Mucjiso Layaable: Hooyo Umushay Seddex Mataanood Oo Mid Ka Mid Ahi Leeyahay Afar Xiniinyood.





Hargeysa (TNN)-Haweenay magaceeda la yidhaa Raaxo Carab Aw Muxumed ayaa laba todobaad ka hor ku umushay mataano saddex ah, Laba wiil iyo Gabadh tuulada Taysa oo 20 KM koonfur ka xigta magaalada Gabiley.


Weriyayaal ka tirsan shabakada wararka ee Timacade News oo Gabadhaasi danyarta ee illaahay siiyay awlaada saddexda ku booqday gurigeeda ku yaala tuulada Taysa, halkaasi oo ay kula kulm een hooyadii mataanaha saddexda ah dhashay iyo sadexdii mataanood oo intooduba caafimaad qaba.



Hooyada saddexda mataanood dhashay oo weriyayaasha Timacade News waydiiyeen bal caafim aadkeeda guud iyo sida u dareemaysay mataanahan sadexda ah ayaa waxay tidhi: “Caafimaad kaygu wuu fiican yahay, saddex caruur ahna way caafimaad qabaan. Waanan dareemayay inaan mataano siday oo culays badan ayaa jiray inkasta oo aanan islahayn sadex ayaad hal mar wada dhali.”


“Waxaan ku dhalay gurigayga, dhakhtar maan awoodayn dhaqaalena maanan haysan. Umulisooyi nka deegaanka ayuunbaa iga umuliyay. Alxamdulilaah illaahaybaa mahad leh.” Sidaasi waxaa tidhi hooyada dhashay mataanaha sadexan mar la waydiiyay inay dhakhtar la xidhiidhay iyo inkale.


Qoyska saddexda caruur ahi u dhasheen ayaa gala hoy aad u yar oo runtii qof kasta oo arkaa da reemi karo baahida nololeed ee ku gadaaman, taasi oo qofka damiirkiisu fayaw yahay ka jidhidh icoonayo markuu arko heerka nololeed ee qoyskaasi iyo ubadka saddexda ah ee ku soo biiray.

Hooyo Raaxo Carab mar la waydiiyay Bal waxyaabaha aasaasiga ah ee ay ilaa iyo hadda u baaan yihiin waxay tidhi “waxaanaan u baahnaynba ma jiro, qofka wax haysta ee wax ka maqan yihiin ayaa la yidhaa maxaad u baahan tahay? Caruurta iyo aniguba waxaan u baahanahay nafaqo, hu iyo hoyba. Markaa cid alla ciddii hor illaahay wax noogu taraysa waxaan odhan lahaa wax hala nas oo taro.”

Hooyada saddexda caruur ah halka mar wada dhashay ayaa baaq usoo jeedisay guud ahaan um ada muslimka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliland meel kasta oo ay dunida guudkeeda ka  joo gaanba iyo xukuumada Somaliland inay u baahan yihiin in la kaalmeeyo qofkastana wixii uu kara yo kusoo taro illaahayna ajar iyo xasanaad ka siin doono.

Dhanka kale aabaha saddexda caruur ah u dhasheen oo Timacade News wax ka waydiisay bal dar eenkiisa sida ay u saameeyeen sadexda caruur ah ee halka mar u wada dhashay, isagoo arinta asi ka jawaabayana waxaa uu yidhi “Magacaygu waa Axmed Daahir Sh Qaasin Muuse Diiriye. Walaal alxamdulilaah marka hore mataanahan sadexan waa hadyad illaahay noogu deeqay, waan ugu shugriyanaa. Marka labaad Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa HADUU ROOB YIMID, ROOR OOR YIMID. Mataanahad saddexda ah ee halka marka wada dhashayna dhib iyo dheefba way la soo kordheen. Meesha ay ku dhasheena waa miyigaasi aad arkaysaan (weriyayaasha) iyadoo nolosha qoyskuna aad u hoosayso oo aanay jirin meel ay wax kasoo galaan.”


“dhibaatooyinka aan sheegi karo waxaa ka mid ah iyadoo gabadhu wakhtiyadii ay uurka ku siday ku dhacay xanuun barar faro badan, manaan awoodi karayn inaan dhakhtar geeyo oo aan ahayn nin hayntiisu liidato. Illaahaybaa u gargaaray oo maanta waa kuwaa caafimaadkoodu wanaagsan yahay.”

Aabaha ay u dhasheen sadexda caruur ah ayaa isaguna sidoo kale guud ahaan umada islaamka ah meelkasta oo ay joogaan ka dalbaday inay kusoo caawiyaan qofkastaaba wixii uu u helayo.

Mataanahan oo todoba ka dhigaya caruurta ay dhaleen labadan waalid ayaa waxaa ku jira saddexda mataanood wiil mucjiso ah oo xubnihiisa taranka raggu yihiin AFAR (afar xiniinood). Waana arin aan hore loogu arag guud ahaan gayiga Soomaalidu dagto tan iyo inta la og yahay.


Fiiro Gaar Ah: Ciddii wax ku sadaqaysanaysa Qoyskaa danyarta ah ee mataanaha sadexani kusoo kordheen ha ugu soo hagaajiyaan xawaaladaha dalka.

Aabo: Axmed-Daahir Sh Qaasin Muuse Diiriye
Tel: +252-2-466-0051
Hooyo: Hooyo Raaxo Carab




Nimco Muxumed Ibraahin
qaali540@hotmail.com
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland