Haweenay Guddida Nabadgelyadu Sifo Sharci-darro ah u Xukuntay oo Iyadoo Katiinadaysan Geeriyootay

 


“Marxuumaddaas Shaadiya ka hor intii aanay geeriyoon ayaa cusbataalka naloogu keenay iyadoo koomo ku jirta. Wixii aanu gargaar u samayn karaynayna waanu u samaynay, laakiin….

Maamulaha Cusbitaalka Gabiley

“Markii ay xannuunsatay ayaa iyada oo aad u ildaran la dhigay dhakhtarka, waxaana sariirta loogu xidhay katiinad, sidaa eyeyna ku geeriyootay”
Hooyo Aamina Cabdillaahi Maxamed oo dhashay marxuummada geeriyootay

Gabiley (TNN) : Haweenay magaceeda la odhan jiray Shaadiya Cabdi Ducaale oo Guddiga  Nabad  gel yada Gobolka Maroodi jeex ku rideen xukun sharci :darro ah, ayaa horraantii toddobaadkan  maydke edii la keenay gurigooda oo ku yaal magaalada Hargeysa, kadib markii ay iyada oo katiinadaysan  xa nnuunka macaanka ugu geeriyootay magaalada Gabiley oo ay ku xidhnayd.

Hooyo Aamina Cabdillaahi Maxamed oo dhashay marxuummada geeriyootay, ayaa shaaca ka  qaad ay in guddida nabadgelyada Gobolka Hargeysa sifo sharci-darro ah u xidheen inanteedii curad, isla markaana afartan maalmood kadib loogu yeedhay meydkeedii oo katiinaysan.

Aamina Cabdillaahi Maxamed oo ah hooyada gabadha geeriyootay, ayaa Sabtidii toddobaadkan u xaqiijisay weriye ka tirsan shabakadda wararka internetka ee Araweelonews oo ku booqday  gurige eda oo ku yaal xaafadda Cakaara ee ku taal koonfurta galbeed ee caasimadda Hargeysa in guddida nabadgelyo sifo sharci-darro ah u xidheen inanteeda oo qabta xannuuunada macaanka iyo dhiig ka rta, kadibna ku geeriyootay magaalada Gabiley iyada oo ku jirta gacanta guddidii xukunta sharci-darrada ah ku riday.

“Marxuumadda waxa la xidhay dhammaadkii bishii hore ee April 2010. Wax dembi ah oo ay gashay muu jirin, waxa laga qaaday gurigooda iyadoo xannuunsanaysa oo falleebo ku xidhan tahay. Markii ay dhawr maalmood ku jirtay saldhigga xaafadda Iftin ee magaalada Hargeysa ayaa habeen madow la geeyay saldhigga dhexe dushiisa oo ay fadhiistaan guddida Nabadgelyadu, waxayna ku xukumeen halkaa iyadoon maxkamad la geyn oo aan wax dembi ah oo lagu soo oogay jirin. Waxa eed looga dhi gay beri hore ayey mukhaadaraad iibin jirtay ee ma jirin wax dembi ah oo hadda lagu hayey,” ayey tidhi hooyo Aamina oo murugo badani wejigeeda ka muuqatay.

Waxa ay intaa ku dartay hooyo Aamina Cabdillaahi in markaa wixii ka dambeeyay inanteeda  dhimat ay loo gudbiyay xabsiga Gebilay, laakiin markay muddo toddobaad ah ku jirtay uu taliyaha xabsigu u sheegay ciddii soo xidhay in laga qaado, maadaama ay xanuunsanay oo cusbitaal la geeyo.

“Haseyeeshee, markii dambe dhakhtarka la dhigay iyadoo aad u ildaran oo katiinad loogu xidhay  sa riirta, sidaana ku dhimatay, kadibna maydkeedii oo katiinadaysan looogu yeedhay toddobaadkii ho re.”

Marxuumaddaas oo magaceeda la odhan jiray Shaadiya Cabdi Ducaale, da’deeduna ahayd 40 jir, ay ey hooyadeed sheegtay inay markii la xidhay ku maqnayd dalka Ethiopia, dalkana ku soo laabatay maalintii ay geeriyootay, balse markasta xaaladeeda la socotay.

Mar la weydiiyay in marxuumada dhimatay keligeed la xidhay iyo inay jireen dad kale oo lala xidhay anma haddiiba ay ogtahay waxa lagu eedeeyay, waxay ku jawaabtay; “Anigu waxaan ku maqnaa Addis Ababa. Waxay ahayd hablihii mujaahidiinta la socday xilligii halganka, isla markaana waxay ka mid ahayd habilihii u horreeyey ee ciidanka bilayska la qoro. Wax ubad ah waxay haysatay wiil yar oo agoon ah, muddooyinkan dambena waxay ahayd qof xannuunsanaya oo macaan iyo dhiigkar leh, waxayna u dhimatay dayac markii gudidda nabadgelyadu intay xaqdarro ku xidheen, haddana loo diiday in dhakhtar la geeyo. Dadka lala xidhay waxay ahaayeen shan qof oo midkood tahay gabadh kale oo guriga joogtay oo aan habaryar u ahay iyo saddex nin oo guri kale laga soo qabtay, welina dadkaasi kale way xidhan yihiin.”

Maamulaha Cusbataalka Gebiley Dr. Axmed Ismaaciil Nuur oo aannu khadka telefoonka kula xidhiinay si wax looga weydiiyo xaaladda marxuumadda markii cusbitaalka loogu geeyey, ayaa u xaqiijiyey shabakadda Araweelonews in gabadhaasi ku geeriyootay cusbataalka, wuxuuna isagoo arrintaas ka hadlayey yidhi; “Marxuumaddaas Shaadiya ka hor intii aanay geeriyoon ayaa cusbataalka naloogu keenay iyadoo koomo ku jirta. Wixii aanu gargaar u samayn karaynayna waanu u samaynay, laakiin xaaladeedu way ka sii dartay, waxayna u geeriyootay xannuunka macaanka, waxana loogu yeedhay eheladeedii oo qaatay maydka marxuumaddaas.”

Dhinaca kale, qoraal ku taariikhaysan 26 April 2010 ayey dadkaa la xidh-xidhay u qorteen Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), isla markaana ogaysiin ku siiyeen  Guddoomiy aha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Maxamed Cabdi Daa’uud, iyagoo kaga codsaday in la sii daayo oo xorriyadoodii loo soo celyo, maadaama aanay wax dembi ah guddida nabadgelyadu ku hayn. Balse may suurtogelin in dadkaas loo tixgeliyo codsiga ay kaga cabanayeen caddaalad-darra da lagu xukumay iyo sharci-darrada guddida nabadgelyadu ku xukuntay.

Magacyada shantaa qof oo ay ku jirto marxuumadda dhimatay waxay kala yihiin sidan:

Cabdi Cumar Qaalib

Shaadiya Cabdi Ducaale (Marxuumadda geeriyootay)

Ismahaan Siciid Cabdi

Mustafe Jaamac Cawaale

Cabdi Maxamed Cali

Iyadoo afarta qof ee keli weli ku xidhan yihiin xabsiga degmada Gabiley.
 

 

Source:Jamhuuriya Online