Hargeysa + Eng. & Architect Yousuf Warsame
Saed = Caasimad


 

 


Hargeysi waxay maanta u muuqataa siday ku socoto meel Gheto ah ama isu-raran. Tan iyo mudadii 22 sano ahayd ee Somaliland jirtay Caasimadda Hargeysa si xawli ah oo bilaa qorshe iyo nidaam ah oo qof waliba meeshuu doono iyo sida uu rabo ayuu u dhistaa. Ma jirto wax qorsh ah oo dawladda hoose ama xafiiska mayoradii caasimadda soo maray ay u diyaariyeen. Sababta ugu weyni waxay ahayd aqoonta ay u leeyihiin qorshaha, nidaa mka deegaanka oo aanay cilmi u lahayn, taasoo waxay gayeysiisay in Caasimadda Harge ysa ay maanta noqotay isu-raran. Waxay ka aradantahay meelihii danta guud loogu tal o galay oo madaxdan hadda Hargeysa sii jooga ama kuwii ka horeeyay ay iibsadeen ooy waliba jeebka ku shubteen. Wax wadooyin ahna haba sheegin. Taasi waa ta keentay in maanta ay Hargeysi ay u eekaato Tuulo weyn.


Ta ugu darani waa meel laga dhiso xarumihii iyo xafiisyadii laga fulin lahaa adeega guud ee bulshada, sida goobo caafimaad, dugsiyo iyo xarumihii policeka. Waxaa iya wax laga xumado ah la'aanta garoomo ciyaareed oo dhalinta iyo caruurtuba wakhtigooda firaaqa da ay ku ciyaaraan. Arrintan garoon la'aantu waa ta keentay inay dhalintii ay noqdaan Gangs xaafadaha dhexdooda ku dagaalama ama wax yeeleeya.

Haddaba sidaas maanta oo guud ahaanba Somaliland looga diyaar-garoobayo doorasho oyinkii dawladaha hoose, waxay Hargeysi nasiib u heshay Musharax ka saari kara baahi da badan ka muuqata xaga deegaanka iyo qaab-dhismeedka guud iyo muuqaalka guud ee Caasimadda.


Sidaas darteed waxaan dhammaan bulshaweynta reer Hargeysa iyo agagaarkeedaba ugu baaqayaa inay ad codkiina siisaan Musharax Architect Yousuf Warsame Saed si uu marka hore u noqdo xubin golaha deegaanka ah, ka bacdina u noqdo Mayorka Caasimadda Hargeysa.


Yousuf wuxuu taqasus iyo waaya-arag u leeyahay qurxinta guud iyo qaab dhismeedka deegaanka. Waana arrinta xuddun u ah inay hesho caasimad cusub oo soo koraysa sida Hargeysa oo kale.

Guul iyo gobanimo

 

 

 


Eng. Ahmed Abdullahi Obsiye

Oslo, Norway