Haweenka Soomaaliyeed ee Magaalada Bolton UK, oo Deeq l a cageed soo
Gaadhsiiyay Cabdirashiid Cumar Xuseen oo Ka soo dhacay Fooq ku yaala
Magaalada Berbera

Hargeisa (TNN)-
Haweenka Somaaliyeed ee magaalada Bolton
ee Dalka ingiriiska ayaa maanta s oo
gaadhsiiyay deeq lacageed oo ay ku soo caawiyeen Muwaadinka
Cabdirashiid Cumar Xuseen (Foosi),
oo ka soo dhacay Fooq ku yaala Berbera,
oo dhaawayo halis ahi soo gaadheen dhabarka iyo misgaha.
Foosi waxa uu ka jaban yahay Afar meelood, laba meelood oo dhabarka
ah iyo labada miskood isla-markaana kaadida iyo saxaradu ay u
socdaan si bilaa dareen ah.
Foosi waxa uu ka tirsanyahay Ciidanka Qaranka Somaliland isla
markaana waxa uu ka soo jeedaa qoys dan-yar
ah oo aan haysan wax ay ku daaweeeyaan ama ku geeyan cisbitaalada
dibada, Foosi waxay dhibtani ku soo gaadhay ka dib markii uu isku
dayay inuu bad badiyo haweenay uu galay
jin oo wakhtigaa rabtay inay iyadu iska soo tuurto fooq dheer oo
seddex dabaq ah oo ku yaala magalaada Berbera.
Dhibanahan oo manta uga waramayay Xaaladiisa
Wariye Mustafe Future ayaa sheegay in uu C usbitaalka yaalay
muddo sanad ah iyada oo aanay jirin cid wax la qabatay aan ahayn
Dhakhaa tiirta Cusbitaalka Hargeisa, balse ay ku taliyeen in aan
dalka waxba lagaga qaban Karin.
Haweenka Deeqdan soo gaadhsiiyay ayaa markii ay ka akhristeen
dhibaatada ninkaasi soo gaad hay Saxaafada
Somaliland, ayay u damqadeen walaalkood waxaanay soo
gaadhsiiyeen Deeq lacageed oo Dhan $300
Lacagtaasi oo ay soo dirtay Ruqiya Xasan
Maxamed oo ah Wakiilka Haweenka Reer-Bolton
iyaga usoo mariyay Agaasimaha Guud ee
Shabakada Wararka ee
Timacadde News, Mustafe Abdikariin Ali
(Mustafe Future).
Gudoonsiinta Lacagtaasi oo uu Goobjoog ka ahaa Dr.Maxamed Yuusuf Aw
Cali (Culimo) oo ka tir san Dhakhaatiirta ka hawlgala Cusbitaalka
Magaalada Hargeisa, ayaa waxay si rasmi ah ugu war eejiyeen
muwaadinkaasi dhibtu ka soo gaadhay Fooqa
Berbera oo aan cid iyo ciirsi toona lahayn illaahay mooyaane.
Ninkani Dhibanaha ah ayaa waxaa ka muuqdo dhaawacyo halis ah isaga
oo mudo Sanad ah u jiifa Beerka, qaarka danbena aanu lahayn wax
dareen ah Xataa kaadida iyo saxaraduba ay si bilaa dareen ah u
dhaafayaan.
Dumarka deeqdan soo gaadhsiiyay dhibanahan ayaa hore Deeqo kala
duwan u soo gaadhsiiyay masaakiin dhibaataysan oo ku sugan Gobolada
Dalka somaliland.
Mustafe Cabdikarin Cali (Mustafe Future)
Agaasimaha Guud ee Timacade News Network
(TNN)
Timacadenews@hotmail.com
Hargeisa Somaliland
|