Holland:Abu-taalib (PVDA) iyo fadeexada 50-ka-euro, Toloow Somaliland ma.....?

 

Qof-ba waxbaa loo soo maraaye e-mail , ayaa ay ka bilaabantay sheeko maanta 13-11-2008, loo soo hor joojay nin siyaasi wayn ah oo ka tirsan xisbi ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ugu waawayn dalka Holland, ninkaasi oo ka soo jeeda Marooko magacciisana la yidhaa Axmed Abu-Taalib, waa nin jagooyin sar-sare ka soo qabtay dalkan Holland, hadana haya jago ka mid ah jagooyinka ugu sareeya ee nin caaro ku leh dal iyo dad-shisheeye abid ka qabtay dalka Holland, taasoo u dhiganta heer Wasiir, waana Wasiirka Arimaha Bulshada, isla siyaasigan reer Marooko ayaa hadana marka uu dhamaysto xiligiisa, dhawaan loo tirin doonaa xil kale oo aad u sareeya oo ah inuu noqdo Maayirka magaalada labaad ee ugu wayn dalkan Holland waa Roterdaam-e..Hadaba sheeko e-mail iyo qadar lacageed oo ku ladhan oo dhamayd 50-euro iyo Siyaasigan Marookaanka ah ayaa beryhan waxa ay ku badnayd warbaahinta dalkan Holland, taasoo aan is waydiiyay Toloow Somaliland maruun sidaasoo kale ma noqon kartaa??

Aqalka labaad oo ah golaha u taliya dalkan Holland ayaa dhawaan go' aamiyay in gargaar dhaqaale oo kooban, oo ah wax faro-guudkood lagu qadhiidhay ku taakuleeyaan dadka dhaqaalahoodu hooseeyo ee dan yarta ah, yaboohdaasi oo dhamayd 50-euro, oo u dhiganta 60-doolarka Maraykaanka ah, deeqdaasi dhaqaale oo ay dawlada loo wada dhan yahay siisay dadkeeda ayaa si ay ka noqotayba waxa si gooni ah u sheegtay inuu isagu keenay oo weliba iskugu bogaadiyay Xisbiga loo yaqaan PVDA, oo uu ka tirsan yahay Siyaasiga reer Marooko ee Abutalib, oo isaga laftarkiisu qoray e-mail-kan aadka loo hadal hayay oo uu u diray dad ay isku xulufo yihiin, isaga oo sheegaya in mahada 50-ka- euro, leeyahay Xisbigiisu ( PVDA), taasoo dhalisay in Xisbiyadii kale aad uga cadhoodaan oo ay dalbadaan in arintaasi iyo cidii ka danbaysay golaha la hor keeno oo laga shaafiyo sida ay u dhcaday, in Hanti dawladeed uu xisbi ka mid ah xisbiyada dalku keligii ku magac doonto! arintaasoo la hor keenay golaha oo ay ka dhalatay dood fooda la is daray, sandulaysayna inuu Abutaalib qirto inaanay haboonayn inuu xisbigiisa gooni libinta deeqdaa sheegashadeeda u siiyo ee ay taladu ka hoostay!.

Hada waa 50-euro ee la soco waxa wasiirada loo soo gole-joojay ee ay dooda maalinta idil ahi ka soocotay!

Waxa mudan in la is weydiiyo, Toloow meeshii Somaliland iyo Dawladeena goorma ayaa ay ka suurta gali inaynu ka maqalo nin mashrruc idil lunsaday ayaa Gole/ Maxkamad ama meel kale oo Fagaare ah la soo joojiyay?! Haba ka yaabin dheh! waaba lagu faanaa ama lagu mana sheegtaa anoo hebel ah ayaan waxaa idin qabtay! hada waa hantidii dawlada ee la wada lahaa waxan uu qofkani dadku siinteeda u sheeganayaa! waxase ka daran kuwa,waa shacabkeena ma yeedhaanka ahe,u haysta in ninkaa waxay xaqa u lahaayeen ka sheeganaya uu abaal u galayo ama u galayba!.

Ha gartaan dadku waxay xaq ugu leeyihiin dawlada iyo waxa dawladoodu xaq iyaga ugu leedahay haday rabaan inay Qaran jira oo jooga noqdaan hadii kale.....?

 

 

 


Cali Cumar Xasan
LongliveSomaliland
News Desk , Holland