Hay'adda Horumarinta Degaanka Tog-wajaale oo lagaga dhawaaqay Waqooyiga Maraykanka

 





Hargeysa, 30 November 2011(TNN)-Shir ay isugu yimaadeen aqoonyahanno ka soo jeeda Degaan ka Tog-wajaale,deganna Waqooyiga Maraykanka ,ayaa ku dhawaaqay Hay'ad lagu horumarinayo degaanka Tog-wajaale.



Shirkaasi waxaa si weyn loogu lafo guray , lagagana arrinsaday sidii layskugu xidhi lahaa dhamm aan dadka degaanka , ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,loogana arrinsan lahaa midayn ta talooyinkooda,codkooda, awoodooda, cududooda,loogana wada shaqayn lahaa horumarka de gaanka.
 



Guddoomiyaha Hay'adda Horumarinta Degaanka Tog-wajaale , Eng.Mohamed Ali Muse, oo aanu khadka Taleefanka kula xidhiidhnay , ayaa noo sheegay in ay arrimahaasi ku faah faahin doonaan maalinta ay u qorsheeyeen furitaanka xarunta Hay'adda ,oo laga furi doono magaalada Tog-waj aale.




Sidoo kale , wuxuu Guddoomiyuhu noo sheegay , inay wada tashi la yeelan doonaan dhammaan shacabka degaanka sida cuqaasha,haweenka,dhalinyarada,salaadiinta,caaqilada, odayaasha,ba ayac mushtarka,maamulka degaanka iyo dawladda dhexeba.

 




Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland