TOG-WAJALE FOUNDATION (TWF)

BAAQ DEG DEG AH

 

 


Ku: Qurba-joogta Gobolka Gabiley
      Cisbitaalka Guud ee Tog-Wajale


Waxay Hay’dda Samafalka ee Tog-wajaale foundation (TWF) ugu baaqaysaa dhamaan qurba-joog ta Gobolka,inay ka  qayb qaataan dhaqaale ururinta loo sameynayo Cusbitaalka weyn ee magaal ada Tog-wajaale ,oo dhawaan la furi doono,si loogu iibiyo AMBULANCE,kaasoo  wax badan ka tari doona adeegyada cusbitaalka.

Baahi weyn oo dhinaca adeega caafimaadka ka taagnayd muddo aad u dheer magaalada Tog-waj aale,ayaa lagu guuleystay in cisbitaal weyn laga hir galiyo degaanka,kaasoo qayb libaax ka qaad an doona horumarinta baahida caafimaadka.

Talada,go'aanka,fikirka,abaabulka iyo wacyi-gelinta dhismaha cisbitaalka ,waxaa ku dhawaaqday, hormoodna ka ahayd Hay’dda samafalk a ee Tog-wajaale Foundation (TWF), iyadoo la kaashanay say mar walba hir gelintiisa Xukuumada iyo Hay’daha Caalamigaa  ee mashaaricda  sama-falka ah maal geliya.

Dhismaha cisbitaalka oo imika dhamaaday,waxaa maal-geliyay Hay’dda samafalka ee Sh Maxamad Al-Rashiid Bin Al-Makhtuum, Xaakimka Dalka Imaaraatka, ahna Madax-weyne ku-xigeenka Imaara adka Carabta (UAE), oo ka wakiil tahay hay’dda samafalka, TAMKIN.

Dhismaha cisbitaalku marxalado ka gedisan ayuu soo maray:

Bisihii August sannadkii hore (2013), waxa si wadajir ah u dhagax-dhigay cisbitaalka Hay’dda Sam afalka ee Tog-wajaale Foundation(TWF), Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, iyo Dhakhaatiir ka soo jeeda Gobolka.

 


Hadaba ,Ha’yadda Samafalka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),  waxay go’aansatay in loogu dee qo cisbitaalka gaadiid dadka xaaladaha caafimaad ee khatarta ku sugan lagu geeyo cisbitaalka (AMBULANCE).


Haddaba, Ilaahay dartii wax ugu soo darsada walaalayaal, taasoo kuu noqon doonta sadaqo (sad aqatul jaariya). Waa sida Ilaahay (SWT) ina farayo sida ku cad Qura’aanka kariimka ah (73:20) – wixii aynu hore u qadimano ee sadaqo ah kayrbay inoo noqon doonta iyo ajar weyn aakhiradeena dambe.

 

 


Acc. Name: Tog-wajale Foundation (TWF)
@TSB Bank
Bank Account No:
24299468
Sort Code:
30-98-70
 

 




Contacts: 07985282124 (Xuseen) 07983601860 (Jibriil) 07930848066 (Aamina)