Hayaanka Tahriibka iyo Himilo Xumadiisa

 

Hargeisa (TNN)-Sidaynu wada ognahay waxa soo badanaya Tahriibka Dhallinyarada  D alkeena Wiilal iyo Gabdhaba, Ma aha markii ugu horaysay ee Fikirkayga ka dhiibto   dhi baatada Tahriibtu leedahay balse waxaan ugu Celcelinayaan Inta Caqligooda iyo  Gara adkoodu wali badqabo inay talo iyo waano unoqoto.

Jidka dheer ee loo marayo tahriibka oo muhiimadiisa koowaad tahay sidii loo tagi  la haa wadamada Qurbaha. Hasa ahaatee, waxa aad moodaa in aanay ka fikirin  dhibaa tada ka horaysa ee ay kala kulmi karaan faa,iido iyo Khasaare labadaba.

Waxaa jira dhibaatooyin aanan halkan ku soo koobi karayn oo soo food saara  dhaliny arada tahriibta taasi aanay jirin cid og, ilaahay mooyaane.

Dhibaatooyinka Loo gaysto Dhalinyarada waxaa ka mid ah Jidh Dil joogto ah, Boob aan Ciirsi lahayn oo Hantidooda si badheedh ah loogu dhaco Suuqyada madaw iyo  dhibaat ooyin kale oo aan haboonayn in saxafaada loo soo bandhigo, taasi oo uu dareemi  kar ayo Qofka soo maray Dhibkaasi.

Tahriibta oo Sanadkii ugu Danbeeyay ee 2009 kor ukacda ayaan la qiyaasi Karin inta wiil iyo Gabadh aan la garanayn nolol iyo geeri meel ay ku suganyihiin, halka Qaar ka mid dadka badwayntu qaado ee ka badbaada iyaga oo la axmay oo laga Samray, Bari danbe la yidhaa hebel baa soo hadlay iyada oo dadka oo dhami aaminsanaayeen inuu dhintay. Halka qaar kale oo wali la laayahay aanay ka Samrin waalidkoodii oo ka  dhur sugaya bal in ay mar uun soo hadlanaa, balse laga yaabay inay bari hore Xijaabteen oo badwaynu qabri unoqtay.

Waxaa taa ka sii daran oo aan dhaqanka Somalida Hore loogu arki jirin hablaha  Soma lida oo Xishood iyo Edeb lagu yaqaanay oo aan iyaga safarada dhaa dheer ka qayb  g ali jirin iyaga oo aan la socon muxramkooda, balse arintani dhabar jab ku noqotay  ha blaha yaryar ee tahriibaya ,kuwaasi oo waliba raacaya wiilal aanay garanayn waxay ka yeeli doonaan, iyada oo ay kaga darantahay dhibaatada ay kala kulmi karaan kuwa ay isku aamineen ee la socda kuwa dhexda lagu sii marayo oo marka ay shalmada  ark aan halkaasi kula hadhaya gabadhaha Somalida, iyada oo las heegay in gabdho badan oo la waayay lagu qabo saxaraha Liibiya oo ay ku haystaan dad cawaan ah oo xoolo dhaqato ah oo diin iyo dhaqan fiican midna haysan.

Waxaa dhawaan sheeko ku maqlay Gabadh yar oo aad u qurux badan oo inta ay  waali dkeedii ka baxsatay isku dayday inay tahriibto iyada oo la socota hablo iyo wiilal kale oo ay asxaab ahaayeen, balse markii ay gaadheen Saxaaraha balaadhan ee dalka  Liib iya oo ah halka ugu daran ee waraabaha dharka xidhan ka helo hablaha Somaliyeed, h alkaasi lagula hadhay gabadhii yarayd taasi ay ku haysteen meesha muddo dhawr  sa nno ah, balse markii ay dhawr caruur ah oo qasab ah ku dhashay meesha ay ka soo b axsatay, ka dib markii ay dalka ku soo noqotay waxay hor iman kari wayday  waalidke edii ay sidaa u gashay iyo ehelkii iyo qaraabadii oo aanay jirin waji ay la hor tagtaa  iy ada oo aan ka sheekayn karayn waxa lagula kacay gabadhaasi.

Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ma wanaagsana habluhu inay tahriibaan, waayo waa hilib bisil oo haadu eeganayso hadii la dayoco.

Waxaa kale oo jira dhalinyar tiro badan pp  Ku sugan wadamada Liibiya, Yemen, Jabu uti, iwm. Kuwaasi oo ku dhibaataysan meelaha ay ku suganyihiin oo aan haysan  awo od dhaqaale oo ay ku dhaafaan badwaynta ay isku biimaynayaan, kuwaasi oo hadii  a ad la taliso oo aad isku daydo inaad ka joojiso, kuugu jawaabaya ma halkii aan soo  ma ray ayaan aayar ka noqdaa, iyada oo aad halkaasi ka dheehan karto dhibaatada  wad a mada African-ka ah ee ay sii dhex marayaan ku hayaan dhalinyarada Somalida ah.

Runtii dad badan ayaa hore uga hadlay halis uu leeyahay hayaanka tahriibku balse waxaan ka adkaysan waayay markii aan arkay dhalinyaradii hormoodka Somaliland oo sibir dhaqaaqaysa, oo aan maalina maalin ku darayn in laga sii kordhiyo mooyaane.



Sababaha ugu waawayn ee loo aanayn karo waxaa ka mid ah:

1. Shaqo la,aanta oo ku badan Somaliland iyada tixgalinta koowaad la siinayo qabiil oo aan qofka loo eegay aqoontiisa iyo xirfada uu ilaahay ku manaystay.


2. Dawlada oo aan qorshe cad u samayn dhalinyaradan sibir dhaqaaqday si ay uga na gaadaan halaagan iyo dhibkan ay ku qul qulayaan.


3. Dhalinyarada oo Fikir khaldan ka Aaminsan Dhoofka iyo Tahriibka loo marayo inay ku Gaadhaan Wadamo aanay Ogayn wax ay kala kulmi doonaan.


4. Aqoonta diiniga ah oo ku yar dhalinyarada Somaliland iyada oo tusaale aan usoo q aadan karno, ardayda ka baxday Jaamacadaha oo hadii aad waydiiso hal Xadiis, ku  o dhonaya waa af Carabi oo ma garanayo.



Guntii iyo gabo gabadii , waxaan talo ku soo ururin lahaa, waar fadhiga ha laga koco oo ha la badbaadiyo mustaqbal iyo xoogii dalka oo sii dabar go,aya iyada oo aanay  ji rin cid xil iska saaraysaa, waalidiinta waxaan kula talin lahaa inay ka daayaan ubadko oda jagooyinka ay u iibinayaan si ay u tahriibaan, xukuumadana waxaan u soo jeedin lahaa inay xil iska saarto dhalinyarada oo ay shaqooyin u abuurto si ay uga  mashquul aan jidkan qaldan ee mahuraanka u noqday dhalinteena.



 

 

Qalinkii: Nimco Muxumed Ibraahim
Timacade News Network
Hargeisa/Somaliland
Qaali540@hotmail.com