Eng. Maxamed Xaashi oo soo Bandhigay Hanti Balaayiin Doollar ah oo Rayaale iyo Wasiir Cawil Dibadaha Dhigteen


 

“Hantida ma-guurtada ee Rayaale urursaday intii uu xilka hayay: Jabuuti: Villa badda saaran iyo hal dabaq oo badhtamaha magaalada ah, Qaahira; Dhisme 9 dabaq ah oo ku qoran Cabdiraxmaan Daahir Rayaale Kaahin, UAE (Shaariqa): Qasri, Boorama dhawr guri”


“Hantida uu urursaday Cawil Cali Ducaale intii uu xilka hayay: Kenya (Nairobi) afar daarood oo middiiba tahay hal dabaq, 7 gaadhi weyn oo Volvo ah”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta urur-siyaasadeedka QARAN ee la midoobay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa soo bandhigay hanti balaayiin dollar gaadhaysa oo uu sheegay in Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkiisa Maaliyaddu dibadaha dhigteen.


Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ku eedeeyey Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) inuu markab raashin ah oo ganacsade Carbeed ku caawiyey Somaliland uu ku iibiyey dalka Jabuuti. Qoraal uu xalay khadka internetka Jamhuuriya ugu soo diray, waxa uu ku sheegay in Wasiirka Maaliyaddu si qarsoodi ah Jabuuti ugu iibiyey markab raashin ah oo ganacsadaha Carbeed ee Al-cammuudi ku caawiyey ummadda Somaliland, isla markaana lacagtii ka soo baxday aanay ku dhicin khasnadda dawladda.


Qoraalkaas oo uu ku soo bandhigay dhaliilo tiro badan oo uu u xambaariyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo hantida ummadda ee madaxda xukuumaddu lunsadaan, waxa uu u dhignaa sidan:


“Xaalad adag oo horleh ayaa soo foodsaartay JSL. Xaaladdaas waxa abuuray madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin. Daahir wuxuuu mansabka madaxweyne ka dhaxlay, Madaxweyne M .I.Cigaal (AN) bishii May 2002, Daahirna wuxuu u magacaabay Ku-xigeen madaxweyne Axmed Yuusuf Yaasiin.


Maamulka Rayaale sidee loo arkaa? Sida qaalibka ah, madaxdu waa laba nooc. Mid ay arrimihiisa gaarku hoggaamiyaan iyo mid u adeega danaha caamka ee dalka iyo dadka. Haddii aan qiimayno xilgudashadii Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku sifoobi nin aad u danaya arrimihiisa gaarka ah. Madaxda noocan ah waxay adeegsadaan, dad u dhaga-nugul. karti iyo daacadnimo ma aha, shardi raalligeliya.


Waxa furma albaabada musuq-maasuqa. Dastuur, sharci iyo dan gaar meel uma wada hoydaan. Dastuur iyo sharci waxa loo sameeyay, danta caamka ah. Waa sababta Dastuurka loo adkeeyay ee lagu ansixiyay afti dadweyne.


Sidee ayey madaxda noocan ah daweynaha u raalligeliyaan? Waxa ay adeegsadaan Qabiil, kaasoo u adeega danaha khaaska ah, mid qof, qoys amma beel.iwm. Markaa dadweynaha waxa loo tumaa durbaanka qabiilka. Durbaankaas waxa u dhaga-wadan danayste oo dhan iyo inta aragtida gaaban. Kuwaa waxa hormood ka ah: Maalqabeen, Madaxa-dhaqameed baahi badan iyo afmiishaar.


Waxa dadweynaha lagu duufsadaa sheekada; Dawladdii reer-hebel, wasiirkii reer-hebel. Waxa la isugu faanaa, Madaxweyne ilaa Agaasime, wasiir, xildhibaan iwm ee reerku leeyehay. Waa dareen in aan dadweynuhu u sinayn xukuumadda, haddii ay tahay mansab ama dheef. Waa asaaska xukuumad ballaadhan oo tayo xun. Waa majara-habaabin dadweyne. Laguma xisaabtamo, maxay xukuumaaddu qabatay, ee waa imisa madaxda aynu ku leenahay. Waa gabboodka madaxda sare ee musuq-maasuqa, maal urursigii iyo kursi jacaylka.


Maxaa Rayaale lagu xusuusan karaa ee wanaag ah, toddobadii sannadood uu xilka hayey?


1. Doorashooyinkii Dawladaha Hoose.


2. Doorashadii Madaxtooyada


3. Doorashadii Golaha Wakiillada.


4. Ciidammadii uu geeyay Gobolka Sool.


Bal iyana raadkii Rayaale aan dib u raacno, toddobadaa sannadood, guul-darrada laga dhaxlay:


1. Ficilkii ugu horreeyey wuxuu ahaa inuu odayaal u diro xaaskii marxuum Cigaal inay guriga uga saaraan, iyada oo geeriyaysan oo asaydii sidda.


2. Maamulkii JSL ee uu ka soo raray Sool iyo Sanaag.bari 2002.


3. Toddobadaa sannadood Rayaale ma dhisin hal Class room. Wuxuuu ku mashquulay dan u gaar ah.


4. Muddadii deegaannada oo dhammaaday oo sharci-darro ku fadhiya. Waa xil Rayaale gabay.


5. Madaxtooyada oo muddo-kordhin aan sharci ahayn ku fadhida. Iyana waa xil Rayaale gabay.


6. Guurtidu oo muddo kordhin isu sameeyay aan sharci ahayn. Waa xil Rayaale gabay.


7. Maamulka oo aan wada gaadhin gobollada iyo degmooyinka dalka.


8. Mushaharka shaqaalaha iyo ciidammada oo aad u yar, oo aan lagu noolaan karayn.


9. Darajo la’aanta ciidamada kala duwan ee Qaranka.


10. Ganacsigii xoolaha, ee xorta ahaa oo loo xidhay shirkadda Jaabiri.


11. Marinkii xoolaha dhoofa ee Berbera oo boqolkiiba lixdan (60 %) ka dhoofto Jabuuti iyo. Waxa sababay dan-wadaagta Rayaale-Jaabiri.


12. Itoobiya shidaal jabani inooga yimaad. Sababtu waa dan-wadaagta Rayaale-Total.


13. Kala xaddeyn la’aanta gobollada iyo degmooyinka JSL iyo ku xadgudubka (Xeer Lr 23/2002, Qodobka 7aad -1,2,5,7; oo sababay bililiqaysiga Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin degmooyinkii Gobolka Maroodi-Jeex iyo Gabiley.


· Qaybta Rayaale::Awdal: Bildhaale, Ceel-lahelay, Waraqa-Dhigta, Ceel-Sheekh, Hulka, Cabdi-Geeddi Shirdoon, Lug-Haya, Hadeyta (Sh. Madar ku dhashay), Cali –Xaydh, Garba-Dada iyo Diirato.


· Axmed Yuusuf Yaasiin: Saaxil: Qudhaca, Sallay-Biyo Kulul iyo Boodale.


14. Tuulayaasha xaqii ay u lahaayeen diiwaan gelinta loo diiday: Bildhaale, Ceel-lahelay, Waraqa-Dhigta, Ceel-Sheekh, Hulka, Cabdi-Geeddi Shirdoon.


15. Maraakiibta Kalluumaysiga ee Masar, Dan-wadaagta Qasriga-Ina-cunaaye ……..


16. Dhex-dhexaadinta Rayaale iyo madaxweynaha Somalia ee madaxweynaha Jbuuti waddo. Arrintani waxay qayb ka tahay dib-u-dhigga doorashada si Rayaale u noqdo ninka wadahadalka la gelaya Shariifka.


Maxaa u sabab ah, xaaladdan dalku galay? Si kooban waa; Adduun urursi iyo Tir-tiridda JSL.


1. Waxaan maqaalkii hore ku xusay, in uu jiro dakhli badan oo aan Miisaaniyadda Qaranka gelin ($ 52,227,407) sannadkii iyo in ka badan oo aanan hadda xogtooda hayn. Toddobadii sannadood hantida ummadda ee la lunsaday way ka badan tahay $ 365,600,000.


2. Mushaharka madaxweynaha oo qudhaa la yaab leh waa: sls 2,600,419,200/ 3,500 = $ 742,977 sannadkii amma $ 62,000 bishii, kaas oo ka badan mushaharka madaxweynaha USA.


3. Hantida ma-guurtada ee Rayaale urursaday intii uu xilka hayay: Jabuuti: Villa badda saaran iyo hal dabaq oo badhtamaha magaalada ah. Qaahira ; Dhisme 9 dabaq ah oo ku qoran Cabdiraxmaan Daahir Rayaale Kaahin. UAE (Shaariqa): Qasri, Boorama dhawr guri.


4. Xisaabaha Baanka JSL uga furan: Jabuuti, Germany iyo Addis Ababa. Baanka JSL, ma furo L/C, waxa la odhan karaa waa xisaab madaxdu dhigato lacagta.


5. Waxa maanta la boobayaa hantidii maguurtada ahayd ee JSL. Waxa laga iibiyaa niman maalqabeen ah. Iibkaasi ma aha mid dastuurka iyo sharciyada dalka waafaqsan, mana aha iib gala Miisaaniyadda Qaranka. Waa XAARAAN ay u badheedheen kuwa iibsadaa iyo xoolo ay iska LUMIYEEN.


6. Sidoo kale, Bullaxaar, dhul laga kireeyay/iibiyay Carabka Jaabiri: Ma aha mid waafaqsan sharciga, mana aha dakhli galay miisaaniyadda.


7. Qaraxii - Hargeysa: Waxa la yidhaa waxa inna caawiyay; Qatar, Baxreyn, UAE iyo UNDP?


8. Markab raashin ah oo Carabka Cammuudi ku caawiyey ummadda baahan ee JSL oo Cawil Cali Ducaale ku iibiyay Jabuuti, lacagtiina ayna gelin khasnadda dawladda amma miisaaniyadda.


9. Hantida uu urursaday Cawil (Xuseen) Cali Ducaale intii uu xilka hayay: Kenya (Nairobi) afar daarood oo middiiba tahay hal dabaq. 7 gaadhi weyn oo Volvo ah.


Cawaaqibka ka dhashay wuxuu noqday JSL oo lagu sifayn karo maamul burburay (Failed State).


F.G: Maalkaa la lunsaday wuxuu dalka iyo dadka u qaban lahaa: Qoraalkii hore waxaan soo sheegay lacagta la lunsadaa, sannadkii inay ka badan tahay, $ 52,227,407. Waxa kale oo aan ku xusay lacag kale $ 8,073,688, laga samayn karo wasaarado iyo kharashyo la dhimo. Isugeyn; $ 60,300,000. Haddii la danaynayo dadka iyo dalka: Waxa lacagtaa la gelin lahaa arrimahan soo socda:


Daryeelka Shaqaalaha iyo Ciidamada: Waxa mudnaanta la siin lahaa, shaqaalaha iyo ciidamada. Waxa loo kordhin lahaa Mushaharka 500 %, si loo gadhsiiyo heerkii mushaharka joogay, 1994. Iyadoo dib-u-habayn lagu samayn tirada iyo tayada. Waxa lagu kordhin lacagta ku baxda, Toddoba iyo labaatan milyan $ 27,000,000.


Korodhsiimaha 500 %, Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada.


Darajada A

Mushaharka Hadda $ 68.00

Mushaharka Cusub $ 340.00


Darajada B

Mushaharka Hadda $ 56.00

Mushaharka Cusub $ 280.00


Darajada C

Mushaharka Hadda $ 42.00

Mushaharka Cusub $ 215.00


Darajada D

Mushaharka Hadda $ 24.00

Mushaharka Cusub $ 120.00



Waxbarashadu: waa muftaaxa aqoonta, waa asaaska horumarka. Waxbarashada guud ahaan, si gaar ahna dugsidyada farsamada ee lagu barto xirfadaha casriga ah, si dhallinyaradu shaqo u hesho.


Ardayga waxa dhibay fiiga; dugsi hoose/dhexe ilaa Jaamacad. Dadweynaha ay isu garabsadeen; sicir-bararka iyo shaqo la’aantu, ma awoodi karo Iskuul fiiga laga rabo.


Marka macalliminka mushaharka loo kordhiyo waxa laga dhaafi ardayga; Dugsiysda hoose/ghexe ilaa dusiyada sare ee xukuumadda fiiga laga qaado. Waxa loo dejin qorshe shan sannadood ah oo Miisaaniyadaha Qaranka loogu daro Laba milyan oo Doollar ($ 2,000,000) sannadkiiba.


Sidoo kale, Tacliinta Sare, waxa loo dejin siyaasad iyo qorshe ku salaysan baahida dalka, tayada iyo shaqo abuurka. Isla markaa waxa Miisaaniyadda loogu darin sannadkii laba milyan oo Doolar ($2, 000,000), halka ay xukuumadda hadda ka siiso laba iyo lixdan kun oo doollar ($62,000) sannadkii. Fiiga ardayga Jaamacadaha laga qaado dib-u-eegid baa lagu sameyn si looga dhigo ilaa $15 bishii, halka uu hadda ka yahay $35 bishii.


Beeraha: Noloshii dadweynuhu cidhiidhi bay ku sugan tahay maanta; sicir-barar, abaaro iyo cunno yaraan. Si wax-soo-saarka beeraha loo kordhiyo, loona soo saaro cunno dalka ku filan, waxa biyo-bidheeno iyo biyo–qabatiino (Irrigation) loo sameyn dhul-beereedka gobollada. Waxa loo qorsheeyn muddo shan sannadood ah, in la geliyo; Laba iyo toban Milyan oo Doolar ($12,000,000) amma Laba milyan iyo affar boqol oo kun ($2,400,000) sannadkii.


Caafimaadka: Waxa caafimaadka loo qorsheyn dhisme cusbitaallo, dib-u-habeyn kuwa jira iyo qalabayntooda; Waxa kale oo kordhin xarumaha caafimaadka ee tuulooyinka iyo miyiga (MCH iyo Health Posts). Waxa Miisaaniyadda loogu dari hal milyan iyo badh ($ 1,500,000) sannadkii, qorshaha shanta sannadood.


Kalluumeysiga: Waxa gaar looga dhigi dadweynaha JSL si shaqo loogu abuuro. Waxa la dhigi qaboojiye; Berbera, Saylac, Xiis, Maydh iyo Laas-Qoray. Miisaaniyadda Qaranka waxa looga qoondeyn ilaa Saddex Milyan oo Dollar ($3,000,000).


Berbera-Free Zone Area; Waxa si dhakhso ah loo bilaabi inta aynu awoodi karo oo ah; qorshaha (Plan), dhismaha dariiqyada, xafiisyada iyo bakhaarrada. Biyo-gelinta, korontada, iyo isgaadhsiinta, qalabaynta. Hawlahaas waxa loo qoondeeyey; shan milyan ($5,000,000). & nbsp;


Jidka Ina Af-Madoobe / Ceerigaabo: Si dhaqaalaha gobolka loogu soo xidho, dalka intiisa kale, waxa la siin mudnaanta dariiqaasi leeyahay. Dhererku waa 306 Km. Sannadkii waxa la dhisi ilaa soddon km oo laami ah. Waxa loo qoondeyay $ 7,500,000 sannadkiiba, waana mashruuc toban sannadood.ah. Waddooyinka dalka sida Hargeysa-Borama iyo kuwa kale oo badan waxa lagu dari qorshaha horumarinta isgaadhsiinta.


Waxa Kayd, u soo hadhay, sagaal malyuun iyo sagaal boqol oo kun ($ 9,900,000) sannadkii.


Geba-gebo:Tala soo jeedin ku wajahan, Daahir Rayaale Kaahin;


Khamiistii 16 April, 2009, Salaaddii subax ka kor, ayaa anigoo Quraan akhriyaya waxa igu soo baxday; suuradda AZ-Zumur (39) :53-61. Aayadahaas oo aan jeclahay inaad akhrido, ayaa i xusuusiyay kulankii isugu keen horreeyey gurigaagii hore. Markii laguu magacaabay Madaxweyne geeridii Cigaal (A.N). Annaga oo dhawr nin ah ayaannu ku hambalyaynay.


Waxa aan ku siiyay, khudbaddii Siyidinaa Abubakar Al-Sadiiq (A.R) uu akhriyay markii loo magacaabay Khaliif nimada. Khudbaddaasi waxay xambaarsanayd nuxur qiimo weyn. Waxa ka mid ahaa; haddii aan qalloocdo i toosiya. Aniga oo soo jeedintan daba socda, ayaan jeclaystay in aan talo ku soo jeediyo.


Markii aad qasriga Madaxtooyada gashay ayaa baahidaadii nololeed JSL xil-qaaday, xuquuq kugu filan inta noloshaada ka hadhayna kuu diyaar tahay. Balse waxaad ka leexatay xilkii iyo waajibkii laguu igmaday ee laguu dhaariyay. Sida qoraalkan ku xusan dembi weyn baad muquuratay. Adduunkaa aad urur-satay waxa kaa raaci maro yar oo cad oo ay fiicnaan lahayd inay tahay xalaal.


Waxa wanaag, sharaf, ragganimo iyo aakharo-sami kuugu jirtaa ummadda oo aad u soo celiso maalkooda. Kuwa aad masuulka ka tahay sidoo kale ku amar. Doorashada qabo oo isasoo sharrax adoo Daahir dhab ah. Haddii aad doorashada ku guulaysan weydo waxaaad heli “Pension” kugu filan.


Waa arrin adag oo geesinimo u baahan. Waa dumin gidaarkii musuqmaasuqa. Sharaf lagugu xusuusto qarniyo badan baa kugu jirta. Waa TOOBAD-keen. Sii wadidda iyo ku jiridda xaaladdani waxa ay kuu horseedi wax ka sii xun oo ah DHAGAR.”




Jamhuuriya Online