Hargeysa Iyo Habeenka Qosolka Iyo Wacdarihii Jamaal Cali Xuseen Ee Diwaanka Qosolka
 

 

Wiigii ugu danbeeyay laga soo bilaabo14kii bisha December, Dhalinyarada reer Hargeysa ee  dhig ata jaamacadaha, Dugsiyada Sare iyo kuwa hoose dhexe iyo qaar kale oo badan oo kamid ah  dh alinyarada degan xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa waxay heegan iyo  diryaargar ow balaadhan ugu jireen sidii ay uga qaybgalilahaayeen habeen xiiso iyo xulasho gaar ah watay o o la magac baxay Hargeysa iyo Habeenka Qosolka.

17kii December, 2009 kuna beegnayd habeenkii khamiista ee ina dhaafay oo jawiga iyo cimilada  magaaladu ay aad u daganayd laguna jiro fasaxii wiiga aakhirkiisa, Abaaro shantii galabnimo  wa xa ku soo qulqulayey hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa dhalinyar aad u tiro badan oo ka kala imanayey xaafadaha kala duwan ee caasimada. Si ay uga qaybgalaan munaasibad  balaadh anayd oo ay soo diyaariyeen naadiga akhristayaasha Hargeysa loona bixiyey Hargeysa iyo  habe enka qosolka, oo lagu soo bandhigayey buuga Diwaanka Qosolka ee uu qoray aqoonyahanka reer Somaliland ee Jamaal Cali Xuseen, Runtii waxay ahayd munaasibad aad u qiimo badan dad  badan ina si weyn u soo dhaweeyeen xiisaha gaarka ah ee ay watay waxa uu ahaa iyada oo uu qoraaga buuggu Jamaal Cali Xuseen uu ku soo bandhigo buuga markii ugu horaysay Hargeysa inkasta oo Somaliland ay tahay dalkii saddexaad ee uu Jamaal ku soo bandhigo buuga oo ay ka horeeyeen dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka Carrabta.

Hoolka Hoodaale 2 oo ka mid aha hoolalka ugu waaweyn hotel maansoor ayaa dhakhso loo  buux iyey iyada oo aanay gaadhin waqtigii loogu talogaly in la bilaabo xaflada si kastaba ha ahaatee, Madashaa buux dhaaftay ee ay dadweynaha tirada badani fadhiyeen oo xataa markii ay  kuraasi du dhamaadeen la taagnaa ilyartuna is qabtay, Waxay dadku marti u ahaayeen Jamaal Cali  Xus een oo habeenkaa laga sugayey in uu dadka ka qosliyo islamrkaana dad badani ay xiiso u qabeen in Jamaal ay arkaan waxbadan ka ogaadaan. Jamaal oo dadka soo horfadhiyey waxa ku  weheli yey madasha, Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Boobe Yuusuf Ducaale iyo waliba Maxamed Rashiid Sheekh Xassan.

Akhriste aayaadkii quraanka Kariimka ah kadib, Marka laga yimaado hadaladii Boobe Yuusuf  Duc aale oo ka hadlayey jabhadayntii af Soomaaliga.Maxamed Rashiid oo bogaadin iyo mahdanq  wad ay iyo waliba Hadraawi oo sheekooyin Qosol leh la wadaagay dadka waxa si toos ah loogu  waree jiyey makarafoonka Qoraageenii martida loo ahaa ee caawa oo dhan la wada sugayey oo lagu  so o dhaweeyey sacab iyo riyaaq badan,Iyada oo soo dhawaynta ka horna si weyn looga  sheekee yey taariikhada shaqo waxbarasho iyo ta bulshoba iyada oo uu qoraagu ka soo baxay  jaamacad aha aduunka ugu waaweyn Jamaal waxa uu ka soo baxay jaamacada Harvard ee ku taala dalka Maraykanka waxay isku meel ka soo baxeen madaxwaynaha Maraykanka ee Obma. Jamaal markii uu madasha soo istaagayaba intii uun buuga guda galinba durtaba hadaladiisii hordhaca ahaa dadkii waa uu ka qosliyey ilayn waa hibo Ilaahay siiyey farxada iyo qosolka xikmadaysan ee uu dadka kaga qoslinyaa.

Jamaal Cali Xuseen qoraaga iyo soo bandhigaha buugga Diwaanaka Qosolku waxa uu gudo galay buugiisii, Buuga diwaanka qosolku maaha buug habeen kalliya lagu soo bandhigi karo waxa uu ka koobanyahay ilaa 120 sheeko oo mid kastaa wadato hab adeegsigeega iyo xikmadeeda Jamaal  w axa uu ka soo xulay kuwii ugu xiisaha badnaa buuga taas oo dadkii madasha fadhiyey qosol dartii wax kale kuma gartide ay indhuhu casaadeen oo kuraastii laga daatay,Waxa xusid mudnayd in Jamaal uu xataa u hibeeyey dadkii ka soo qaybgaley munaasibada qaar ka mid ah sheekooyinka ku soo bixi doona buuga Diwaanka Qosolka daabacaada labaad taas oo iyaduna madasha iyo  qol sokba sii xiiso galisay,Waxyaabaha sii xiiso galiyey sheekooyinka qosolka leh ee uu qoraagu ka sheekaynayey waxa ka mid ahaa iyada oo dhamaan sheekooyinkani ay saameyn ku leeyihiin ama ay ka dhaceen dhulka ay soomaalidu degto ama ay ku nooshahay hadii ay tahay mid ka dhacday Soomaalida ku nool qurbaha, Soomaaliland, Jabuuti, Koonfurta Soomaaliya, waana ta xiisaha gaar ka ah wadatay inuu kolba Jamaal meel nayar geeyo oo aanu ku qosolno, Akhriste hadii aan dadkii waqtigu u saamixin in ay ka qaybgalaan madashaasi xiisaha badnayd aan la wadaago mid ka mid ah sheekooyinkii qosolka lahaa bal aan soo qaato sheekadii ugu horaysay ee uu madasha ka  akh riyo Jamaal waxayna ahayd (Barigii lagu jiray ololaha af Soomaaliga ayaa loo diray nin bal in uu miiga tago oo uu dadka soo baro, Ka dibna isaga oo maalin dadkii reer miiga ahaa u dhigayo  xisa ab waliba ka jarta ama kala goyinta ayuu fahansiin kari waayayaa dabadeed waxa uu u soo  qaa dayaa tusaale iyaga la xidhiidha bal si uu u fahnsiiyo markaasuu odhanayaa hadii ay 7 riyaad ku jiraan xero oo ay 3 kamid ah riyahaasi yaacaan imisaa ku hadhaya xerada, Halkii uu ka sugayey 4 ayuu nin halkaa ka soo boodayaa markaasuu odhanyaa iga walee riyahaan kaa aqaanaayoo hadii ay mid baxdo xabadi in ayna ku soo hadhayn xerada).

Runtii waxay ahaayeen sheekadaa iyo qaar kale oo ka sii xiiso badan oo Jamaal si googoos ah oo xiiso badan u soo bandhigay, Qosolka dadka oo badnaa awgeed Jamaal marka uu mid akhriyoba uu joojinayey oo waxa uu sugayey inta ay dadku qosolka dhamaysanayaan.

Barnaamijyada noocan oo kale ah waa kuwo aad u xiiso badan oo loo qaaday dhinaca horumarka iyo is dhaxgalka dhalinta intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabo badan oo aan u  wanaagsana yn naftooda iyo dalkoodaba, Waayo waxaad ka garanaysaa sida gobanimada leh ee looga soo  qa yb galay ee loo xiisaynayey, Waxaana taa sabab u ah iyada oo aan ay jirin waxyaabo xiiso badan oo waqtiyada ay dadku fasaxa ku jiraan ee ay ka nasanayaan hawlihii shaqo iyo waliba kuwii  wax barashoba ay ku mashquulaan hadii ay tahay barnaamijyo idaacadeed ama TViiba ama caways kale oo xiiso leh.

Gabogabadii xaflada waxa madasha lagu qaybiyey buugaag kala duwan oo bakhtiyaa nasiib lagu helayey oo ay qoreen qoraayo reer Soomaalilaand ah, Buugaagtaas badna ee la kala helayey  wa xay dad badani aad u xiisaynayeen in ay ku guulaystaan Diwaanka qosolka oo ahaa buugii  madas ha lagu soo bandhigay. Xaflada markii ay dhamaatay dadku waxay wali sii joogeen madasha ay ka dhacaysay munaasibadu qaar kalena waxay taagtaagnayeen hoolka hortiisa iyada oo la hadal hayey qosolkii iyo sheekooyinkii madasha lagu soo bandhigay halka dhalinta qaarna ay Jamaal ka codsadeen in uu sii wado buugaata noocan oo kale ah si ay dadku ugu nastaan waqtiga ay  jaani ska iyo fasaxa yihiin maadama aanu dalku lahayn meelo lagu dalxiiso oo nasasho lagu soo qaato.

Akhriste waxa hadaba looga fadhiyaa Jamaal Cali Xuseen qoraha buugan oo ah nin aqoonyahana ah islamarkaana dhanka kale ah halabuur oo sameeyey heesta cusub ee ka hadlaysa Somaliland ee dhawaan soo baxday ahaana nin qurbaawi ah oo u olaleeya qadiyada ictiraaf raadinta  Jamhu uriyada Soomaliland in uu sii wado hawshaa fiican ee uu bilaabay hadii ay tahay in uu soo qoro buugaag kale iyo hadii ay tahay dhiiri galinta dhaliyarda in ay qoraan waxyaabo noocan oo kale ah sidii ka muuqatay munaasibadaasi intii lagu gudo jiray.

Madashaasi waxa ya ku dhamaatay jawi fiican oo mabsuud lagu wado yahay oo diriqi lagaga soo dareeray madasha oo dadku ilaa 11dii habeenimo la sii joogay iyada oo ay munaasibadu bilaabtay abaaro 7dii fiidnimo waxayna ahayd tii ugu dheerayd ee saacado badan oo aan la dareemayn  la gu qaato qof kastaana ka soo baxo isaga/iyada oo qoslaya hadlna haya wixii madasha ka dhacay ee xiisaha iyo xulashada badnaa.
 

 

 

Qalinkii Sahra Kiin Abdirahman Ahmed
Sahra873@hotmail.com
Freelance journalist
Hargeysa Somaliland