba waa ka dambeeyee,
mar kasta oo uu
wankii ciyaba, sheekhii
matag
ayuu ka wareegayey - sii deynay ey!
Wadaadkii oo ildaran oo hiil iyo habarba
u jabay, ayaa mar dambe dhawaaqay oo
dhawr jeer yidhi, "Waar
laxda meesha ka fura!
|