Gabiley:
Horumarka Gobolku Garaadka Bulshadiisa
Ayuu Ku Jiraa

Gobolka Gabiley oo dhaca boqcad ‘ strategy’ ah , caana ku ah
Waxsoosaarka Beeraha iyo Xool aha isla markaana leh Kastamka labaad
ee ugu waxsoosaarka badan Dalka, waxa uu leeyahay 5 Degmo oo ay
Xarunta Gobolku ku jirto iyo 76 Tuulo oo Gobolka hoos yimaad. Waa
Gobol Baahiya ha kala duwan ee bulshadu ay aad u hoosayso. Waa Gobol
tabaaya Bulshadiisa. Waa Gobol gur mad degdeg ah u baahan.
Haddii aan hoos ugu daadego ujeedada Maqaalkaygan, sidaynu ognahay
Bulshada Somaliland w axay caan ku tahay inay iyadu wax qabsato oo
aaney cidkale waxba ka sugin , Bulshada Somalila nd ma aha Dawlad
kunool, haddaba bulshada Reer Gabiley ma waxay lamid noqdeen
Bulshada Re er Boosaaso , Somaliya oo ah ummad dawlad ku nool ah?
Isbedelka Dalka ka dhacay ee Sannad jirsaday ayaa Gobolka waxaa
ragaadiyey Murano iyo Khilaafaadyo Maamul oo saamayn weyn ku yeeshay
Bulshada inteedii kale , niyad jab weyna ku riday, balse Isbedelka
Cusub ee Maamulka Gobolka iyo Dawlada Hoose ayaa ah Rajo wanaagsan
iyo Cadceed cusub oo Gobolka usoo baxday.
Horumar laga sameeyo Dal ama
Gobol waxaa fure u ah hogaamiyayaal daacad ah iyo hagid suuban oo uu
helo. Istixgalinta bulshada dhexdeeda. Kala xadaysnaanta
masuuliyadaha kala duwan ee bulshada loogu adeegaayo. Wada tashi iyo
tixgalin wanaagsan oo dhexmarta Masuuliyiinta iyo Bulshadda inteeda
kale, sidaa awgeed , haddii uu garaadku shaqeeyo, oo arintan sare
kuxusan la dabakho, oo waliba Masuuliyiinta Gobolka kasoo jeeda ee
Xukuumadda ku jiraa ay garawsadaan inayna kuraasta ku helin Imtixaan(
examination) balse ay ku tageen Magaca Gobolka Gabiley , ficil
waxqabadna ay la yimaadaan iyana waa marinka gobolku horumar ku
gaadhi karo. Xildhibaanada Wakiilada ee kasoo jeeda Gobolka oo ah
kuwii shacabka soo doorteen waxaa ka saaran Masuuliyadda ugu weyn
waxaanan ka codsanayaa isxilqaan, waxaanan leeyahay “ Inta
Xildhibaan NAC-NAC ka qabtay Degmada Axmed Dhagax miyaad awoodi kari
weydeen” waad awoodaan haddii uu Garaadku shaqeeyo. Golaha Degaanka
waxaan leeyahay oo aan ka codsanayaa waxqabad iyo ugu yaraan
taageero iyo isgarab-taag cida Mindida daabkeeda haysa si Horumar
Gobolku u gaadho. Madaxdhaqameedyada oo ah kuwa bulshada qayb
muhiima kaga jira , shaqo culusna u haya, oo ah kuwii gacantooda ku
yagleelay Qaranka maanta jira , haddii ay shaqadooda ku ee kaadaan ,
waa Horumar Gobolka usoo kordhay. Qurbajoogu waa inay jeebadahooga
gacanta galiyaan una huraan Gobolkooda , Maamulka Gobolkana waxaa
waa jib ku ah Qorshe cad iyo strategiyad kalsoonida qurbajooga kor u
qaada.
Haddii la qaato arimaha sare ku xusan waxaa hubaala in horumarkii
Gobolka ee la tabaayey dhak hso ku iman doono. Horumar la’aanta iyo
baahiyaha Gobolka ka jiraa waa kuwa manta dhalinyarada Gobolka qaar
kamid ahi ay ku fikireen qaban-qaabo Shirar Gobolka ka qabsooma,
hasayeeshee, aniga oo marka hore u mahadcelinaya dhalin yartaa
islamarkaana la qaba dareenkooda ku aadan baahiyaha Gobolka wehelka
la ah ,hadana , waxa mudan in la isweydiiyo , Sideebaa gobolka
horumar loo gaadhsiin karaa? Iyada oo aan wax loo dhimayn Midnimadda
Bulshada Bobolka ku wada nool, iyada oo aan Amniga Gobolku caan ka
ku yahay la mijaxaabineyn, iyada oo aan Dimoqoraadiyada iyo Nidaamka
Axsaabta badan ku dhisan dhaawac loo gaysanayn, iyada oo Tixgalinta
iyo Sharafta ay mudan yihiin Madaxda Gobolku meel lagaga dhacayn.
Tanaasul ayaan ka codsanayaa dhalinta qaban-qaabada ku guda jirta,
is-qancin iyo garawshiyo waa furaha guusha balse isku –carayn la is
dhaafsado xal kuma iman karo. Waxaan qabaa in horumarka gobolku uu
iman karo marka la helo wada tashi iyo wada shaqayn wacan oo ku
aadan Bulshada Gobolka, waana in hormoodka gobolku oo masuuliyadu ay
saaran tahay iyaga ay abuuraan kulamo bulshadu u dhan tahay oo
lagaga wada tashanaayo habka ugu wanaagsan ee gobolka loo horumarin
lahaa.
Gabagabadii, Odhaah Soomaliyeed ay tidhaa “ Candho Xoolaad Nin
Waliba Intuu Gashado Ayuu ka maalaa” waxaan leeyahay dhamaan
Masuuliyiin iyo shacaba halala yimaado Fakir wadaninimo .
Badhasaabka Gobolka Mudane Cali Aw Aden Meecaad, waxaan leeyahay
Gobolka waxaa hore magac ahaan u jirey Guddi Horumarin Gobol oo
fadhiid noqday, sidaa awgeed , Guddi Cusub inaad magacawdo waa mid
muhiim u ah Gobolka, si ay uga qayb qaatan Horumarinta Gobolka iyaga
oo noqon doona Bridge ka isku xidha Qurbajooga iyo Gobolka, Hayadaha
Caalamiga ah iyo waliba wixii waxqabad ah ee looga baahdo Xukuumadda
oo aan qabo inay wax walba diyaar ula tahay gobolka. Waxaa kale oo
amaan mudan bulshada gobolkana looga baahan yahay inay is-garab
taagaan talaabooyinka qiimaha leh ee wax qabad ee ay la timid
Gudoomiyaha Degaanka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh.
Wabillahi Tawfiq
Cabdirasaaq
Sh Cali Askar
Political Analyst
Hargeysa, Somaliland |
|