Hay’ada Interpeace Oo Ayaan Darro Ku Tilmaan tay Agaasimaheedii Somaliland Laga Caydhiyay

 

Nairobi(Longlivesomaliland News)– Hay’ada Interpeace ee komishanka  doo rashooyinka Somaliland ka kaalmeyn jirtay dhinaca farsamada, oo  wakii lke edii Robin Zamora dalka laga mastaafuriyay 30-kii bishii July, ayaa maanta war-saxaafadeed ay ka soo saareen magaalada Nairobi kaga hadlay eriga wakiilkoodii waxaanay ku sheegeen in ay si toos ah u joojiyeen hawl kasta oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Somaliland.

War-murtiyeed ay hay’adu maanta ka soo saartay Magaalada Nairobi  wax ay ku sheegtay in ay u heelan tahay inay dib u ambo qaado, gedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland haddii ay dhinacyada ay khusaysaa  dhama ystiraan shuruudaha ay ku dhici karto doorasho lagu kalsoonaan karo.

Warka Interpeace wuxuu u qornaa sidan:-

“Hay’ada Interpeace aad ayay uga xun tahay go’aankii wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland iyadoo meel marinaysa codsi ay ka heshay Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka ay 30-kii Bishan ku mastaafurisay Agaasimaha Interpeace ee Barnaamijka dimuqraadiyada Soomaalida Md. Robin Zamora, oo ah qareen arrimaha dastuurka ah oo dunida aad looga yaqaan wuxuu tan iyo sanadkii 2004-tii uu gacan siinayay Guddida doorashada iyo guud ahaanba gedi socodka dimuqraadiyada Somaliland.

Interpeace waxay go’aankaasi u aragtaa mid ayaan darro ah, maadaama uu Agaasimuhu fulinayay go’aan ay hore dhinacyadu u wada gaadheen kaasi oo ahaa in liiska codbixiyeyaasha ansaxa ah, oo dhan 1.4 Milyan oo ah tiradii la faafiyay 27-kii July 2009 la siiyo guddida doorashada, xisbiyada iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Dhacdadaasi awgeed, Haayada Interpeace dhammaan hawl-wadeenadeedii aan Soomaalida u dhalan way ka saartay Somaliland waanay hakinaysaa hawl kasta oo si toos ah ula xidhiidha doorashada madaxtooyada.

Hay’ada Interpeace, dhinaceeda way dhawri doontaa balanqaadkeedii ahaa inay dadweynaha Somaliland u soo saarto kaadhadhka aqoonsiga iyo kuwa cod-bixinta muwaadiniintii si sugan isku diiwaan geliyay wakhtigii korodhsiimada.

Hay’ada Interpeace, qadarin ayay u haysaa iskaashigii mudada dheer soo socday ee dhex maray iyada iyo Dadweynaha Somaliland, waxaanay u heelan tahay inay dib u ambo qaado taageeradii gedi socodka
dimuqraadiyada Somalialnd markay dhinacyada ay khusayso ay taabo geliyaan shuruudaha ay ku dhici karto doorasho lagu kasloonaan karo.”


 


Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland