Haweenka somaliyeed ee
Degan Magaalada Bolton ee Dalka ingiriiska oo deeq lacageed
Haweenka Soomaaliyeed ee deggan magaalada Bolton ee Dalka Ingiriiska
oo soo gaadhsiiyey deeq lacageed Cabdi Maxamuud oo ah Ninkii Mucjiso
ah oo Dhibaataysan.
Wajaale (Timacade News) Hawaanka
Soomaaliyeed ee Degan Magaalada Bolton
ee Dalka In giriiska ayaa Deeq
lacageed oo Dhan $ 325 soo gaadhsiiyay
Cabdi Maxamuud Aw Xasan oo ah nin
mucjiso ah oo laxaadka Araga iyo
Maqalkuba ay ka maqanyihiin, Ninkaasi
oo Wax ka maqla Baabacooyinka Gacmaha
isaga aan Hadli Karin ilaa Baabacadiisa aad
afkaaga saarto, Cabdi M axamuud iyo Walaalkii oo ah Dad
danyar ah oo ku dhibaataysay Degmada Wajaale
ayaan hay san cid iyo ciirsi toona.
Deeqdan oo uu gudoonsiiyay Agaasimaha
Shabakada Wararka ee
Timacade News Mustafe C/kariin Cali
(Mustafe Future) oo ay u soo
wakiisheen Dumarka Soomaaliyeed inuu gaadhsiiyo deeqdaasi Cabdi
Maxamuud oo ah nin Mucjiso ah oo ku dhibaataysan Degmada wajaale
markii ay arkeen warbixin ay Shabakada
wararka ee Timacade News
ka diyaarisay damiirkoodu u da
mqaday inay wax
la qabtaan ninkaasi miskiinka ah ee dhibaatadu haysato.
Wareejinta deeqdan oo ay Goobjoog ka ahaayeen
Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley C/
risaaq Sh.Aadan Cali, Xog-haya Dawlada Hoose ee Degmada wajaale
Cabdi Abiib Warsame, Axmed Maxamuud Aw
Xasan oo ay walaalo yihiin ninkan dhibaataysan iyo
Bahda saxaafada oo goob joog ka ahayd.
Ugu horay Mustafe C/kariin Cali oo
hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa u mahad naqay Dumarka
somaliyeed ee Deeqdan soo gaadhsiiyay Cabdi
Maxamuud kuwaasi oo uu sheegay inay ka damqadeen xaalada
nololeed ee uu ku suganyahay ninkaasi miskiinka ah ee mucjisada ah.
Mustafe Future waxa kale oo uu sheegay
inay Dumarkani Sadaqo ahaan ugu deeqeen lacagt aasi
walal-kooda dhibaataysan isaga oo xusay inay Ilaahay uga Baryayaan
inuu Caafimaadki isa u soo celiyo dadka muslimiinta ahina ku
cibro qaataan.
Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley C/rasaaq Sheekh Aaden Cali
oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa si wayn ugu mahad naqay
Haweenka Deeqda soo diray isaga oo ka
codsad ay Bulshada Reer Somaliland gaar
ahaan inta wax haysataa in ay u soo gurmadaan ninkaasi oo ay ku
daydaan Haweenkaasi. C/rasaaq Sheekh Aaden, Ku Xigeenka Badhasaabka
Gabiley, waxa uu aad ugu dheeraaday dhibta ninkaasi haysata iyo sida
loogu baahan yahay in wax lala qabto. Waxa kale, oo uu sheegay in
arintani ay tahay mid uu ILaahay ummadiisa ku
eegayo.
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay nin ay walaalo
yihiin oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Aw
Xasan, oo si wayn ugu mahad naqay Dumarkii soo
gaadhsiiyay deeqd aasi. Waxaanu tilmaamay in ay tahay arin uu
ilaahay Awood u leeyahay oo aanu ku dhalan
w alalkii Cabdi Laxaad la,aanta.
Waa deeqdii u horaysay ee ninkaasi soo gaadhay tan iyo wixii ka
danbeeyay tan iyo markii ay soo if baxday dhibaatada Ninkaasi
haysata oo ay baahisay Shabakada Wararka ee
Timacade News. Hasa
ahaatee, marka loo eego Dhibta haysata, intaasi kuma filna.
Ninkan oo ah Nin ay ka maqan yihiin Laxaadka
Araga iyo Maqalka ayaa ah NinDanyar ah oo a an haysan cid wax
tarta. Waa nin dhallinyaro ah oo ay da’diisu tahay ilaa 35 jir. Waxa
uu la nool yahay nin ay walaalo yihiin oo isagu inta badan aanay u
suurtoobin in uu meel qabto oo uu u soo raadiyo wax yar oo ay
cunnaan. Arinta Mucjisada leh ayaa ah
In uu ninkani wax ka maqli karo labadiisa
baabaco ee Gacmaha marka
uu u soo dhaweeyo Afka qofka la hadlayaa.
Nimcaan Dheeg Ibraahin
Timacade News Network
TNN
Wajaale Somaliland
timacadenews@hotmail.com
|