Waxaan hanbalyo kal iyo lab ah u diraynaa Timacade News oo ah runtii website aad iyo aad u dhex dhexaad ah cadaaladana ku shaqeeya

 

 

           Nuur Daalacay                  Abwaan Aadan Geesaale

 


Waxaa wax laga xumaada ah in Abwaan heestii u sameyey uu qof kale sheegto, waliba magac ku do onto , isagoo qofki iska lahaa heesta xaqiisi la duudsinayo, taasina waxay weeyaan sharaf dhac ku iman karta dadkeena iyo dalkeenaba.



Haddaba annagoo ah Ururki Hiddaha Dhaqanka Dhalinyarada ee Murtimaal,waxaan u sheegaynaa In heesta caddaynteedi marki la helay markhaatiyadii uu ka mid aha Maxamaed Jaamac Matoote, iyo i sla Fanaanka Nuur daalacay ,oo marna leh wuu ila sameeyey, marna leh laxanka wuu sameyey,mar na uu leeyahay waxaba anaa iska leh ,taasi oo cadaynayso inuu Nuur Daalacay heestaas aan u laha yn, uuna yeeshay Abwaan Aadan Geesaale, Aadan Gaab ,oo loo xuso heesta, laguna hanbalyeeyo , iyadoo wanaaga iyo wax wada qabsiga laga duulayo.



Ururka Murtimaal
oo Somaliland ka dhisanna waxa uu umada Somaliland ku boorinayaa inay u aqoon sadaan heesta Somaliland Allow dhowr inuu iska leeyahay, Aadan Geesaale, uuna innaga mudan ya hay, Maamuus, Sharaf ,iyo soo dhawayn wayn marka uu dalka tago, waxaanan kula talinaynaa Fan aan Nuur daalacay inuu arinkaas raali galin ka bixiyo.

 

 



Allaa Mansab Leh , Guushuna Muran ma leh.

 


Waad mahadsantihiin


Bahda Hidahad Dhaqanka Dhalinyaradee Murtimaal