Hayada
ODHA Oo Abaal Marino Gudoonsiisey Orodyahanadii Tobanka Kaalmood ee
hore ka Galay tartankii Orodka Half Maraton-ka Hargeysa.
Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Ayaa Abaal marino Gudoonsiisey
Orodyahanadii Tobanka Kaalmood Ee Hore Ka Galey Tartankii Orodka
Half Maratonka Hargeysa.
Hargeysa (TNN)-Xafladani oo aheyd
mid balaadhan Ayaa xalay lagu qabtey Hotel Maansoor ee Ma g aalada
Hargeysa. Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda
Dhalinyaradda,D haqanka iyo Ciyaaraha somaliland,Md Maxamed Ibraahim
Madar Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda,Mustafe Qodax
Gudoomiyaha Olompic-kadda Somaliland Maxamed Ciro , Maamulka
Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, Gudoomiyaha Dalladda Sonyo Axmed Cabdi
Wacays ,Gudoomiyaha Ha
yada ODHA
Marwo Faadumo Siciid Ibraahim , Madaxa
Samafalka Madaxtooyadda somaliland,Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ,
Hogaanka Booliska Somaliland iyo Dhalinyarro kale oo tiro badan.
Ugu horayn Waxaa Hadal kooban furitaankii xafladda ka jeediyay
Gudoomiye ku Xigeenka Xidhiidhk a Ciyaaraha Fudud Siciid Mire
oo ka waramay sidii guusha ahayd ee Tartankii 21-km ugu soo
gabo gaboobay iyo Kaalintii ay xidhiidh ahaan ku lahaayeen orodkaasi
inuu qabsoomo, Siciid Mire waxaa umahad naqey Hayada ODHA oo
Tartankani maalgelisey.
Siciid mire waxa uu mid mid u soo qaatay dhalinyaradda kaalmaha hore
ku guulaystay iyo wakhtiga orodka ku soo gabogabeeyeen isaga oo
xusay in ay la ubabac dhigi karaan Orodyahanadda geeska Afric-ka
marka ay siiyaan tababar fiican.
Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid oo iyana
halkaasi ka hadashay ayaa ka warantay doorkii ay ka qaadatay
tartankaasi iyo sidii ay ugu suuro gashay iyada oo xust ay in
ay Wasaaradda Ciyaaruhu garabkeeda taagnayd la,aanteedna aanay u
suuro gasheen tart ankaasi.,
Marwo faadumo Siciid waxaY aad ugu dheeraatay amaan badana ay usoo
jeedisay Orodyahanadii kaalinmaha hore ku guulaystay oo ay xustay
inay intii karaankeeda aha ka caawin doontoo dhina ca
tababaradda, waxaa kale oo ay sheegtay in ay marka ay jabuuti
geeyaan ay noqon doonaan orodyahanno Kor u qaada Qadiyadda gooni isu
taaga somaliland iyadda oo Carabka ku Adkaysay inay Guulwayn soo
hoyn doonaan hadii la garab galo, ictiraafka somaliland kaalin wayn
ka qaadan doonan.
Gudoomiyaha Hayada ODHA Marwo Faadumo waxa ay Dumarka somaliland ka
Codsatay inay Sida Madaxwayanaha oo kale u soo dhaweeyaan orodyanka
kaalinta koowaad ku guulaystay marka uu jabuuti ka soo laabto si loo
xuso qiimaha iyo qaaayaha uu qaranka u soo hooyay.
Faadumo Siciid waxa kale oo ay balan qaaday inay Marka ay
orodyahanaddu ka soo laabtaan Jabu uti ay soo marin doonto
Gobolladda Dalka oo dhan isla markaasina ay tababari doonaan Gobol
wal ba si ay orod yahanno tayo leh ugu soo baxaan qaranka somaliland.
Gudoomiyaha Hayada ODHA Faadumo Siciid waxay ka Dayrisay Garoonka
Kubadda Kolayga ee Timacadde oo Qabyo badani ka muuqato iyada oo ugu
Baaqday Xukuumadda, ururadda iyo Ganacsataddu ka qayb qaataan qabyo
tirka Garoonkaasi, waxaanay Xustay inay kaalin Wayn ka qaadan doonto
dhismaha Garoonka Tima cadde, xidhiidh fiicana la samayn doonaan
Wasaaradda Dhalinta iyo Ciyaaraha.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyadda Ciyaaraha iyo Dhaqanka Maxamud
Ibraahim Madar ayaa maha dnaq u soo jeediyay Hayada ODHA Oo
Lahyed Fikirka Qabashada tartankani iyo maalgelintiisaba iyo
dhalinyaradii Guusha ka soo hoysay tartankii orodka 21-km, isaga oo
sheegay inay kaalintooda ka soo bixi doonaan isla markaana
orodyahanaddaasi gacan qaban doonaan, waxaa kale oo uu intaasi ku
daray inay Gayn doonaan Waddamada Jaarka ka dib marka ay soo
dhamaystaan Orodka ka dhici doona Dalka jabuuti ee ay Qaranka
somaliland u matalayaan.
Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo
ka qayb qaadanaysa dhi iri galinta iyo Kor uqaadida
dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Indho-indho] oo ka tirsan
Golaha Guurtidda oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku Amaanay
Gudoomiyaha hayada ODHA Marwo Faadumo siciid doorka dhiiri galinta
ah ee ay la daba taagantahay dhalinyaradda isaga ku dhiiri galiyay
inay halkaa ka sii wado, waxa kale oo uu amaan usoo jeediyay
Ciidanka Booliska somaliland iyo doorka ay ka qaata an
horumarinta Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, iyo ilaalinta nabad
galyadooda.
Xildhibaan Cabdiqaadir waxa uu ka dayriyay Guriga ay ku jiraan
Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud oo uu sheegay inuu kiro yahay isaga oo
xukuumadda ugu baaqay inay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ci
yaaraha u dhisto dhismo ku haboon oo Anfici kara dhalinyaradda.
Madaxa Samafalka Madaxtooyadda Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ayaa
iyana Balan qaaday in ay kaalin wayn ka qaadan doonto
hagaajinta iyo dhismaha Garoonka timacadde iyada oo xustay doorkii
ay dhalinyaraddu ku lahayeen Guusha xisbiga kulmiye sheegtayna in
Abaalkaasi Xukuumaddu u hayso.
Gudoomiyaha Dalladda Sonyo Axmed Cabdi Wacays iyo Amiin C/laahi
Xaashi oo ka Tirsan Hayadda Wadaniga ah ee Hyda ayaa Balan qaaday
inay Qaban doonan Tartanka Orodka Dhalinyaradda Cus laatay
kaasi oo ay sonyo balan qaaday in ay ku beegi doonaan Xuska maalinta
dhalinyaradda, hal ka hayadda wadaniga ah ee Hayda ay Balan qaaday
inay Qaban doonaan Tartan orod ah oo ay Dugsiyadda waxbarashadda
Somaliland ku tartami doonaan.
Gabogabadii Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa shahaado
Sharaf Gudoonsiiyay Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ODHA Marwo Faadumo
Siciid oo iyaddu Maalgalisay Tartanka Half-maratonka ah.
Waxaa kale oo Abaalmarino lacageed oo kala duwan la gudoonsiiyay
Tobankii kaalmood ee ugu horeeyay tartanka OO Kalla ahaa.
1. Maxamed Maxamuud Maxamed
$1000
2.Jimcaale Axmed Jibriil
$600
3.C/alaahi Muuse Shaqalle:$400
4.Maxamed Xasan nageeye:$200
5.maxamed Cilmi Beegsi :$150
6.Saleebaan Faarax Xasan:$140
7.sakariye Maxamuud Cilmi
$130
8.Maxamed Xasan Xaaji Ibraahim :$120
9.C/raxmaan Dayib Xasan:$110
10:C/wahaab Ibraahim Aw Farah:$100
iyada oo madasha lagu soo xidhay Heeska Calanka Qaranka Jamhuuiyadda
somaliland.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland
|