ILA QOSOL

Nin Dhaldhalaalku Hodey
 

Nin Soomaaliyeed oo iska ladnaa, ayay xaaskii ka xanuunsatay. Ninkaasi wuxu ahaan jirey, nin aad u dhawrsan oo aan maqaaxiyaha waxba ka cuni jirin ee reerkiisa ku kooban.
Xanuunka haweenaydiisu wuxu ku kallifey, in uu markii ugu horreysey in muddo ah; meel aan gurigiisa ahayn u qado tago!
 Haddaba, markii u go'aansaday in uu dibadda wax ka soo cuno; ayuu xasuustay hudheel aan ka fogeyn oo beryahaasi la furay. Hudheelkaasi oo ahaa mid si casri ah loo dhisay oo qurux badnaa, ayuu is yidhi, " Mar haddii aad meel tegeysid kaasaa kuu qalma oo cusub ee soo hubi."
 Intuu hudheelkii galay oo soo faraxashay ayuu meel cidhif ah oo asturan fadhistay - si aan loo arag isaga oo makhaayad wax ka cunaya oo aan loo ogaanin xaaladda reerkiisa.
Markii uu cuntadii dalbaday, ayaa loo keenay; cunto aan dhandhan iyo dhashiir midna lahayn oo weliba qabow! Dabadeedna, mid ka mid inamadii shaqaalaha ahaa ayuu u yeedhay; isaga si tixgelin leh, uga codsaday in cuntada loo soo diiriyo. Inankiina si ixtiraam leh ayuu cuntadii uga qaaday oo u soo diiriyey.
Markii uu is yidhi cuntadii cun, ayuu ka yaabay dhandhan xumadeeda. Yarkii ayuu mar labaad u yeedhay oo ku yidhi, " Waar bal jeex liin ah iyo shigni ii keen." Waana loo keenay - mase u dhandhamaysaa! Isaga oo cadho ka muuqato, ayuu inankii ku yidhi, " Waar ninkii makhaayadda lahaa mee? Ma waxanaad dadka iibisaan?"
Inankii oo hadalka ninka dhibsaday, ayaa yidhi, "Haddii aad dooneysid ninka makhaayadda leh, orod oo u sheeg waa makhaayaddaasi ka qadaynayee!!"
Ninkii oo yaabban ayaa halkii ka kacay oo yidhi, "
Adeer i soo xisaabi, anigaa waallaa marka aan wax u soo doontay; meel ninkii lahaaba ka qado tagaye!"

Dhaldhalaalka ha eegan
Ee halka aad ku dhergeysid
Iyo dhandhankaa la xushaa!

 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com