Huuno: Dillay Colaada iyo
Baqamaalka jooji
Jacayl aan lagula wadin
waqtigaaga yuu lumin
Guud ahaan Geeska Africa abaar baa ka dilaacday, Gabiley iyo Dilana
waaba loo ga sii daray oo hub iyo ciidan dulsaar ah
(occupation force) iyo guutooyin ergo sheegatay oo aan sharciga iyo
distuurka midna waafaqsanayn oo dhiilooyinka ka faa’iideysta, ayaa
waxtar iyo deeq looga dhigay. In uu dhiig ququlo oo dhagari
timaad ayaa codkii lagaga doonayaa. In distoorkii iyo sharciga uunku
ku heshiiyey lagu dumiyo oo iyaga marmarsiiyo looga dhigto ayaa la
bilaabay. Guutooyinka Ergada sheegtay calaacal docaysan iyo qaylo
aan dheeli tirnayn mooyaane wali go’aankii qorshaysan lagama hayo.
Ilaahay umma kala eexan labada beelood, oo labadoodaba beerihii way
ka ba’een, lo’dii way dabar go’aysaa. Gaajo, haraad, cudur, jahli
iyo darxumo ayay la liitaan oo ay la wadaagaan ummadii Somaliyeed oo
dhan.
Adeeg dawladeed iyo waxqabad labadaba beeloodba, xidigta shuhuudaa
shishadeedaa laga geeyey oo dawladu labada beelood iyo kuwa kala
umma kala eexan iyada oo ka duuleysa sinnaanta iyo cadaalada
dulaynta iyo durxumaynta, in bulshada la wada gaadhsiiyo, adeegna
loo wada diido.
Haddii xagga Rabbi iyo xagga dawladda mid uun ay wax ka heli
lahaayeen labada beelood midkood, ka kala wuu la wadaagi lahaa oo
marna kama qadeen oo waa wiil iyo abtigii oo waa isku deegaan.
Marbuu iibku deeq yahay oo way kala iibsan lahaayeen, waa kala
ammaahan lahaayeen, way isa siin lahaayeen. Jiilaal bax marna lama
kala waayeen.
Hasayeeshee kadabkood wuxuu go’ay markii ilaahay abaartii ka simay,
dawladiina waxtar la’aan ka siintay. Haddii intuu colaada
dhiirigelinayo si uu u cimri dheeraysto maamulkan dadka qaarkii
Awdal u tiranayaan, oo uu waxtari lahaa reer Dila, reer Gabiley kama
qadeen, ummada kalana waxbaa ka gaadhi lahaa, hasayeeshee, dhegleydu
ku shubay waa dhankastaba ha lagu qado, dhankastaba ha laga baroorto.
Intaa dulmar iyo warkii guud iyo xaalada looma ooyaha Galbeed uu ku
sugan yahay dheh. Haatana aan u gudbo milgihii iyo xeerarkii
qodaalka ee soo jireenka ahaa.
Milgaha iyo Xeerarka sooyaalka bulshada
qodaalka ama beeraleyda
Xeerka qodaalka ee sooyaalka ah, dhulka beeraha ah iyo deegaankiisa
xaynta iyo lo’du u daaqdo, ninkii degan ayaa iska leh, ninkii
qardobixiyey ayaa iska leh. Ninkii geedaha ka jiray ayaa isku leh,
ninkii gufida ka saaray ayaa iska leh, ninkii sardida iyo burxaanta
ka saaray ayaa iska leh, nin rogey kadibna shinaystay ayaa iska leh..
Sida xeerka qodaalku dhigayo ninkii dhul beereed iyo degaankeeda, ku
murmaa wuxuu la mid yahay nin ilmo aannu dhallin ku murmaya oo
sheeganaya..
Anshaxa iyo Asluubta
Xeerka qodaalku wuxuu dhigayaa in shareecada islaamka iyo
heshiisayada la wada galo, loo wada hogaansamo oo loo dabacsanaado,
ciddii ka baydhana la yakeeyo. In la ilaasho anshaxa iyo asluubta oo
laga gudbo anshax xummada (anti –social behaviour) oo la yareeyo
qaylada iyo qaxarka, oo wax walba laga horeysiiso xaquuqda ologaaga
iyo in uu qof waliba ka kale qadariyo, dulqaad iyo xamilna uu qof
waliba ka kale u yeesho. Waa sobobta keentay in ay yeeshaan cod
dabacsan, ereyada naxariista iyo nabada huwan ee halaysiga ah sida
Huunno, aaddo, abbowe, abaayo iyo qaar kale oo badan, oo aanay
raacatadu garan Karin sobobta codka loo hoos dhebe.
Aargoosiga
Qodaalka aargoosi beelnimo iyo aabahay goblin wuu ka reeban yahay.
Haddii laba qof oo made ka dhexeeyey is dilaan, hebel ha loo aaro
lama yidhaa, diyaa la kala qaataa, maxaa wacay, beerta labada isku
dishaa had iyo jeer waa laba isku beer xigta oo amma ilanmaadeer ah,
amma ilmo abtiye, sidaa daraadeed, bal isweydiiyoo beeshu yay u
hiilin ayayse ka hiilin.
Waxaa taa sii dheer lama guuri kartid oo habeenba meel ulama hoyan
kartid beertaada,sidaa daraadeed waad ku khasban tahay in adigu aad
u hawlgasho sidaad ula heshiin lahayd deegaankaaga. Beertaada daruur
aan ku dul hoorin umma doog dhebi kartid.sida xoolaha nool. Waa
bulsho meel wada degan oo aan weligood kala guureen, oo ubadkoodu
heysaha jacaylka iyo hiddi waalaysiga caways walba wada jiibiyaan oo
dhaanto iyo sedexley wada cayaaraan.
Habluhu way soo galaan iyaga oo jacayl muddo dheer la soo kobcinaye
la doog dhabanaya oo waxay yimaadaan guriga xigaalka u ah, kay ka
jamatay barbaartii ay wada koreen. Lama dayriyo ee waa loo galaalaa
oo burcad iyo xine loo marshaa, oo wiilkay calmatay, degdeg loogu
hibeeyaa.
Baqa-maalka, bahdilka iyo isir-sooca
Bulshooyinka qodaalka waxaa caado iyo dhaqan u ahaan jirtey in aan
la isku tun iyo tar sheegan oo la siman yahay, marka laga reebo
intan danbe ee la kala safashada dawladu keentay. Qodaalka waxa ka
reeban in aan la isu baqamaalin, waan kaa abroonahay, anigaygu
gudhaa oo kaa laan dheeraysan, Reer Suldaan iyo waan ku xukumi jirey.
Qofna bah yari laguma cabudhiyo lagumana baddilo. Dadku waa wada
Ciise oo nin caaro ma dheera. Waxa keliya rag iyo dumarba lagu
tixgeliyaa waa kartida, hufnaanta, garaadka, talada iyo waxtarka uu
beesha guud ahaan u leeyahay. Qofna laguma takooro waad beel
yartahay, qofna laguma ciseeyo laan dheere ayaad tahay.
Intaa haddaan ku dhaafo xeerarkii, dhaqankii iyo caadooyinkii
qodaalada lagu maamuli jirey, oo aan u gudbo ujeedadii.
Dhagarta waxaa ka xun baqa-maalka
Kadib burburkii Qarankii Somaliya, dagaaladii iyo kala qaxii, la
kala safashadii jabhadihii hubaysnaa iyo maamulkii hubaysnaa ee
Siyaad Barre, kuwaas oo ku salaysnaa qabyaalada iyo abtiirsiimada,
waxaa dadweynaha gacmahoodii kala galay hantiyo gaar ah oo ma
guuraan ah iyo hantiyo qaran oo ummadu wada lahayd.
Markii dagaaladii dhammaadeen Somaliland waxay gashay dib-u-heshiisiin
beelaha ku wada nool iyo dhismaha qaranka Somaliland. Isku celintii
hantida gaarka ah, wixii beelaha kala galay wax badan ayaa lagu
guuleysey, laakiin Ceelberdaale ayaa noqotay wax murankeedu socdey
muddo dheer. Beeshii dulcad looga xera dhigay ee qaxday 1988, markay
soo noqdeen waxay filayeen beerahoodii, bustaanadoodii iyo dhulkii
ay deegaanka u lahaayeen ee adhiga ku raacayeen, lo’duna u daaqayse
in ay dib ugu laabtaan oo qotaan. Laakiin may dhicin oo waa la isku
dacareeyey.
Dib ayaa arrintoodii loo riixay. Waxaa lagu baqamaalay Somalilandii,
ay naf iyo maalba u hureen ayaa dumi, nabada ayaa dumi iyo horta aan
aqoonsi helno.
Waxaa ku abuurantay habrasho ilaalinta qaranimada, aanay iyagu gaar
u lahayn. Waxaa lagu baqamaalay, uyara kaadiya reer hebel ayaanay
Somaliland ka bixine.oo aanay Somaliland hawl yaraan ku burburine.
Waxaa la tusay Reer hebebel hadday ka baxeen in Somaliland waxba
kama jiraan tahay.
Beeshii waxay doorbiday in hab sharci u maraan xaqoodii. Tiraba laba
jeer ayaa loo xukumay in kuwii qaxay ay dhulkoodii ay beeran jireen
iyo deegaankoodii loo celiyo. Dhexgalkii ugu danbeeyey ee Golaha
guurtida ayaa muddo sedex bilood ka badan dhegeysanayey labadii
dhinac, oo go’aamiyey in dadkii yeeshay beerahooda loo celiyo.
Hasayeeshee dawladii fullin lahayd ayaaba ku gacan saydhay, oo xaq
lihii ku tilmaantay argagixiso. Taasina waxay sobobtay dilal foolxun
iyo dhiig daata, waana la isku hub urursaday.
Baqamaalkii reer Awdal Ceelberdaale oo keliya kuma ekaan iyo
Somaliland ayaanu ka bixi oo loogu habrado. Wuxuu gaadhey heer
Calankii Somaliweyn lala soo baxo hadday gar leeyihiin iyo hadday
gardaran yihiinba maalintay wax dhacaan, si wash loo wada yidhaa,
ibliisna uga faa’iideysto.
Waxaa la gaadhey heer axsaabtii dhalatay u habrato iyaga oo keliya.
Waxay noqotay in haddii aanay Somaliland iyagu hogaamin aanay wax
jira ahayn. Axsaabta mucaaridkuna aanay xalaal ahayn haddii aanay
iyagu ku-xigeen ka ahayn, oo aynay yeelan dhaxaltooyada sidii UDUB.
Waxaa la aaminey in ay tiro iyo tayaba ka badan yihiin Goboladda
kale oo dhan oo la isku daray, waxa la ceebeyaa birmagadaydii beesha
dhexe iyo cidii cadalada u hela. Ma distoorka ayay ku qoran tahay in
aan reer Ceergaabo iyo Reer Burco, reer Hargeysa iyo Reer Sool iyo
Sanaag Musharax iyo ku-xigeen isku noqon karin.
Baqamaalku wuxuu dadafeeyey dadweyne badan oo tiro iyo tayaba leh oo
la iska dhaadhiciyey in aanay buuxin Karin kaalinta reer Awdal.
Halkaa waxaa ku xabaalmay is aaminkii waana sobobta keentay in
dulqaadkii ka dhammaado Reer Gabiley, maxaa wacay waxay noqotay
habrasho iyo baqamaal baalmarsan xuquuqdii beeraleyda, rabitaankii
ummadda, axdi qarameedkii, gartii la naqay iyo Golihii sharciga ahaa
ee Somaliland ku dhaadaneysey.
Isku soo wada xooriyow, Dilay nabada iyo dagaalkuba adiga ayay kugu
xidhan yihiin, adiga ayaa taladii gacanta ku haya, labadii xusbi
mucaarid ku-xigeen baad ka tahay, xusbigii muxaafidkana hogaamiye
ayaad ka tahay, sidaa daraadeed kuma xidhna dadweynaha reer Gebiley
iyo qaar kale oo badan oo Somalilandnimada dhibtay u soo mareen
daraadeed u habranaya, xiitaa haddaad distoorka iyo axdi qarameedkii
mijo iyo madaxba aad iska baalmarto, Dilay waa in aad xeerkii
qodaalnimo iyo deegaanimo aad tixgelisaa.
Waxaa la aaminsanaa waxii reer Gabiley kaa galay in ay walaashaa u
galeen oo ay manaafacaadsato. Reer Gabiley waxay u arkaan wixii
Ceelberdaale laga biliqaystay in aanay meel fog tegin ee walaashood
manaafacaadsato. Waa sidaa wada dhalashada iyo wax isku ahaanshahu
dadka degaanka ee beeraley iyo reer magaalba. Waa dulqaadka, xamil
iyo isu tanaazulka ku salaysan xeerka beeraleyda. Waa dagaal baajin
iyo nabad ka talin. Waa oodi abka dhaw.
Mashruuca Ceelberdaale iyo deegaankiisa
Mashruuca Ceelberdaale hanti guud muu ahayn , wuxuu ahaa hanti gaar,
Qardo ma ahayn 1988kii, wuxuu ahaa beero la falanayey muddo 60 sanno
ah, la manaafacaadsanayey oo lagu tabcayey, oo isaga iyo tolkii ay
taabo geliyeen. Sheekh Muxumed Raage maal looma siin, dawladina umma
siin, beesha Dilina ummay siin ee waxay ahayd gurigii uu ku dhashay
ee uu geela ku raaci jirey oo uu in muddo ah uga maqnaa aqoon
korodhsi. Wuxuu ku soo laabtay markuu waxbarashadii islamiga ah
Harer ku soo dhammaystay degankisii. Isaga iyo tolkii ayaa
qardabixiyey oo beertay isaga oo aan cidna takooreen, qotay oo ootay.
Muruqiisa, masgaxdiisa iyo maamulkiisa ayuu ku abuurmay, oo
mashruucu wax ku noqday. In la qiro weeyan habkii Somalida ku cusbaa
ee uu la yimid (Alla ha naxariisto) oo la dhiirigeliyo cidkasta oo
sidaa yeeshaba.
Reer Gabilayow, Reer Dila Cadawgiina ma aha
Reer Gabilayow, dadweynaha reer Dila Cadawgiina ma ah, xaasha kala.
Xaqiina uun dhacsada oo weligiin dheeraad ha doonina, dulmina
horseed ha u noqonina, ilayn adiguu dib kuugu soo noqone. Waa in aad
dhawrtaan jacaylkii awoowgaa, kii aaabahaa iyo kaaga iyo ka
ilamahagaba, waan ogahay oo meel la kala tegi meysaan oo xeerka
beeraha ayaa taa diidan.
Waxa dhacaya ha u aanaynin beesha walaalihiina ah ee Dila. Dagaalku
dawladda ayuu idinka dhexeeyaa oo ciidamo idin soo dul dhigtay.
Iyada ayaa sharciga dabamartaynaysa . Iyadaa Guurtidii diidey, erga
aan sharci ahayna idinku soo deysey. Cadawgiinu ma ah beesha Dila ee
ayaan la isku kiin dirin. Ayaan la idinku soo gaban oo mid dan gaar
ah lihi, xusbiguu doono ha ahado, magaciina Dila ku weerarin, dadna
ku layn
Sharciga iyo distoorka, hadday dawladduu laalsho iska celiya, oo ha
u kala eexanina waa tii Siyaad Barre oo kale. Ayaan la isku kiin
dirin. Wixii dawladda ka mid ah kiina iyo kuwa kale ha u kala
eexanina. Midna ha ilmaadeersan, midna ha colaysan. Haddii
dadweynaha Reer Gabiley u habranayaan Somalilandnimada, wasiirka iyo
shaqaalaha reer Gabileyna waxay u habranayaan Madaxweynihii wax ka
dhigay ee magacaabay. Markaa kala ujeeddo ayaad tihiin ha
ilmaadeyrsan. Reer Dilana waa sidiinoo kale iyo weliba si kasii
daran oo dawladda ayaa adeegsanaysa.
Haddaba markaan eegay xeerkii beeraleyda iyo qodaalada, markaan
dhegeystey garnaqsigii golaha dhexdhexaadinta guurtida, markaan dib
u fiirshey waayihii la soo maray, waxay ila tahay haddii Dillay aad
dhawri weydaan go’aanka guurtida, anigu maan garan, Somalilandna may
garan, laakiin taladu waxay tahay walaalayaal xeerkii, Milgihii
beeraleyda iyo qodaalada ha la dhowro, maxastana ha loo tudho intaan
meesha maanta ay taagan tahay meel ka dheer laga doonin arrinta.
Hadalka waan dheereeyey , waxaan idin odhan lahaa: ku nasta heestii
macaaneed ee ahayd Dadka ha iska weyneyn, oo ka dhegeysta Baraha
Internet-ka. “Waxse wiiqay taladii, weydeeyey ragnimo, hadba waaga
joogaad la tihiin walaaloo ………….”
Amma Jacaylkayga ayaa Dila ku dabrane, ila dhegeysta heestan: Sida
sheikh asluublaan kuu amminaayow, sida aayad diinaan afka kugu
hayaayow, sida ubad an dhalay baan kuu uur fayowbee, adiguna
aqoonsoo, ili dhehoo ardaaga u bood”.
Haamud Duale
|