ILA QOSOL

Waxa la yidhi, nin baa beri maskaxda ka xannuunsaday. Waxana la geeyey, meelaha dadka dhimirka ka buka la geeyo.
 
Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah oo cadceedu aad u kululaatay, ayuu ninkii arkay, bisad yar oo harraadaan oo qorraxdii taagan.
Inta uu ka naxay oo uu soo qabtay bisaddii, ayuu weel dharka lagu maydhi jirey biyo ku shubay oo bisaddii ku dhexridey. 
Ayada oo xaalku halkaasi marayo, ayaa waxa ninkii oo bisaddii u maydhaya soo maray, mid ka mid ah dhakhaatiirtii goobta. Wuxuna weydiiyey ninkii, sababta uu bisadda biyaha ugu dhexridey!? Ninkii xanuunsanayey, ayaa ugu jawaabey; jawaab uu dhakhtartku aad ugu farxay oo ahayd, "
Waa nafley oo waan u qaboojinayaa!" 
Dhakhtarkii oo aad ugu farxay jawaabta u bukaanku siiyey, ayaa ka tegey. Mar dambe oo uu dhakhtarkii arkay bukaankii, ayuu weydiiyey bisaddii iyo halka ay tagtay. Bukaankii ayaa ugu jawaabey, " Waanigii xafuujiyey ee xadhigaasi ku wadhay!"
Shaaw, inta uu sidii dharka u maydhay oo ay dhimatay; ayuu xadhiggii dharka lagu wadhayey jirey ku wadhay!

Miyiroow ba'! Allahayoow maanka noo daa. Inta buktana noo caafi.

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com