HURDAAYOOW HURDAAYOOW HADH GALAY WEEYEE KA TOOSEY


 

 

Shicibka reer Somaliland waxay sugayeen gooni istaagood in ku dhaw labaataneeyo sano. Muddada dheer wax qoomamo ah iyo qasaare ah toona kama joogno, sababtoo ah wuxuu ahaa wakhti ayuun ka soo kabanaynay burburkii ama dagaalkii sokeeye iyo dayacii hore loo soo maray.


Waxaynu u bislaanay hanashada nabadda, hirgalinta dumuqraadiyadda iyo horumarka aynu dalkeena gaadhsiinay. Shicibka reer Somaliland iyo siyaasiyiintiisuba waxay si gahar la’aan ah uga qayb qaatee n uguna guulaysteen doorashooyinkii sida cadaaladda ah u dhacay ee uu adduun weynuhu ka marag kacay habsamidii ay u qabsoontay.


Haddaba waxa la gaadhay wakhtigii ay qof kasta oo reer Somaliland waajib ku noqoto inay hantaan xoriyadood una halgamaan gooni isutaagooda. Dawladihii reer galbeedka ee afka baarkiisa ina gala hadli jiray, urur ku sheegii jaamacadda Carabta, iyo kii midowga Afrikka ee innaga dheg jalaq inoo siin waayey, intiiba wax maanta ku jiraan quraarad afkeed. Dawladihii reer galbeedku waxay si xad dhaaf leh ugu ololaynayaan sidii ay koonfurta Sudan u heli lahayd madax bannaanideeda, ururkii jamacadda Carabta iyo kii Afrikkana wax awood ah oo ay isku hortaagaan ma jiraan. Dawladaha reer galbeedku khaasatan Maraykanku wuxuu koonfurta Sudan ka ololaynayaa tababaro ciid millateri oo boqolaal  ku n oo mutadawiciinah, kuwaas oo uu u diyaarinaayo inay difaacaan dalkooda marka ay si rasmi ah ugu xoroobaan Sudanta waqooyi. Haatan iyo dan Somaliland maanta waxay taagan tahay “RUN IYO  BEEN IBA DHAMAATOO RARAA” taas oo macnaheedu yahay waxa la gaadhay guntii iyo gabagabadii, wakh tigii ishaa falatayna iyo sugniinkuna uu dhamaaday. Shicibka reer somalilandna uma baahna  siyaasiy iin dambe oo afka baruuro ku haysta ee waxay u baahan yihiin, siyaasiyiin fadalallo cad oo ilka iyo  cid iyahaba ku qabsada sikasta oo ay ku xaqiijinayaan ujeedadooda ku wajahan gooni isu taagga  dalkoo da.


Dawladii hore ee Riyaale waxay ka tagtay dayuurad runway taagan oo u diyaar ah inay duusho oo  q udha, taasna waxa looga fadhiyaa oo laga sugayaa in xukumadda Silaanyo iyo siyaasiyiinta hadda  ga canta ku haya majarha siyaasadda dalka ay la yimaadaan dadaal iyo firfircooni, sidii ay u suuro galin lahaayeen.


Waxa loo baahan yahay inay socdaalo iyo sahaminba is dabajoog ah u kala bixiyaan adduun weynaha siiba dalalka muslinka ah ee aan Carabta ahayn sida Turkiya, Iiraan, Bakstaan iyo kuwa kale ee  farah a badan. Waxa la gaadhay wakhtigii Somaliland is bari lahayd adduunyada kale , si ay ugu ban  dhiga an baahidooda iyo sidii looga taageeri lahaa dib u dhiska dalka iyo soo saaridda khayraadka dalkeena ku kaydsan. Anigu waxaan qabaa in aanay Somaliland u baahnayn siyaasi dambe oo afka baruur  gas hada, laakiin wax loo baahan yahay siyaasi ka taga taakhiir wax ku ool leh.


Shicibka reer Somaliland ee ku kala nool dunida afarteeda dacalna waxa iyana ku waajib ah inay u  ha lgamaan gooni isu taagooda, siddeed iyo tobanka May na aanay noqon mid lagu xusuusto sawiro  sha bakadaha kombuyuutarka la soo galiyo iyo meelo laga heeso oo qudha, ee ay muujiyaan damashada ay u qabaan gooni isutaagooda.
 

 

 

 

 

 

 Amran Maxamed Cayuun
London UK