ILA QOSOL
Salaan maamuus iyo milgo
ku dheehan tahay marka aad guddoontaan kaddib, ku soo
dhawaada akhristay aal ; sheeko kale oo ka mid ah,
sheekooyinkeennii, Ila Qosol
Nin reer miyi ahaa ayaa
beri magaalada yimid. Markaasuu arkay dhawr nin oo ay
yaraantii miyiga wada joo gi jireen oo markii ay
magaalada soo galaan ganacsato noqday oo calool yeeshay
(xaydhaystay)!Markaasuu
la yaabay nimankii inta ay calooshu le'ekaatay.
Ninkan reer miyiga iyo nimankan
xaydhaystay oo tol dhow ahaa, laakiin laba jilib ka ahaa
ayuu la kaftamay oo ku yidhi, "Waar
waxan beryahanba is idhaahdaa, nimankii reer hebel
waydinkii ka badnaaye; goorma ay ay idin dhaafeen?"
Wuxuna sii raaciyey, "
Waar illayn waa
niman xin dhalaya oo haween daaye, raggiina u dhalayo!"
Isaga u-la-jeedey
calooshoodan weyn
ee aad moodid,
in ay
uur
leeyihiin!
|