TOG-WAJAALE FOUNDATION
TWF


 

Taariikh: 6 February,2012

 

Ogeysiis:Dhammaan Qurba jooga ka soo jeeda Tog-wajaale, Geed-ballaadh & nawaaxigooda

 


Bismillaahi Raxamani Raxiim,


Walaalyaal meel aad joogtaanbba waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka,Asalamu calay kum waraxmatu laahi wabarakaatu.


Rabbigeen tabaaraka watacalaa,wuxuu in badan Quraanka Kariimka ah ku bayaamiyey in umm aaduu isku naxariisato , isku gar gaarto , walaaloowdo ,kana fogaato is khilaafka,kala fogaans haha,Qabyaaladda iyo wax kasta oo Ilaahay agtiisa aan qiimo ka lahayn.


Sida aad ka war haysaan,kana wada dharagsan tihiin,baahi aad u ballaadhan ayaa ka jirta deg aanka,bulshaduna waxay baahi badan u qabtaa dhammaan adeegyada aasaasiga ah, ee ay no loshu u baahan tahay, sida Biyaha ,Caafimaadka, waxbarashada,iwm....Allaha awoodda leh ka sokow ,kuwa looga baahann yahay inay gacan ka geystaanna ,waa Qurba joogga degaanka, e e dunida daafaheeda ku kala sugan.


Waa waajib saaran qof kasta oo degaanka ka soo jeeda,kana damqanaynaya dhawaaqaa dhe er ee innaga soo gaadhaya walaalaheen.Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan haweenka,dhalliny arada,aqoon yahanka, waayeelka & cid kasta oo samo falkaa gacan ka gaysanaysa,inay meel ay joogaanbba wada tashi iyo talo iskugu yimaadaan,magaalo kasta iyo Dal walbba oo ay ku sugan yihiinbba, dhexdoodana ka doortaan wakiilka Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Fou ndation.


Waxaa hubaal ah ,in haddii danta guud loo midoobo,loo saro kaco,in wax badan degaanka laga qaban karo,ummadana wax la tari karo...Waxaan Allaha awoodda leh ka baryaynaa inuu dham maanteen wanaagga inna garan siiyo,kheyr & xasanaadna innoogu badalo , Dalkeena & degaa nkeenana Rabbi ka yeelo , degal Nabad iyo Caano ku waara,aamiin.


 

 



 


Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation

Guddoomiye, Eng. Mohamed Ali Muse

TogwajaaleFoundation@Gmail.com