Hoonbaro libaax bay
soo wadaa, kulmiyena xumaan
buu soo wadaa!
Xisbi
kasta oo siyaasadeed oo jira dunida cidbaa taageersan cidina waa ka
soo horjeedaa, xisbiyada qaranka ee somalilandna waa sidaas oo kale.
Haddaba xisbiyada iyo hoggaank iisaba waxa muhiim u ah qaab
dhaqanka siyaasadeed ee hoggaanka iyo xisbiga labadaba.
Xisbiga Kulmiye iyo hoggaankiisuba waxa aad moodaa inay ka fog
yihiin anshaxa siyaasad eed iyo hab dhaqanka dad wada dhashay
oo ku loolamaya maamul siyaasadeed iyo sida u gu haboon ee
horumar lagu gaadhi karo. Marka aad yara milicsato qaabka
taageerayaasha Kulmiye u dhaqmayaan hoggaankiisuna raallida ka yahay
waxa aad moodaa in xisbiga kulmi ye cid gaar ah ama koox gaar
ah cod ka rabo.
Haddaba bal aan wax ka tilmaamo qaabka siyaasadeed ee xisbiga
kulmiye ula dhaqmo cid kasta oo ka fikir duwan:
cid kasta oo kulmiye dhaliil u soo jeedisa haddii ay qoraal tahay
iyo haddii ay hadal tahayba waxa lagugu soo afrogayaa cay iyo
aflagaado, waxaan aniga lafteedu hayaa emailo badan oo runtii
yaqyaqsi ah bal se aan markii hore isku qanciyay waa dad aan bisayl
siyaasadeed gaadhin ee iska adkayso.
Markii aan ogaaday Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB falkii foosha
xumaa ee taageerayaas ha xisbiga kulmiye kula kacayn markuu
tegay Burco bari arrintaas oo aan filayay in hoggaa nka sare
ee xisbiga Kulmiye raalli gelin ka bixin doono,
waxa se taas raacay maalintii beerta xorriyadda hargeysa ee
dhallinyarada,ka dib markii taageerayaasha kulmiye ku fooryeen
xoghayaha UDUB waxaan islahaa Guddoomiyaha Kul miye waxa uu
odhan doonaa dhaqan hufan maaha bal se isaga laftiisa ayaa iyada oo
cadho ka muuqato waxuu yidhi ninkii halkan ka hadlayay ee la lahaa
waxbaa soo dhacay.
Waxaad ugu dartaa maalintii dhoweyd ee Maansoor la joogay lana
furayay Somtel tii oo ka le ayaa dhacday, waxa keliya ee
xisbiga Kulmiye u hadhay waxa weeye iyaka oo dadka ka soo horjeeda
xabbad ku muquuniya.
Haddaba waxa aan leeyahay dadka hab dhaqankan leh iyaka oo xukunka
debedda ka jooga maxaa laga filan karaa haddii ay talada dalka ku
guulaystaan, waxa iman doontaa nimanka hadda caga juglaynta iyo
cabudhinta caadada ay u tahay ee aad moodo ciil qabayaasha h
adday talada gacanta ku dhigaan, dalka ma wada xabsi ayay ka dhigi
doonaan.
waxa lama huraan ah in xisbiga Kulmiye hab dhaqanka foosha xun wax
ka beddelo waayo afxumadan caadada u noqotay waxa ay horseed u tahay
gacan ka hadal iyo in xisbi waliba degaan xidho oo uu u diido ka
kale inuu ka ololeeyo waayo cid waliba meel ay cid u diido wa
y leedahay haddii shuruucda iyo nidaamka tartan ee axsaabta la
dhawri waayo lana ixtiraa mi waayo madaxda xisbiyada qaranka.
Waxa aan shacbiga somaliland u soo bandhigi doonaa emaliladii aniga
qof ahaan la iigu afla gaadayn jiray oo weliba
beelaysan,shacbiga somaliland waxaan leeyahay Kulmiye wuu kala
faquuqayaa ummadda halisna waxa uu ku yahay wada noolaashaha dadka
ee ha laga cod eeyo oo si buuxda ha looga horyimaado qaabkan
iyo dhaqankan bahalnnimada ah ee xisbi ga kumiye caadada u ah
madax iyo minjoba haddii kale waa la isku qoomamayn doonaa.
Xisbiga kulmiye waxa uu halis ku yahay la hubo wada jirka shacabka
somaliland deganaans haha iyo weliba nabadda iyo xasiloonidan
qiimaha badan inoogu fadhida, taas oo khasaare ka dhigi karta
halgankii dheeraa ee naf iyo maalba loo soo huray. Shacab iyo
xukuumadba waa in feejignaan dheeraad ah la yeesho, nin hamuun kursi
qabaana yaanu inna kala daa din iskana horkeenin shacabka
walaalaha ah.
Ibrahim Duale
Suleiman
somaliland44@hotmail.com |
|