Ogeysiis: Hoggaankii Xisbiga WADDANI “Laanta” Ottawa Oo La Doortay

 



Waxa dhammaan dadweynaha deggan Ottawa iyo nawaaxigeeda la ogeysiinayaa in taageer ayaasha xisbiga WADDANI ay doorteen hoggaankii xisbiga “laanta”Ottawa December 7,2013.
Waxa sidoo kale la ogeysiinaynaa laamaha xisbiga WADDANI ee waqooyiga Ameerika ,Europ e ,waddamada Carabta iyo Africa in hoggaankii xisbiga WADDANI ee Ottawa la doortay, diya arana uu u yahay dardargelinta arrimaha xisbiga.
Hoggaanku wuxu qorsheynayaa in uu dhawaan shir u qabto dadweynaha deggan Ottawa iyo nawaaxigeeda.
Doorashadii hoggaanka xisbigu waxay u dhacday sidan:
1. Gudoomiye: Osman Sh .Dalmar
2. Gudoomiye ku-xigeen : Naasir Osman
3. Xoghaye :Eng Mohamed Abdillahi Nur
4. Afhayeen:Mohamed Abdi Haji
5. Khasnaji :Amal Hussien Mohamed/ Kalthoom Warsame

Waxanu guud ahaan dadweynaha sharafta leh iyo qadarinta muddan ku soo dhaweynaynaa Xisbigii WADDANI laantiisa Ottawa.

Allaa Mahad Leh,

Hoggaanka Xisbiga WADDANI “laanta “Ottawa.